MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live

BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)

Options

Font Size
Viewer Comments
Sounds
Translate posts and comments.
  • Turkiga oo kordhiyay duqaymaha uu ka wado Suuriya

    BBC Somali: Dowladda Turkiga ayaa xoojisay duqaymaha cirka ee ay ku hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan wuqooyiga Suuriya.
  • Ogaal waxaa iska kaashada Raadiyaha Arrimaha Banii`aadannimada Ergo, BBC Somali iyo BBC Media Action
  • Haddii Soomaaliya u safarkeedu uu aad khatar u yahay, maxaysan u musaafurinteedu u ahayn?

     

    Riham Feshir, MPR News [View in English]

    Waxay la maleeynayaa in Soomaaliya ka mid tahay dalalka uu Madaxweyne Trump niyadda ku hayay markii uu aflagaadeeyay Afrika, iyadoo uu dhowr goor dalka ku daray qeybihii kala duwanaa ee xannibaadiisii socdaalka. Waxay xukuumadii hadda kordhisay tarxiillada Soomaaliya, inkasta oo Trump Wasaaraddiisa Arrimaha Dibedda ay sheegtay inay khatar tahay in halkaas loo safro.

    Maxamed Adan, oo Minnesota kula nool xaaskiisa iyo carruurtiisa, waxaa cabsi ku ah filitaanka in lagu khasbi doono inuu ku noqdo Soomaaliya.

    “Xaaladdu aad ayay u xun tahay,” ayuu dhowaan yidhi. “Kooxo diimeed ayaa halkaas ka dagaalamaya, al-Shabaab.” Wuxuu sheegay inuu maqlay in kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab ay dagaalyahanno ka qorato Soomaalida ka soo noqoneeysa Maraykanka. “Waa inaan u dagaallamo, ama waa inay ku dilaan,” ayuu yidhi.

    Ka dib markii dagaalkii sokeeye uu Soomaaliya ka bilowday 1991-kii, wuxuu Adan u baxsaday Itoobiya. Wuxuu ka mid noqday kuwii

    “nasiibka xumaa” ee aan qaxootinimo looga oggolaan Maraykanka, siduu sheegay. Sidaa darteed wuxuu kireeystay tahriibiye geeya Mexico, isagoo ku talo jiray inuu xuduudka uga tallaabo Maraykanka.

    “Markii aan Maraykanka ka buuxiyay (codsigii) magangelyada, waa ay diideen kiiskaygii,” ayuu yidhi. Xaakin ayaa u arkay qof la aamini karo, balse wuxuu sidoo kale ku helay inuusan haysan qiil sax ah markii loo eego sharciyada magangalyada. Xilligaas Maraykanku Soomaalida uma musaafurineeyn dalka bariga Afrika. Dalku kuma jirin xaalad uu dad ku qaabilo.

    Adan waxa uu haystay oggolaansho shaqo. Waa uu nagaaday oo shaqooyin kala duwan ayuu ka shaqeeyay: tagsiile, tusaale ahaan, iyo inuu iibiyo dukaan hadiyadaha oo ku yaala garoonka diiyaradaha. Wuxuu in muddo ah lahaa adeeg baabuur. Dhibka ugu badan oo uu wajahay wuxuu ahaa dhaxanta Minnesota.

    Hase ahaatee sannadkii hore, wuxuu Adan ka walwalay waxa uu maamulka cusub ee Trump sameeyn doono. Waxa uu Soomaaliya cadaadis ku saarayay inay dadka qaabisho, wuxuuna bilaabay inuu tiro badan musaafuriyo. · Soomaalida Minnesota: Cabsi qayaxan oo sii kordheeysa ee musaafiris ku saabsan

    “Waxaan isku dayay inaan Canada aado waayo ma aanan dooneeyn in Soomaaliya la ii musaafuriyo,” ayuu yidhi.

