MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live

BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)

    Khuraafaadle dhintay markii uu yiri "xabbaddu ima karto", oo dabadeedna lagu tijaabiyey

    Nin khuraafaadka ku shaqaysta ayaa dhintay ka dib markii mid ka mid ah macaamiishiisa uu ku tijaabiyey in xabbad rasaas ah oo nool ay dili karto, isagoo ninkaas khuraafaadlowga ahna isa soo mariyey wax uu sheegay inay "xabadda ka celinayaan"

    Aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti oo wajigiisa hore la furay

    Wajiga hore ee aagga ganacsiga xorta ah ee jabuuti ee Shiinuhu dhisayo, kaasoo ah kan ugu weyn Afrika, ayaa maanta laga furay Jabuuti. Hogaamiyayaasha gobolka ayaa isugu tegey waddankaas ku yaalla geeska Afrika si ay uga qayb qaataan munaasabadda furitaanka aaggaas.
      

    Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay dagaalka Tukaraq

    Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in ay aad uga walaacsan tahay iskudhacyo dhawaan dhex maray maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    Itoobiya iyo Eritrea oo 'xalay dhalay' ka noqday colaaddii

    Itoobiya iyo Eritrea ayaa isku waafqay iney soo afjaraan colaaddi labaatameeyada sano ka dhex taagneyd.

    Shan arrimood oo sharraxaaddooda looga fadhiyo Qalbidhagax

    Maqaalkan kaga bogo waxyaabihii uu Qalbidhagax ka hadlay iyo kuwa looga fadhiyo in uu ka hadlo.

    Qoondo intee la’eg ayuu deegaanka Soomaalida Itoobiya ka helayaa shidaalka?

    Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

    Bilayska oo baaritaan wada ka dib markii hilib doofaar looga tagay masaajidka Rochester

    By Catharine Richert, MPR News | Read the story in English here
     
    Bilayska Rochester ayaa dambi nacayb ku saleeysan ahaan u baaraya dhacdo masaajid ka dhacday dhammaadkii usbuuca.
    Hilib doofaar ayaa Sabtidii laga helay goobta baabuurta la dhigto iyo albaabka dhismaha Xarunta Islaamiga ee Masjid Abu Bakar Al-Siddiq ee ku yaala magaalada hoose ee Rochester. Islaamku wuxuu Muslimiintu ka mamnuucay inay cunaan doofaarka.
     
    Muhamad Elrashidi, oo masaajidka ka tirsan, ayaa sheegay in hilibka doofaarka oo looga tegay meeshiisii cibaadada uu ahaa ficil waxyeello leh. Laakiin waxa uu ku qalbi qaboobay isku-imaad si deg deg ah loo qaban-qaabiyay oo lagu taageerayay masaajidka subaxnimadii Axadda.
     
    "Waxa aan eeganayo waa taageerada iyo iskuduubnida badan ee dad meelo kala duwan ka soo jeeda aan ka aragnay dhammaadkii usbuuca," ayuu yidhi Elrashidi.
     
    Qoraal Facebook ah oo ay isla dhexmareen beesha Rochester, ayuu Elrashidi waxa uu isticmaalay kaftan si uu u falanqeeyo dareenkiisa ku saabsan dhacdada, isagoo qoray, "Maaha sida doofaarku inuu yahay kryptonite oo awooddeena sare ee Muslimnimada ay hoos u dhacday."
     
    "Haddii aad rabto in aad dhigto masaajidka wax aad nooga xanaajiya, waxaa gebi ahaanba naga cadhaysiiya macmacaanka sida wanaagsan loo sameeyay, doolshaha weyn ee sixniga iyo macmacaanka yaryar ee Tom Thumb - taasi aad ayay xumaan noogu noqonaysaa," ayuu qoray.
     
    Dembiyada nacaybka ku saleeysan waxaa ka mid ah dembiyada dadka lagu beegsanayo diintooda darteed.
     
    Jaylani Xuseen, Agaasimaha Guud ee cutubka Minnesota ee Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, ayaa sheegay in kooxdiisu aragtay kor u kaca hilibka doofaarka oo loo adeegsado sidii qalab lagu dhibaateeyo dadka diinta Islaamka haysta. Xagaagii la soo dhaafay, nin Willmar ka soo jeeda ayaa lug doofaar dhigay meel u dhow koox Soomaali Mareeykan ah oo alaab ku iibinayay suuqa beeralayda.
     
    Kooxda Xuseen ayaa dhacdada Rochester ka dacweeyay FBI-da.
     
    Illaa iyo hadda, bilayska Rochester ayaa sheegay in aysan nasiib u yeelan inay helaan tuhmanayaasha sababta oo ah kaamaradaha ku wareegsan masaajidka qaarkood ma aysan shaqeeyneyn xilligii dhacdada.
     
    Sharci fuliyeyaasha ayaa sheegay in ay roondo dheeraad ah ku kormeeri doonaan aagga masaajidka.

    Haweenay orod jirdhis ah samanaysay oo lugaheeda ku doonatay xabsi

    Gabadh 19 jir ayaa la dhigay xabsi ku yaala Maraykanka kadib markii ay xudduuda goysay iyada oo samaynaysay orod jirdhis ah si aan ula kac ahayn.

    Maxaa shaqada looga eryey 'Jeneraal Gabre'?

    Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.
     

