MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live

BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)

Options

Font Size
Viewer Comments
Sounds
Translate posts and comments.

     

    Jamal Khaashoqji oo maydkiisa laga raadinayo kaymaha

    Sida ay wararku sheegayaan booliiska Turkiga ayaa ballaariyey baadhitaanka ay ku hayaan kiiska Saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la sheegay in la dilay Jamal Khashoggi.

    Trump oo boggaadiyay siyaasi feeray saxafi

    Trump ayaa meedaar iyo metalaad ku muujiyay qof si xoog ah dhulka loogu dhufanayo.

    Lammaane jacayl ay isu qabaan awgeed badda gunteeda isku guursaday

    Faraantiyaasha ayaa waxa u soo iibiyey gabadha walalkeed. Gabadha hooyadeed ayaa markii hore diiday arrinkan balse gadaal ayey ka ogolaatay

    Xeerka Qoyska cusub ee Soomaaliya oo muran weyn dhaliyay

    Da'da qaan gaarka ee shareecada islaamka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano.

    Tartanka Guddoomiyaha Gobolka: Halka ay musharraxiinta guddoomiyaha gobolku ka taaganyihiin daryeelka caafimaadka iyo socdaalka

     
    By Cody Nelson | MPR News [Read the story in English]
     
    Afar nin ayaa isku dayaya inay buuxiyaan aqalka guddoomiyaha gobolka iyadoo uu DFLer Mark Dayton oo labo goor doorashada helay isu diyaarinayo inuu ka tago xafiiska.
     
    Hoggaamiyeyaasha tartanka waa Jeff Johnson, Guddoomiyaha Degmo-weynta Hennepin ee Jamhuuriga ah, iyo Xildhibaanka Dimoqraadiga ah Tim Walz, oo aqalka Maraykanka ku matala koonfurta Minnesota badankeed.
     
    Laba musharrax oo ka mid ah xisbiyada yaryar ayaa iyaguna sidoo kale tartamaya: Libertarian Josh Welter iyo Chris Wright oo ka tirsan kooxda Dhaqdhaqaaqa Asaasiga ah ee Sharciyeynta Xashiihska.
     
    MPR News waxay baadhis ku samaysay musharrixiintu halkay ka taagan yihiin dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku salaysan fikradaha ay ku tartamayaan iyo hadallada kale ee ay dadweynaha ka dhex sheegeen.
     
    Caafimaadka
     
    Johnson: Waxa uu ka soo horjeedaa Affordable Care Act wuxuuna MNsure ku tilmaamay "masiibo dhameystiran." Johnson wuxuu doonayaa Minnesota inay laasho qaybo ka mid ah ACA oo hoos yimaada shuruudaha federaalka waxaana uu doonayaa inuu abuuro nidaam iibsashada caymiska guud ee dowlad-goboleedyada u dhexeeya taasoo ah hab lagu xoojiyo tartanka suuqa caymiska.
     
    Walz: Walz wuxuu rumeysan yahay "nidaamka lacag-bixinta mideysan inay u soo dhowdahay Minnesota." Wuxuu taageeraa daryeelka caafimaadka dadweynaha ee loogu talagalay dadka dakhligoodu hooseeyo, MinnesotaCare, in loo fidiyo dhammaan dadka reer Minnesota, haddii ay doortaan inay iibsadaan.
     
    Welter: Welter ma taageerayo wax khidmo cusub ama canshuur ah oo lagu bixinayo arrimaha caafimaadka la xiriira.
     
    Wright: Wuxuu jecel yahay nidaam daryeel caafimaad oo hal-lacag-bixiye ah wuxuuna doonayaa Minnesota in ay ka baxdo MNsure iyo Affordable Care Act oo sameeysato nidaamka hal-bixiye. Wright ayaa sidoo kale dhaleeceeya "khasaarinta, khayaanada iyo xadgudubka" daryeelka caafimaadka.
     
    Socdaalka
     
    Johnson: Johnson wuxuu doonayaa in sharci-fuliyaasha maxalliga ah awood u yeeshaan inay kala shaqeeyaan masuuliyiinta federaalka ah hirgelinta xakameeynta haajirka wuxuuna ka soo horjeeda siyaasadaha "magan-gelinta". Wuxuu sidoo kale sheegay in barnaamijka dib-u-dejinta qaxootiga ee federaalku uu "noqday mid ku kodhiyay kala qaybsanaanta iyo dhibaatada" Minnesota waxana uu raadin doonaa in si degdeg ah loo hakiyo barnaamijka.
     
    Walz: Walz wuxuu aaminsanyahay in sharci-fuliyayaasha maxalliga ah aan loo xilsaarin fulinta sharciyada federaalka ee socdaalka, taas oo ay ku dhaqmaan goobaha maamul ee lagu magaacabo megen-gelinta. Waxa kale oo uu taageersan yahay ilaalinta dadka carruur ahaan lagu keenay Mareykanka iyagoo aan lahayn dukumiinti.
     
    Welter: Welter wuxuu sheegay inay taay in Maraykanku furo xudduudihiisa oo uu u oggolaado in dad badan ay soo galaan dalka.
     
    Wright: Wright ayaan u muuqan in uu leeyahay fikrad shaacsan oo ku aaddan socdaalka. MPR News ayaa codasaday faallo wuxuuna beddelayaa qoraalkan haddii uu ololuhu ka soo jawaabo.