    Laakiin masuuliyiinta Canada ayaa u diiday inuu dalkooda soo galo. Askarta hay’adda amniga xuduudaha ee Maraykanka ayaa Adan gaadhi ku keenay Grand Forks, N.D., wuxuuna halkaas ka soo aaday Minnesota. Waxay mas’uuliyiintu u sheegeen in looga baahan yahay inuu saddexdii biloodba iska soo xaadiriyo askarta Hay’adda Socdaalka iyo Dhaqan-gelinta Canshuuraha, amase ICE.

    Sidii la faray, wuxuu isxaadiriyay March-tii la soo dhaafay. Wuxuu mar kale tagay June. Laakiin markii uu aaday inuu isxaadiriyo September-tii hore, ma ussan ku soo noqon gurigiisa. Si kadis ah ayay ICE u xidheen oo u qorsheeyeen inay Soomaaliya dib ugu celiyaan.

    Waxaa marba la geeynayay xabsiyo ku yaala Minnesota, Iowa, Nebraska ugu dambeeyntiina Loiusiana.

    “Kama xumaadeen inaan Soomaaliya dib ugu noqdo,” ayuu yidhi, haddii uu dalku nabad ahaan lahaa.

    Hadda Adan waa uu sugayaa, isagoo u xanniban arrimo aan iswaafaqeeyn. Waxay dawladda Maraykanku sheegaysaa in xaaladda Soomaaliya ay ka soo reysay oo mareeyso heer dib loogu celin karo. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa muwaadiniinta Maraykanka si joogto ah uga digta in Soomaaliya tahay meel u safriddeedu khatar tahay. Waxay sheegtaa in dambiyada xun sida afduubka iyo dilku ay ku badan yihiin. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa Soomaaliya siisay heerka ugu sarreeya ee digniinaheeda: “Ha u safrin.”

    Waxayna argagixisadu sii wadaan inay abaabulaan afduubyada iyo weerarrada bambooyinka. October-tii hore, qarax ka dhacay Muqdisho ayaa waxa ku dhintay in ka badan 500 oo qof.

    Wakiilka Adan, Kim Hunter, ayaa sheegtay inaysan micno sameeynayn isbeddelka Maraykanka ee ku aaddan siyasadda musaafurinta Soomaalida.

    “Al-Shabaab kama aysan dhalan Soomaaliya illaa dhammaadkii 2006-dii,” ayay tidhi Hunter. “Sidaa darteed, marka la qimeeyo inay gacanta ku hayaan dalka intiisa badan iyo dhaqannadooda diimeed ee xagjirka ah, dhaqannadooda siyaasadeed, iyo shakiga ay ka qabaan reer Galbeedka siiba Soomaalida reer Galbeedka noqotay oo ka imanaya Maraykanka, taasi waa qiil dhan oo cusub oo magangalyo lagu codsan karo.”

    Ka dib xadhig saddex bilood ah, ayuu Adan ku guuleeystay baajin ku meel gaadh ah markii uu xaakin socdaalka qaabilsan amray in kiiskiisa dib loo furo. Hadda waa uu sugayaa, isagoo rajeeynaya in dalkiisan uu doortay u oggolaan doono inuu joogo — isagoona ka baqaya inuusan u oggolaan doonin.

    Wariyaha MPR Mukhtar Ibrahim ayaa ka qeyb qaatay sheekadan.

  •   

    Booliiska Toronto oo beeniyay in la weeraray Gabadh Muslimad ah

    BBC Somal: iBooliiska dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in weerar la sheegay in la isku dayay in gabadh 11 jir muslimad ah xijaabka looga jaro Maqas uusan weerarkaasi dhicin.
  • Duqa Magaalada Mpls. Frey oo ballanqaaday inuu kordhinayo fursadaha shaqo. Ma aha qofkii u horreeyay

    Brandt Williams, MPR News

    Xilli ay aroor hore ahayd subax ka mid ah January oo uu jiray qabow ba’an, ayuu Duqa Magaalada Jacob Frey daawanayay shaqaalaha dhismaha oo dhisaya qeybta gudaha ah ee xarunta cusub ee ay koonfurta Minneapolis ka dhisanayaan Thor Construction.