    Nin gowrici jiray bisadaha oo lagu qabtay magaalo ku taalla Kenya

    Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay kuna soo dhawaada wararkii u dambeeya ee caalamka iyo Soomaalida oo aad kaga bogan doontaan, tabinta tooska ah ee Isniinta.

    Maxkamadda Sare oo laashay sharciga lebiska codbixiyayaasha ee Minnesota

    By Tim Pugmire [Read in English]
     
     
     
    Maxkamadda Sare ayaa Khamiistii joojisay xayiraadaha ballaaran ee Minnesota oo ku aaddan xirashada codbixiyeyaasha ee koofiyadaha "siyaasadeed", funaanadaha iyo biinanka loo gashto goobaha doorashooyinka, laakiin waxay sheegtay in dowlad-goboleedyadu ay xaddidi karaan dharka noocaas oo kale ah.
     
    Minnesota waxay ku doodday xayiraaduhu inay ahaayee kuwo macquul ah, ilaalinayeen nidaamka goobaha codbixinta iyo inay ka hortagayeen cabsi-galinta cod-bixiyaha. Laakiin garsoorayaasha, oo xukunkoody ahaa 7-2, ayaa sheegay in dawlad-goboleedka xaddidkeeda dharka siyaasadeed uu ku xad-gudbay qodobka codka xorta ah ee Beddelka Koowaad.

    Kiisku wuxuu soo jiray illaa 2010-kii markii Andy Cilek u gashtay funaanad muwaadiniinta xisbiga shaaha markii uu aaday codeeynta. Sarkaal doorasho ayaa u sheegay inuusan codbixin karin illaa uu iska saaro shaatiga ama uu daboolo sababtoo ah sharciga gobolku wuxuu mamnuucayaa dhar lagu taageerayo musharrax ama koox leh aragtiyo siyaasadeed oo la aqoonsan yahay.
     
    Cilek, oo ah agaasimaha guud ee kooxda ilaalinta doorashada ee Isku-tagga Codbixiyaasha ee Minnesota, ayaa dacwad ka geeyay arrinkaas. Waxay ahayd arrin ka weyn shaati iyo biinan, ayuu yidhi, waxay ku saabsaneyd saraakiisha doorashooyinka oo ku takri falaya awoodooda.

    "Fikradda Maxkamadda Sare maanta waxay guul weyn u tahay kuwa naga midka ah ee aaminsan Dastuurka, qaanuunka sharciga iyo mas'uuliyiinta dawladda iyo shaqaalaha dawladda oo lala xisaabtamo," ayuu yidhi Cilek.
     
    Cilek wuxuu ku doodayaa in Maamulaha Doorashada ee Degmada Ramsey Joe Mansky, ahna eedaysanaha dacwadda, uu isku dayay in uu cadaadiyo hadalka xisbiga muxaafidka ah isagoo si takoor leh u hirgalinayay sharciga gobolka. Mansky ayaa warqad xasuusin ah u diray garsoorayaasha doorashooyinka taasoo faahfaahinaysay xad-gudubyada dharka ee suurtagalka ah, laakiin wuxuu diiday eedaymaha ka yimid Cilek.

    "Waxaas oo dhan waa been. Mas'uuliyaddayda sarkaal doorasho ahaan waa hirgalinta sharciga doorashooyinka gobolka, dhab ahaanna qayb ka mid ah waa sharcigan oo Xeer-dejintu igu amartay in aan hubiyo in waxyaabaha siyaasadda aan lagu soo bandhigi karin goobteena doorashada,"ayuu yiri.

    Gobolada intooda badani waxay xaddidaan waxa codbixiyayaashu gashan karaan markay codeynayaan, laakiin maxkamaddu waxay sheegtay in sharciyadaas ay u qoran yihiin si aad uga kooban kan Minnesota.

    Madaxa Garsoorka John Roberts ayaa qoray "haddii uu gobol rabo in uu ka dhigo goobaha codbixinta meelo ka bari ah khilaafka siyaasadeed, waa in uu isticmaalaa hab aad uga duwan kan ay Minnesota halkan ku soo bandhigtay," isagoo intaa ku daray in "Minnesota aysan ku taageerin rabitaankooda wanaagsan sharci awooda in si macquul loo howlgaliyo."
     
    Xoghayaha Gobolka Minnesota Steve Simon ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in maxkamaddu sidii loo baahnaa gobolka wax ugu kala saartay. Waxa uu sheegay in uu rabo in Baarlamaanku u baddalo sharciga si markaa uu si buuxda ugu waafaqo go'aanka maxkamadeed.

    Min xero qaxooti ilaa iyo Shaambo samayn; Nolosha Rowdo Axmed

    Rowdo Axmed Biixi waxay caruurnimadeedii iyada iyo waalidkeed ka qaxeen magaalada Kismaayo, iyagoo ku biiray qoxootiga ku jira xeryaha Kenya, balse sannadkii la soo dhaafay ayay dib ugu laabatay Kismaayo si iskeed ah iyadoo wadata afar ilmood, lehna xirfad ay ku shaqaysan karto.

    Wiil u eg Pogba oo kaalintiisa galay

    Wiil dhigta fasalka lixaad ee dugsiga sare ee iskuul ku yaalla koofurta London ayaa loo adeegsaday in uu beddelo xiddiga reer Faransa ee Paul Pogba. Efeme Temienor waxay hore ugu sheegeen saaxiibadiis iyo qoyskiisaba inuu aad ugu eg yahay cayaartoyga.

    Canada oo 15 sano ku xukuntay Soomaali afduub ka qayb qaatay

    Maxkamadda ku taalla Ontario ayaa Isniintii ku ridday xukunka Cali Cumar Adeer. Cali ayaa culays saaray qoyska Lindhout iyo Brennan si ay lacago madax furash ah u bixiyaan.

    Sheekada ka dambeeysa racfaannada usbuucan laga qaatay 3 kiis oo ISIS ah
     


    Qareennada saddex nin oo ka soo jeeda Magaalooyinka Mataamaha ah oo lagu helay dambi ah inay isku dayayeen inay ku biiraan kooxda argagixisada ah ee ISIS ayaa racfaan maxkamadeed ka qaatay xukunnadooda usbuucan.Doodda afka ah ayaa la qorsheynayaa in Khamiista laga hor jeediyo guddi saddex garsoore ah oo ka socda maxkamadda Wareegga Siddeedaad.
    Waa tan waxa aad u baahan tahay inaad ogaatid.

    Waa kuwee nimanka, maxaase lagu xukumay?

    Guuleed Cumar, 23, Maxamed Faarax iyo Cabdiraxmaan Dauud, oo labaduba 24 jir ah, ayaa waxay ahaayeen saddex ka mid ah sagaal nin oo lagu soo oogay kiiska shirqoolkii ISIS ee Minnesota – waana saddexda keli ah ee kiisaskooda geeyay maxkamad halkii ay ka qiran lahaayeen dambiga. Waxa lagu xukumay inay isku dayeen inay ISIS kula biiraan Suuriya, iyo in ay ku tashadeen inay dil ka geeystaan meel ka baxsan Maraykanka.
     
    Inkastoo aan lagu eedeynin qorshe ah inay weerarro ka geeystaan carriga Maraykanka oo haddana aysan gaadhin Suuriya, caddaynta lagu soo bandhigay maxkamadeyntii ayaa muujisay inay qaadeen tallaabooyin la taaban karo oo ay halkaas ku tagaan. Maxkamadeynta, oo dhacday gugii 2016, ayaa soo jiidatay xiise caalami ah waxayna daaqad u furtay ISIS dacaayaddeeda hormarsan iyo farsamooyinkeeda qorista.
     
    Muxuu ku saleeysan yahay racfaankooda?
     
    Qareennada ragga ayaa ka dacwoonaya tilmaamihii xeerbeegta ee Judge Davis uu bixiyay oo la xidhiidha dacwadda ahayd shirqoolkii dilalka laga geeysan lahaa dibedda dalka. Xeerbeegga waxaa la faray in ay xukumaan haddii ragga ay aqbaleen in ay ku dhaqmaan "arxan-darro iyo dayac naxariis la’aan ah ee ku aaddan cawaaqibka nolosha bini'aadamka.”

    Taasi, siday qareennadu ku doodayaan, waa heer ka duwan waxa loo baahan yahay, waxayna u oggolaatay in eedaysanayaasha lagu xukumo shirqool dil iyagoo kaliya ku tashaday inay ku biiraan koox argagixiso ah.
     
    Waxaa intaa dheer, qareenka cusub ee Maxamed Faarax, Jordan Kushner, wuxuu ku doodayaa in macmiilkiisu uusan helin wakiil ku filan, ayna ahayd in la siiyaa qareen beddel ah maxkamadeeynta ka hor. Qareenkii hore ee Faarax, Muraad Muxammad, ayaa dalbaday in uu baxo kiiska maalmo ka hor inta aan maxkamaddu bilaaban.
     
    “Faarax eedeymihiisa ah in aan la tusin helitaankii iyo inuusan qareenkiisa  la laheyn xiriir macquul ah  ayaa ku filan muujinta in laga xayuubiyay xuquuqdiisa Beddelka Lixaad ee ah inuu helo qareen ku filan iyo inuu gacan ka geysto difaaciisa," ayuu qoray Kushner.
     
    Qareen kale oo markii hore loo shaqaaleysiiyay si uu u matalo Faarax ayaa ka baxay kiiska ka dib markii karraanigiisa sharciga, oo ah imaam ka soo jeeda St. Paul, lagu eedeeyay in uu farageliyay kiisaska eedaysanayaasha kale.
     
    Maxay ku doodayaan xeer ilaalinta federaalka?

    Xukuumaddu waxay sheegtay in maxkamadda rafcaanka ay tahay in ay taageerto xukunka maxkamadda hoose, iyo in tilmaamahii xeer-beegta ay sax ahayd. Waxay kaloo sheegeen in xukunnada tobanaanka sano gaadhaya ay yihiin kuwo caddaalad ah, iyo in saddexda nin ay wajahayeen xabsi daa'in. Kirkpatrick ayaa sheegay in Judge Davis uu go'aansaday in uu magacaabo "khabiir ka hortagga xagjirsiinta" si uu u qiimeeyo eedaysanayaasha.

    Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa sidoo kale sheegaya in dhaqanka Cumar, Dauud iyo Faarax aan la barbardhigi karin eedeeysanayaasha kale ee dambiga qirtay. Kirkpatrick waxa uu qoray in Cumar uu gacan ka geystay siddeed nin oo ku biiray shirqoolka isla markaana uu ku dhacay dambi been u sheegid maxkamad ah markii uu u istaagay inuu iska difaaco maxkamadeeynta; ka qayb qaadashada Dauud ee shirqoolka ayaa socday bilawgiisa illaa dhammaadkiisa; wuxuuna Faarax marar badan isku dayey in uu ku biiro ISIS.
     