    Sannadkan dabayaaqadiisa waxaa dhismahan weyn ee shirkadda ay madowgu leeyihiin oo xaruntoodu tahay Minnesota uu afar dabaq ka sara mari doonaa isgoyska waddooyinka Plymouth iyo Penn, halkaas oo ahaan jirtay meel ganacsi badan. Hase ahaatee, ganacsiyo badan ayaa ka guuray ka dib rabshadihii ka dhacay waddada Plymouth dabayaaqadii 1960-maadkii.

    Waxaa booska hadda ka bannaan uu ku filan yahay dhismaha Thor oo ku fadhiya 90,000 oo foot oo isku wareeg ah qiimihiisuna yahay $35 milyan.

    Frey ayaa sheegay in dhiiri galinta hal-abuurka ganacsi iyo keenidda shirkado dhisa oo shaqaaleeysiiya dadka deggan waqooyiga magaalada ay tahay mid ka mid ah siyaabaha lagu wajihi karo takoorka soo jireenka ah.

    “Waxaan leenahay shaqsiyaad hibo leh iyo halabuurayaal ganacsi oo waxyaabo lala yaabo halkan ka sameeyn kara. Waxaana nalaga doonayaa inaan hubino in hibadaas la wada isticmaalo si ugu dambeeyntii loo rumeeyo rajada waqooyiga Minneapolis,” ayuu yidhi Frey.

    Frey ayaa sheegay in la gaadhay xilligii ay hoggaamiyayaasha magaaladu joojin lahaayeen ka hadalka sidii shaqooyin dheeraad ah loogu abuuri lahaa dadka aan caddaaanka ahayn oo ay ficil ku dhaqaaqi lahaayeen. Hase yeeshee, waxay dadka qaar sheegeen in Duqa Magaalada Frey uu natiijo ku gaadhi karo kaliya isticmaalka maqaamkiisa.

    “Waa muujinta waxa shaqeeyanaya, xoojinta waxa shaqeeynaya,” ayay tidhi Marika Pfefferkorn, oo ka tirsan Twin Cities Innovation Alliance, hay’ad aan fa’iido doon ahayn oo ka caawisa hal-abuurayaasha ganacsi ee aan caddaanka ahayn siday ku heli lahaayeen taageero lacageed. “Iyo sidoo kale in lagu noqdo dadka kale oo lala xisaabtamo, iyadoo la leeyahay ‘sidan ayaan idinka rabnaa, sidoo kalena doorarka iyo masuuliyadaha iyo awoodda aan leeyahay duqa magaalada ahaan, waa sidan habka aan idinkula xisaabtameeyno.”

    Qaar kale ayaase sheegaya in ballamaha uu qaaday Frey ay waxyeelo u keeni karaan haddii uu ka soo bixi waayo.

    Larry Jacobs, oo macalin siyaasadda guud ka ah Jaamacadda Minnesota, ayaa sheegay in Frey uu han weyn qabo. Wuxuu yidhi Frey iyo dhiggiisa St. Paul, Duqa Magaalada Melvin Carter, waa inay la gorgortamaan dabaqadaha dawladda si ay kharash iyo taageero ugu helaan qorshayaashooda.

    “Waxaa jira dawladaha degmoweynnada oo aad muhiim u ah sidoo kalena awood badan ku leh lacagta federaalka ee qeybahan timaada. Waxaa sidoo kale jirta dawladda gobolka, oo uu ku jiro baarlamaan ay xilligan maamulaan Xisbiga Jamhuuriga oo iyagu muujiyay inaysan naxariis badan u hayn aagga magaalooyinka,” ayuu yidhi Jacobs.