    Goorma ayuu Trump arkay xeebaha Kuuriyada Waqooyi?

    Waxyaabo badan oo la yaab leh ayaa ka dhacay kulankii madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un.

    Maxaa loogu diiday xulka kubadda cagta ee Iiraan Kabahii ay ku cayaari lahaayeen?

    Go'aanka Nike ay ku joojisay inay ku wareejiso Kabihii ay cayaartoyda Iiraan wuxuu hadal hayn ka dhaliyay baraha bulshada.
      

    Warbaahinta K/ Waqooyi oo bogaadisay kulankii Trump iyo Kim

    Kuuriyada Waqooyi ayaa u dabaaldegtay kulankii Trump iyo Kim oo ay ku tilmaantay guul taarikhi ah.

    Kumuu ahaa ciyaartooygii Itoobiya kasoo baxsaday ee ku biiray xulka qaranka Soomaaliya?

    Waxaa lasoo maray xilli magacyada ciyaartooyda Soomaalida ay taageerayaasha funaanada ku xardhadaan, xifaaltanka kooxahana uu ahaa mid aad u sareeya.

    Dooro xulka Afrikaanka ah ee abid ugu wanaagsanaa Koobka Adduunka

    Dooro kooxdaada, lana wadaag asxaabtaada, ka dibna ogow xogta taariikhda Koobka Adduunka ee ciyaartooydaada.

    Nin kursi u sameeyay madaxweyne oo lacag ka doonaya dowladda

    Kursiga madaxweynaha waa kan ugu sareeya ee dal laga fikiro, mana ahan mid la helo, balse ka waran ninka kursigaas inta laga qaatay, aanan haddane wali wax lacag ah laga siinin?.

    Dibadbaxyo loogo soo horjeedo Eritrea oo gilgilay Badme

    Halkan kaga bogo warbixintaas iyo kuwo kale oo Soomaalida iyo caalamka ku saabsan

    Kim iyo Trump : Xusuustii Richard Nixon ee Shiinaha

    Yuwen Wu, oo 1972-kii ku sugnaa Beijing ayaa wuxuu isbarbar dhigayaa kulanki xiliigaa dhacay iyo kulanka Trump iyo Kim dhex marayo .

    Shirarka waaweeyn oo xisbiyada ku riixay doorashooyin hordhac ah oo adag

     
    By Brian Bakst and Briana Bierschbach  [Read in English here]
     
    Xisbiyada siyaasadeed ee waaweeyn ee Minnesota ayaa wajahaya xagaa dheer oo kulul oo ololeeyn ah ka hor inta aysan ogaan cidda ay doorashada guud u sharraxan doonaan guddoomiyaha gobolka.
     
    Shirar waaweeyn ee dhacay usbuuca dhammaadkiisii ayaa keeni waayay natiijo kama dambeeys ah. In kastoo ay jireen dad rajo qabay oo laga saaray qiimeeynta, haddana xisbiyada Jamhuuriga iyo DFL-kuba waxay doorashooyinka hordhaca ah ee August geli doonaan tartan adag.
     
    Xisbiga Jamhuurigu waxay taageeradooda siiyeen Guddoomiyaha Degmo-weynta Hennepin Jeff Johnson, oo hadda la tartami doona Gud. Tim Pawlenty oo isagu labo goor oo hore soo noqday guddoomiyaha gobolka.
     
    Dhanka DFL-ka, xildhibaan gobol Erin Murphy ayaa heshay taageerada, balse waxay wajihi doontaa Xildhibaanka heerka federaalka Tim Walz, iyo laga yaabee kuwo kale, doorashada koowaad ee 14-ka August. Sawirka dhabta ah waxaa la ogaan doonaa Talaadada marka xilliga kama dambeeysta ah ee isqorridda doorashada la gaadho.
     
    Hase ahaatee waxaa durbaba loogu jiraa dadaal adag sidii la isku kala sooci lahaa.
     
    Rochester, waxay Murphy ka sheegatay guul iyadoo isku koobtay siyaasadaha fikradaha ballaaran. Waxay Murphy oo horay u soo ahayd madaxa kooxda aqlabiyadda haysata ee baarlamaanka ku dhaaratay inay ku dadaali doonto siyaasadaha ilaalada nadaafadda biyaha, inay raadin doonto nidaam caafimaad oo hal meel laga bixiyo, inay ka hortagi doonto caqabadaha cusub ee la hor dhigay ilmaha la soo xaaqo, inay hubiso helitaanka $15 saacaddii oo mushaar ah iyo inay dejiso sharciyo fasaxyada qoyska oo lacagta aan laga goynayn.
     
    “Waxaa muhiim ah inaan isku nimaadno, inaan muujino hiigsiga buuxa ee dhabta ah ee aan u leenahay dadka reer Minnesota, inaan muujino qalbigeenna oo dhan, inaan nacaybka ku burburinno jacayl,” ayay Murphy, oo ah kalkaaliso, ku sheegtay aqbalaaddeedii sharraxaadda.
     