    Frey wuxuu taageero uga baahan doonaa badi 13-ka xubnood ee golaha magaalada si ay uga caawiyaan meel marinta sharciyada uu doonayo inuu dajiyo. Waxaa ka mid ah fikradihii guryaha qiimaha jaban ee uu ololaha ku galay Frey, sida in guryihii hore la hagaajiyo intii kuwo cusub la dhisi lahaa.

    Goluhu wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka baddalo miisaaniyadda uu gudbin doono xilli dambe oo sannadkan ah.

    Hadda waxay u muuqataa inay Frey iyo golaha magaaladu ku jiraan xilligii la isku cusbaa ee bisha malabka. Wuxuu ku ammaanay xubnaha golaha khubadiisii xil-qabashada iyagoo xubnaha goluhuna markooda ammaanay isaga, waxayna sheegeen inay aad diyaar ugu yihiin inay la shaqeeyaan duqa magaalada ee cusub.

  • Garyaqaan maraykan ah oo hor istaagay qorshe Trump

    BBC Somali: Garyaqaan Maraykan ah ayaa hor istaagay qorshe uu Aqalka Cad ku doonayay in uu ku soo afjaro barnaamij masaafurinta ka hor istaagaya carruurta ay waalidkood sida sharcidarrada ah ku geeyeen Maraykanka.
  • Wararkii Soomaalida ee ugu waawaynaa sannadkii tagay

    BBC Somali: Waxaan halkan isugu keenay qaar ka mid ah wararkii Soomaalida ee ugu waawaynaa sannadkii la soo dhaafay ee 2017-kii.
  • Xildhibaanad Ilhan Omar oon aqbaleeyn in naceeybka baraha bulshada uu jaha wareeriyo

    View in English
    DFL Rep. Ilhan Omar shows her three children her desk inside the House Chamber during the first day of the 2017-2018 Minnesota Legislature. Evan Frost | MPR News file
     
    Kirsti Marohn, MPR News
     
    “Adiga iyo dadkaagu waxaad tihiin uskag”
     
    “Orodoo Muslimnimada la tag Bariga Dhexe halkaas ayaa laga leeyahaye.”
     
    “Maxaad ku neceb tahay Mareykanka iyo xorriyadda?”
     
    Kuwan ayaa ka mid ah qoraallada Twitter lagula beegsaday Xildhibaanad Ilhan Omar, Xisbiga Dimuqraadiga-Minneapolis, oo ku guda jirta muddadii ugu horreysay ee loo doortay Golaha Shacabka ee Minnesota. Omar ayaa ah xildhibaannadii ugu horreysay oo Somali-Mareykan ah oo soo marta taariikhda Minnesota.
     
    Omar ayaa MPR News u sheegtay in qoraallada carada wata ee Twitter-ka ay inta badan ka jawaab bixinayaan qoraal ay Twitter soo dhigtay ama e-mail ay dirtay, balse aysan shaqo ku lahayn siyaasadda ama mawduuca ay ka hadleeyso. Waxaa inta badan lala beegsadaa tilmaamaheeda dumarnimo, qaxooti Somali-Mareykan ahaan ama Muslimnimo.
     
    “Tilmaamaheeyga shaqsi ahaaneed wax dood ah kama furna,” ayay tidhi Omar.
     
    Omar waxay ku dhalatay Soomaaliya. Waxay reerkeedu ka soo carareen dagaalkii sokeeye markay jirtay siddeed sano. Waxay afar sanadood joogeen xero qaxooti oo Kenya ah ka hor intii aysan Mareykanka iman 1990-maadkii.
     
    Omar ayaa sheegtay in jawaabaha ay iyadu hesho ay ka duwan yihiin kuwa loo diro masuuliyiinta kale ee la doortay.
     
    Waxay ku qososhaa farriimaha Twitterka qaarkooda nacasnimada ah oo ka yimid dadka waydiiya inay ku hadli karto afka Ingiriiska ama inay xaqiiqdii tahay muwaadinad Mareykan ah. Waxay sidoo kale heshaa farriimo badan oo lagu taageerayo.
     
    Omar ayaa farriimaha qaarkooda aad loogu dhaaranayo la socodsiisay bilayska baarlamaanka. Mid ayaa lahayd, “Reerkaaga iyo adiga waxay ahayd in sharaf ilaalin la idiin dilo.”
     
    Omar ayaa ku jawaabtay, “Sharaf ma leh dilku. Nasiib wanaag waxaan qoyskayga iyo diinteeyda ka bartay inaan wax jeclaado oo aanan wax nicin, sidaa darteed waan kuu soo duceeynayaa.”
     
    Waxay sheegtay inaysan aqbaleeyn inay cabsi ku noolaato.
  • Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo booqanaya Sool iyo Sanaag

    BBC Somali: Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya oo booqanaya Sool iyo Sanaag
  • Trump oo ku goodiyay in uu jari doono deeqda Falastiiniyiinta

    BBC Somali: "Malaayiin doolar baan Falastiiniyiinta siinaa sannad walba haddana aysan arrintaas ku helin "ixtiraam iyo mahadnaq toona"
  • Iiraan oo "cadowgeeda" ku eedeeysay dibadbaxyada

    BBC Somali: Ayatollah Cali Khameni ayaa sheegay in cadowga Iiraan ay kiciyeen dibadbaxyada sababay dhimashada 20 qof.
  • Swanson oo ku biirtay dacwo ka dhanka ah baabi’inta sharciga ‘dhex-dhexaadka shabakadda internet-ka’

    Brian Bakst, MPR News 
    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Lori Swanson ayaa sheegtay in ay ku talo jirto in ay ku biirto dhiggeeda gobollada kale ee ka hortagaya isbedellada ay dawladda federaalka ah ku sameeysay sharciyada isticmaalka internet-ka. 
     
    Swanson ayaa taageerayaasheeda ugu sheegtay email in iyada iyo xeer ilaaliyayaal guud kale ay dacwad ka keeni doonaan Komishanka Federaalka ee Isgaarsiintago’aan uu dhowaan ku baabi’iyay sharcigii la magac baxay dhex-dhexaadka shabakadda internetka, kaas oo ka horjoogsanayay shirkadaha bixiya internet-ka inay xannibaan qaar ka mid ah bogagga ama ay sicirka ku gooyaan waxa ku qoran. Sharciga waxaa la dejiyay 2015-kii.  
     
    Swanson, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa sheegtay in ka noqoshada dhex-dhexaadka shabakadda internet-ka ay dhibaato ku noqon doonto dhowridda macaamiisha sidoo kalena uu saameeyn ku yeelan karo qaabka ay macaamiishu ku helaan macluumaadka siyaasadeed.
     
    Shirkadaha bixiya internet-ka ayaa ka cabanayey in sharciyadu ay yihiin kuwo xad-dhaaf ah. Waxay ku adkeeysteen inaysan ku talo jirin inay xannibaan, culuseeyaan ama ahmiyad u kala yeelaan isticmaalka shabakadda iyagoo ka fa’iidaysanaya ka noqoshada sharciga.
     
    Swanson ayaa hadda waxay ku dhex jirtaa muddadii saddexaad ee ay heysay xilka xeer-ilaaliyaha guud, waxayna ka fekeraysaa in ay u tartanto guddoomiyaha gobolka Minnesota.
  • Dilkii la daboolay ee Benazir Bhutto

    BBC Somali: Haweeneydii ugu horeysay ee dal Muslim ah hoggaamisa waxaa la dilay 10 sano ka hor, qofna looma xukumin illaa iyo hadda. [English: Ten years later, Bhutto has not been forgotten.]
  •  

    Baarlamaanka Bariga Afrika oo markii ugu horreysay ay ka mid noqotay haweeney Soomaali ah