    Walz wuxuu isku sharraxay sida qof soo jiidan kara codbixiyeyaasha magaalooyinka yaryar ee Minnesota isagoo aan ka weecaneeyn aragtiyada xisbiga. Wuxuu taxay arrimo uu wajahi doono guddoomiye ahaan: inuu laba jibbaaro lacagta sinnaanta jinsiyadaha, inuu gobolka ku rido jidka nidaam caafimaad oo hal meel laga bixiyo iyo inuu lacag dheeraad ah ku dari doono waxbarashada.
     
    Aragtiyaha ay ku kala duwan yihiin musharraxiinta Jamhuuriga ayaa iyaguna yar.
     
    Johnson, oo horay uga soo shaqeeyay Baarlamaanka sidoo kalena ahaa musharraxa guddoomiyenimo ee GOP-da  2014-kii, ayaa ku dhaartay inuu yareeynayo  baaxadda dawladda, jarayo canshuuraha, xaddidayo dib u dejinta qaxootiga ee gobolka sidoo kalena la dagaalamayo sharciyada lagu xaddidayo ganacsiga iyo shaqsiga.
     
    Ololihiisa, wuxuu Pawlenty istaagay mawqifyo kuwaa la mid ah oo ku aaddan socdaalka isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in diiradda uu saarayo rajooyinka dhaqaale ee dabaqadda dhexe ee Minnesota. Ma uusan tagin shirweynihii usbuuca dhammaadkiisii ee wuxuu toos ugu jeestay doorashada koowaad.

    Ma isbadal siyaasadeed baa ka soo fool leh deegaanka Soomaalida Itoobiya?

    Toddobaadyadii u dambeeyay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay arrimo naadir ah.

    ''Dhulka oo aan ka maqnaa shan bilood ayaan hadda ku soo laabtay''

    Saddex kamid ah shaqaalaha waaxda cirbixiyeennada adduunka ayaa si nabddoon kusoo laabtay kaddib markii ay hawada sare ugu maqnaayeen howlgal qaatay muddo shan bilood ah.

    Trump oo is cafiyi kara balse aan sidaa yeeli doonin

    Donald Trump ayay u badan tahay in uu leeyahay awoodda uu naftiisa kaga cafiyi karo baaritaanka la xiriira in Ruushka iyo isaga ay wado shaqayn dhexmartay, balse uusan rabin in uu sidaa yeelo, sida uu sheegay Rudy Giuliani oo ah qareenkiisa.

    Muhiimad caynkee ah ayuu leeyahay shirka Baydhabo?

    Magaca shirka ee ah 'Shirka Amniga Qaranka' ka sokoow waxaa shirka looga hadlayaa arrimo aanan amni ahayn, sida qeybsiga kheyraadka iyo waliba in lagu heshiiyo hannaanka doorasho.

    Ciyaaryahanadda Olombiga ee xijaaban oo ku dhiiri-gelisay gabdhaha dugsiga sare inay ciyaarta seefaha galaan

     
     
    Labo sannadood ka hor, ciyaarta seefaha kuma aysan jirin niyadda Ikhlas Cabdullahi, oo ah 15-jir.
    Hase ahaatee, iyadoo xiranaysa qalab kor-illaa-hoos ah oo ilaalinaya inta aysan aadin tababar ay la qaadaneeyso kooxdeeda dhigta Rochester STEM Academy, ayay sheegtay in Olombigii 2016-kii ay taas beddeshay.
     
    Ibitihaaj Muxammad oo horyaal ka ah ciyaarta seefaha ayaa noqotay haweeneeydii ugu horreeysay oo Muslim-Maraykan ah oo billad Olombig ah hesha. Waxay ku guuleeysatay billad naxaas ah iyadoo xidhan xijaab, masarka madaxa ee ay Cabdullahi iyana xidhato.
    “Inta badan ma arkaysid dad kuu eg,” ayay tidhi. “Ma ahan ciyaar dad kala duwan ku jiraan. Waxaana igu dhiirri-geliyay inaan isku dayo markaan arkay qof aniga ii eg.”
     
    Cabdullahi waa Muslimad diinta ku dhaqanta oo ay diinteedu ku waajibisay inay is asturto markii ay dibedda joogto.
    Ciyaarta seefaha waa ciyaaraha tirada yare e ay Cabdullahi ka qeyb qaadan karto — taaso ay sababtay qalabkeeda. Jidhka oo dhan ayaa asturan marka laga reebo hal gacan.
     
    Amina Axmed oo ay isku koox yihiin ayaa sheegtay inay eclaan jirtay inay ciyaaraha ka qeyb gasho intii aysan helin ciyaarta seefaha.
     “Dhibaatadu waxay ahaan lahayd dharka haddii aan isku dayi lahaa ciyaaraha kale,” ayay tidhi.
     
    Taasi waxay meesha ka saartay ciyaaraha ay ka midka yihiin kubbadda gacanta, kubbadda cagta iyo field hockey.
    “Ma gashan karo surwaal gaaban, laakiin waan gashan karaa surwaalka dhaggan,”
     
    Corlis Hicks, oo ah tababaraha ciyaarta seefaha ee STEM Academy, ayaa sheegtay in xidhoodku ahaa wax aad loo qiimeeyay markii uu iskuulku dhowr sano ka hor billaabay kooxda sagaalka gabdhood ah ee ciyaarta seefaha. Iskuulka charter-ka ah ardaydiisu waxay u badan yihiin Muslim, inta badan carruurtuna waa Soomaali-Maraykan.
     
    Markii hore, Hicks waxaa ku adkaatay inay arday soo qorto kooxda.
     
    “Qoysaskoodu waxay yidhaahdeen ‘maxaad dooneeysaa inaad sameeyso?’”
     
    Faisa Mohamed, oo 15-jir ah, waalidkeed waxa ugu walaaca badnaa ma ahayn xishoodka — waxay ahayd seefaha.
    “Waxaan u sheegayay hooyadeey markii aan iskuulka uu sii soconay maalintii ugu horreeysay tababarka, waxayna igu tidhi, ‘Ma samaynaysid saas! Waad dhimanaysaa! Waa lagugu mudayaa waana aad dhimaneeysaa! Uma oggolaan karo gabadheeyda inay dhimato.’”
     
    Markii ay tustay waalidkeed in seefaha afkoodu uu yahay caag, waxay sheegtay inay ka heshay taageero buuxda.
    Mohamed waxay sheegtay inay ciyaartan ku jeceshahay farxadda ay dareento markay seefteedu taabato garanka qofka la tartamaya. Taa waxaa la yidhaahdaa “taabasho” ama "touché" afka Faransiiska.
     
    Waa dareen gabdhaha kale ee kooxda ku jira ay muujiyeen — waa waxa soo jiidashada badan leh oo ku dhiirriya inay ciyaarta ka qeyb qaataan tababarka iskuulka ka dib iyo safarrada dheer ee isbuuca dhammaadkiisa ay ku tagaan Magaalooyinka Mataamaha ah si ay u tartamaan.​

    BBC News Somali waxay goobaysaa jiilka cusub ee dumarka gabya

    BBC News: SomaliWaxaa furmay qabashada araajida tartanka gabayada laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

    Soomaalida-Maraykanka ee bixiya xannaanada carruurta oo iska fogeeyay warbixinno khiyaano

    Matt Sepic, MPR News [In English]
     
    Xubnaha bulshada Soomaalida ah iyo bixiyeyaasha xanaanada maalmeed waxay isugu yimaadaan gudaha Capitol ka hor inta aan la kulmin lataliye ku socda Minnesota DFL Gov. Mark Dayton. Evan Frost | MPR News
     
    Soomaalida-Maraykanka ee ka shaqeeysta xannaanada carruurta ayaa dhaleeceeyay warbixinno sheegaya in khiyaano baahsan ka jirto barnaamij heer gobol ah oo caawiya waalidka dakhliga yar.
     
    Xisaabiyaha sharci-dejinta James Nobles ayaa sheegay Jimcihii inuu daba-gal ku sameeyn doono Barnaamijka Caawinada Xannaanada Carruurta ee Minnesota ka dib markuu baarihii hore ee Waaxda Adeegyada Dadka Scott Stillman u sheegay guddi Senate-ka ah usbuucii hore in laga yaabo in  khiyaano ka badan $100 milyan ay saameeysay canshuur-bixiyeyaasha.
     
    Sacdiya Warsame oo sidata tabbeele ka hor imanaya eedeeymaha khiyaanada iyo maal-gelinta argagixisada oo lagu soo bandhigay warbixin ay Fox 9 ka soo duubtay Aqalka Baarlamaanka Gobolka Minnesota Isniintii May 21, 2018.Evan Frost | MPR News
     
    Markii uu Stillman ka hor marqaati furay guddi Senate-ka ah Talaadadii, ayay MPR News soo ogaatay inuu DHS iska casilay bilo ka dib markii uu gobolku heshiis ka gaadhay dacwad dhaleeco been abuur la xidhiidha ah oo uu soo bandhigay Mark Lanterman, oo ah dambi-baare kombuyuutarrada oo iskii u shaqeeysta.  
     
    Gobolku wuxuu Lanterman siiyay $65,000, wuxuuna Stillman ku qirtay waraaq inuu hadallo been ah ka sheegay Lanterman.
     
    Stillman wuxuu u sheegay MPR News in xisaabta $100-ka milyan ah ay tahay qiyaas uu ka maqlay dadka la shaqeeya oo uu ka soo qiyaasay kiisas badan.
     
    Shir saxaafadeed Isniintii ah, ayay Nasro Abshir oo leh xarun xannaanada carruurta ah ka sheegtay in weerarka Jamhuuriga ku qaadeen ganacsatada oo ku saleeysan kiisas khiyaano oon isku xidhnayn uu yahay cunsuri.
     
    “Gobolkan waa nalagu soo dhoweeyay, nalagu guubaabiyay oo nalagu taageeray, waxaanan halkan u joognaa inaan sheegno in reer Minnesota ahaan aynan u adkeeysaneeyn been abuur, jikaar iyo cabsi-galin,”ayay tidhi Abshir.
     
    Abshir iyo ganacsatada dhiggeeda ah ayaa sheegay in Barnaamijka Caawinada Xannaanada Carruurta ee Minnesota ay maalgelintiisu dhimman tahay ugu yaraan $50 milyan, oo ay jiraan liis dheer oo ah qoysas ku jira liiska sugitaanka.

    Bangi Magaalada Mataamaha ah oo ku dhex jiray kiis weyn oo takoorka sadarka cas ah oo heshiis gaadhay

     
    Waxaa Qoray Martin Moylan, MPR News [Read in English here]
    Bangi Minnesota ah oo ku dhex jiray dagaal weyn oo dhanka sharciga ah oo la xidhiidha takoorid ku aaddan deymaha guryaha lagu iibsado ayaa heshiis la gaadhay Waaxda Garsoorka ee Maraykanka.
     