    BBC SomaliBarlamaanka Bariga Afrika ayaa markii ugu horreysay waxaa ka mid noqotay haaweney Soomaali ah oo ka soo jeeda gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya.
  • Soomaali la rabay in la masaafuriyo oo dib u celintooda dib loo dhigay

    Mukhtar Ibrahim, MPR News
     
    Garsoore federaali ah oo jooga gobolka Florida ayaa Talaadadii hor istaagay masaafurinta 92 maxbuus oo dib loogu celinayay wadankoodii hooyo ee Soomaaliya. Darrin Gayles, oo ah garsooraha Maxkamada Degmada Federaalka ee Miami, ayaa si ku meel gaar ah oo gaaraysa labo todobaad dib u dhigay masaafurinta, "inta la sugayo go'aanka Maxkamada." Dadka la xiray ayaa la qorsheynayay in la masaafuriyo Arbacadii.
     
    Dib u dhigida masaafurinta ayaa timid dhowr saacadood kadib markii qareeno matalaya raga iyo dumarka Soomaaliyeed ay xareeyeen dacwo. Ugu yaraan 10 kamid ah dadkaas waa reer Minnesota.
     
    Maxaabiista ayaa la filayay in ay hadda joogaan Soomaaliya, laakiin diyaaradii ay saarnaayeen ayaa dib ugu soo laabtay Maraykanka habeenkii Jimcaha, kadib markii ay yara joogsadeen waddanka Senegal.
     
    Waxay hadda ku jiraan xabsiyo ku yaala gobolka Florida.
     
    Sheekada diyaarada loo soo celiyay ayaa noqotay mid waraabintu ay aad u hadal heyso, qareenaduna waxay ku doodeen in taasi ay halis gelin karto nolosha maxaabiista.
     
    "Dareenka dadweynaha ee aan caadiga ahayn ee ay dhalisay anshax xumada ICE [Hay'adda Fulinta arrimaha Socdaalka iyo Kastamka] ee 92-ka maxbuus waa mid meesha ku jirta sababtoo ah waxay khatar galinaysaa in ururka argagaxisada ah ee kasoo horjeeda Maraykanka iyo reer Galbeedka (al-Shabab) ay bartilmaameedsadaan maxaabiista,” ayay sheegtay dacwo ay xareeyeen qareenadu.
     
  • Waxaa naga go'an in aan sameyno baaritaan caddaalad ah

    MPR News Staff
    A photograph of Justine Ruszczyk surrounded with colored roses and other arrangements sits on a stage at Lake Harriet for her memorial. Maria Cardona | MPR News file
     
    Waaxda gobalka Minnesota ee baaraysa dhimashada gabadh u dhalatay dalka Australia oo uu dilay askari ka tirsan booliiska Minneapolis ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay sameynta baaritaan dhexdhexaad ah oo dhameystiran marka ay baarayaan xaqiiqaha iyo caddaynta kiiska.
     
    Waaxda Minnesota ee Qabashada Danbiyada ayaa soo saartay qoraal kadib markii qoyskii Justine Ruszczyk Damond ay shir jaraa'id ku qabteen Sydney si ay u dalbadaan baaritaan aad u adag. Qoyska ayaa hadlay kadib markii Qareenka Degmada Hennepin Mike Freeman uu sheegay in uusan haynin caddayn saas u badan oo u saamaxaya in danbi uu ku soo oogo sarkaal Mohamed Noor. Waxa uu sheegay in baarayaashu "aysan qabanin shaqadooda."
     
    Waaxda ayaa sheegtay in kiiska ay u gudbisay xafiiska Freeman bishii Sebteembar 12-keedi waxayna sii wadi doontaa in ay la shaqeeyso xeer ilaaliyeyaasha marka ay dib u eegayaan kiiska.
     
    Xafiiska Freeman ayaa Khamiistii diiday inuu faallo ka bixiyo bayaanka qoyska.
    by Michael Olson, MPR News edited by Will Lager, MPR News 12/22/2017 4:09:19 PM
Powered by ScribbleLive Content Marketing Software Platform