    Heshiiskan ayuu KleinBank ku balaadhinayaa adeegyadiisa bangiga oo gaadhsiinayaa xaafadaha Minneapolis ee ay u badan yihiin dadka laga tirada badan yahay. Bangiga ayaa sidoo kale u yaboohaya $600,000 deymaha qiimaha jaban iyo suuq-geeynta meelaha cusub ee adeegyada la gaadhsiinayo. Waxaa sidoo kale dadaalladan lagu kordhinayo amaahinta xaafadaha dadka tirada yar kormeeraya maamule sare.
     
    “Sharciga federaalku wuxuu mamnuucayaa in jinsiyad ama asal qarameed lagu takooro dadka deymaha guryaha dalbanaya iyo macmiisha kale ee mustaqbalka,” ayuu yidhi Ku-simaha Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud John Gore oo ka tirsan Qeybta Xuquuqda Madaniga ee Waaxda Garsoorka. “Wasaaradda Garsoorku waxay sii wadi doontaa inay awoodeeda fulineed kaga hortagto takoorkan sharci darrada ah.”
     
    Hay’addu waxay dacwad ku soo oogtay KleinBank oo xaruntiisu tahay Chaska January-dii sannadkii hore, maalmo ka hor intii uusan maamulkii Obama xilka ka deign, iyagoo shirkadda ku eedeeyay takoorka sadarka cas.
     
    Federaalku waxay bangiga ku eedeeyeen inuu si ula-kac ah ugu diido fursado siman oo amaahin ah xaafadaha ay dadka deggan u badan yihiin jinsiyadaha iyo qowmiyadaha tirada yar.
     
    Dawladdu waxay sheegtay in amah bixiyeyaasha la midka ah KleinBank ay afar jibbaar kaga dhow yihiin deyn bixinta aagaggaas.
    Madaxa sare ee KleinBank Doug Hile ayaa sheegay inay inta badan tahay dood ku saleeysan joqraafiga iyo inta ay tahay in bangiga laga filo inuu amah ka bixiyo meelaha ka baaxsan meelihii uu taariikh ahaan ka adeegi jiray.
     
     “Waa halkaas halka khilaafku ka taagnaa,” ayuu yidhi. “Ma in naloo sheegaa halka aan ka shaqeeysaneeyno?”
    Hile wuxuu sheegay inay labada dhinacba go’aan ku gaadheen inay waqtigooda iyo lacagtooda u wanaagsan tahay inay meel kale ku isticmaalaan.
     
    Dacwad-oogista ayaa mucaarad ka kicisay shirkadaha bangiyada.
     
    “Kani wuxuu ahaa kiis aad u saameeyn weyn, oo saameeyn weyn ku leh shirkadaha,” ayuu yidhi Joe Witt, madaxa Iskaashatada Bangiyada Minnesota, oo kiiska ka xareeysay dood saaxiibka maxkamadda ah. Labaatameeyo iskaashatooyinka bangiyada gobollada ah ayaa iyaguna ku biiray, iyagoo ay la socotay Iskaashatada Bangiyada Maraykanka.
     
    Ma taageersana takoorka sadarka cas, siday dooddoodu dhigtay, balse Federaalku waxay isku dayayeen inay si cusub u fasiraan takoorka sadarka cas. Witt wuxuu sheegay inay taasi bangiyada oo dhan halis u galinayso khataro cusub oo dhanka sharciga ah.
    Shirkaduhu waxay ku doodeen in Federaalku ku fashilmeen inay muujiyaan in ay jirtay takoorka sadarka cas oo sharci darro ah marka loo eego sharciga federaalka ee soojireenka ah.
     
    Bangiyadu waxay ku doodeen inaysan jirin wax caddayn ah inuu KleinBank
    ku talo jiray inuu wax takooro, sida laga rabo kiis ku aaddan takoorka sadarka cas. Waxay tilmaameen in KleinBank uu qiimeeyn wanaagsan ka helay jaangooyihiisa, waxayna ku doodeen in bangigu xaq u leeyahay inuu isagu qeexdo dhulka uu ka adeegayo.

    Waa kuma ninkii toogashada ka geystay Texas?

    BBC News Somali: Waxa uu ka tirsanaa koox kaniisadda u qaabilsan qoob ka cayaarka, waxa uu sidoo kale ka tirsanaa kooxda kubadda cagta ee iskuulkiisa. Waxa uu ahaa arday aad ugu wanaagsan waxbarashada hadana waxa uu rasaas ku furay ardaydii ay isku fasal ahaayeen, halkaasi oo uu ku dilay 10 qof.

    Yaa libinta helaya haddii uu dagaal ganacsi dhexmaro Shiinaha iyo Mareykanka?

    BBC News Somali: Dowladda Shiinaha ayaa Liu He oo ah sarkaal sare oo u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha waxa ay u dirtay dalka Mareykanka, halkaa oo muddo shan maalmood ah uu wadahadal dhanka ganacsiga ah la yeelan doono wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

    Muxuu ka beddeli karaa xaalada Falastiin cadaadiska Turkigu ku hayo Israa'iil?

    BBC News Somali: Marinka Qaza qoysaska ayaa waxa ay aasanayeen tobonnaan qof oo ay Israa'iil toogasho ku dishay kaddib mudaharaadyo ka dhacay xadka.

    Dhalinyaradu dowr ceenkee ah ayay ka qaadan karaan dhanka siyaasadda Soomaaliya?

    BBC News Somal: iMaalintani ayaa waxa lagu xasuustaa dadaalkii iyo doorkii ay dhalinyarada ka ciyaareen halgankii loo soo galay xorriyadda dalka intii u dhaxaysay kontameeyadii ilaa lixdankii.

    Sawirro: Quruxda qarsoon ee qeybo ka mid ah Soomaaliya

    BBC News Somali: Soomaaliya shalay waxaa laga maamuusay maalinta dalxiiska adduunka. Balse dalka wuxuu leeyahay dhul badan oo qurux badan oo loo dalxiistagi karo, inkastoo meelaha qaar ay amni xumo ka jirto. Qeybo ka mid ah sawirrada Soomaaliya ee quruxda badan ayaan halkan ku soo bandhigeysaa.

    Waa sidee isdhexgalka Shiineeska iyo Afrikaanka?

    "Waynu is jeclaannay balse markii hore aad bey u adkeyd,," Xu Jing ayaa sidaas sheegtay iyadoo ku sugan hoteelka Fairmont ee magaalada Nairobi.

    Malaysia: Hoggaamiyaha ugu da`da weyn dunida oo xilka loo dhaariyay

    Mahathir Mohamad ayaa mar kale loo dhaariyay raysal wasaaraha Malaysia kaddib markii uu si aan la fileyn ugu guuleystay doorashada, 15 sano kaddib markii uu xilka ka degay.

     

    Taariikhda iyo goobta kulanka Trump iyo Kim Jong-un oo la shaaciyay

    Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un kula kulmi doona Singapore 12 bisha June,sida uu sheegay madaxwayne Trump.

    Dugsiyada Somaliland oo ay kusoo badanayaan dumarka maamulayaasha ah

    Badanaa dugsiyada Somaliland waxaa maamuleyaal ka ah rag, laakiin waxa jira dugsiyo yar oo ay maamule ka yihiin dumar.

    Amazon oo Minneapolis ku kordhinaysa 200 oo shaqo oo teknolojiyada sare ah

    Waxaa qoray Shaqaalaha Wararka ee MPR [In English]
    Amazon ayaa shaaca ka qaadday Isniintii qorshe ah inay 200 oo shaqo oo teknolojiyada sare ah ku kordhinayaan Minneapolis, iyagoo ay ku jiraan shaqooyinka qeybaha teknolojiyada gaadiidka iyo kombiyuutarka daruurta.
     
    Shaqooyinkan waxay qeyb ka yihiin kobaca xarunta teknolojiyada gobolka ee ku taala Minneapolis ee shirkaddan weyn ee tafaariiqda, taas oo ka mid ah xarumo darsin ka badan oo ah xarumaha daraasaadka iyo injineeriyada ee ku yaala dalka kana shaqeeya badeecahadaha iyo adeegyada cusub ee Amazon.
     
    • Ka ogow wax dheeri ah: Amazon shaqooyinkeeda Minnesota
     
    Xafiiska Minneapolis wuxuu inta badan xoogga saaraa teknolojiyada gaadiidka iyo inuu software cusub u dhiso Sanduuqyada Amazon iyo adeegyada keenista ee Xarumaha Soo-qaadashada. Iyadoo xafiisyo cusub ku leh magaalada qeybteeda Wareegga Waqooyi, ayay shirkadda Amazon sheegtay inay filayso inay laba-jibbaarto shaqaalaheeda teknolojiyada ee Minneapolis.
     
     “Waxaan halkan ka helnay hibo cajiib ah waxaanan ku rajo weynnahay inaan kobcinno kooxdayada xafiiskeena cusub ee xaafadda firfircoon ee Wareegga Waqooyi,” ayuu bayaan ku sheegay Ari Silkey, maareeyaha guud ee xafiiska Amazon ee Minneapolis.
     
    Shirkaddu waxay Minnesota ka abuurtay in ka badan 2,000 oo shaqooyin waqti buuxa ah taniyo 2015-kii, kuwaas oo u badan xarunta qeybinta ee Shakopee.
     
    Magaalooyinka Mataamaha ah kuma guulaysan sannadkan tartankii qorshaha magaalada xarunta labaad ee shirkadda xarunteedu tahay Seattle.
     

     

    Haween isu tagay oo isbitaalka dhallaanka iyo hooyada ka dhisaya Garowe

    Haween isu tagay oo isbitaalka dhallaanka iyo hooyada ka dhisay Garowe

    Deegaannada Soomaalida kee baa ugu liita matalaadda siyaasadda ee dumarka?

    Waxaan si gaar ah warbixintan ugu eegaynaa doorka haweenka Soomaalida ee gobolka geeska Afrika ay ku leeyihiin siyaasadda

    'Waxaan dib u billaabeynaa xulka gabdhaha kolayga Soomaaliya'

    Kooxda kubbadda gabdhaha ee kolayga waxaa la asaasay sanadihii 1970-naadkii, xiligaas oo uu baal goray u surnaa ciyaartooyda Soomaalida, balse ciyaarihii ugu dambeeyay waxa ay safreen sanadkii 1987-dii.
Powered by ScribbleLive Content Marketing Software Platform