    Mareykanka oo danjire cusub u magacaabay Soomaaliya

    Mareykanka oo Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono u magacaabay Donald Yamamato oo waaya aragnima badan u leh arrimaha dibloomaasiyadda.

    Ramla Cali: Feedhyahan qarsoodi libin ku gaadhay

    Ramla Cali markay ku guulaysatay tartanka feedhka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii, qoyskeedu ma daawanayn. Sababtuna ma aha in ay diidanaayeen ee warba waanay ka hayn.

    Iiraan oo lagu tilmaamay halka la mariyo dhuxusha Soomaaliya

    Warbixin aan wali la shaacinin oo ay diyaarisay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Iiraan ay noqotay meel ay kooxda Alshabab u adeegsato iney ka samayso ganacsi malaayiin doolar ah oo ay ku xoogeysato.

    Dumarka Muslimiinta ah ee xafiisyada u sharraxan oo rajeynaya inay codbixiyeyaashu arkaan wax ka badan diintooda iyo jinsigooda

    Riham Feshir, MPR News [view in English]
    Fardowsa Jaamac waa muhaajirad, dhallinyaro, qof dumar ah, iyo qof aan caddaan ahayn. Waxay sheegtay in aysan daneeynayn oo kaliya arrimaha ku saabsan dadka laga tirada badan yahay, balse arrimaha kale sida guryaha qiimaha jaban iyo waxbarashada.
     
    Hadda waxay u ordeysaa kursi ka tirsan Golaha Magaalada Mankato. Marka la eego dadka Muslimiinta ah ee kuraasta u tartamaya sanadkan Minnesota, haweenku badankood waxay ka soo gudbeen guulaha doorashooyinka koowaad iyagoo u gudbay doorashooyinka guud.
     
    Jagooyinka waxaa ku jira guddiyada iskuulada ilaa Congress-ka – iyadoo Xildhibaannada Gobolka Ilhan Omar u sharraxan tahay inay beddesho Keith Ellison oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Maraykanka, isagoo hadda u tartamaya qareenka guud.
     
    Omar waxay guubaabo u ahayd qaar badan oo ka mid ah haweenka sharraxan sannadkan. Waxay ka muuqatay galalka majalladaha iyo barnaamijka Daily Show. Waxay calaamadeysaa dhowr qodob oo ay "ugu horreysay" - oo ah qofkii ugu horreeyey ee noqda sharci-dajiye Soomaali-Maraykan ah, haweeneydii ugu horeysay ee xirata masar oo ka shaqeeysa Golaha. Waxaana laga yaabaa in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee aan caddaan ahayn oo Minnesota ka matasha Congress-ka.
     
    Inkasta oo degmadeedu ay tahay mid diimuqraadiyad u badan, qaar badan oo ka mid ah shacabka ay mataleeysana yihiin muhaajiriin Soomaali ah, haweenka u sharraxan xafiisyada waxay ka helayaan guubaabo, iyagoo ku fekereya haddii ay iyadu sameeyn karto, iyaguna inay awoodaan.
     
    Qaar ka mid ah doorashooyinka maxalliga ah, musharraxiinta cidina lama tartameeyso. Tartannada Golaha Dugsiyada Degmada Minneapolis ayaa tusaale u ah taas.
     
    Sharon El-Amin ayaa sheegtay in ay dhibayso in 36,000 oo arday aan si fiican loo mataleyn, aysanna wax war ah ka maqlin musharraxiinta aan cidina la tartameeyn. El-Amin, ayaa dhinaca kale, saddex qof kula tartameeysa mid ka mid ah laba boos oo furan.
     
    Inkasta oo dumarka aan caddaanka ahayn qaar ka mid ah ay sheegeen in lala beegsaday hadallo cunsuri ah oo ku saabsan tartannadooda doorashada, El-Amin ayaa sheegtay in ay muhiim u tahay musharaxiintaas inay muujiyaan waxyaabaha ay hodanka ka yihiin.
     
    "Waxaan u maleynayaa mararka qaar in aan ilowno awoodda aan haysano iyo waxyaabaha aynu isku keeni karno marka ay timaaddo dhismaha, dadka oo la isku keeno, iyo u istaagidda waxa saxda ah," ayay tiri. "Kuwan oo dhan waa waxyaabaha aynnu dumar ahaan u leenahay hab dabiici ah oo aan u qabanno."
     
    Dumarkani maaha oo kaliya kuwo matalaya jiho maxalli ah, waxay qayb ka yihiin isbeddel heer qaran ah ee haweenka u tartamaya xafiisyada sannadkan. Waxay uun yihiin Muslim.

    Hablaha kubbadda cagta ciyaara ee Hargeysa

    BBC News Somali: Haddii wiilasha oo keli ahi ciyaari jireen kubadda cagta magaalada Hargeysa, haatan waxaa soo baxay kooxo hablo ah oo ciyaara kubadda cagta oo weliba xariifiin ku ah.

    Maxaa sababay in Al-Shabaab ay soo rogaal celiyaan?

    BBC News Somali: Maalmihii la soo dhaafay xoogagga Al-Shabaab ayaa u muuqday iney isku fidinayaan deegaanno hor leh, waxayna iyagoo aan wax dagaal ah galin la wareegeen goobo muhiim ah, ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda.

    Soomaaliya oo heshiisyo Mareykanka kula saxiixatay hay’ado kala duwan

    BBC News Somali: Wasiirka ayaa intii uu halkaasi joogay magaalada New York waxaa uu heshiisyo dhowr ah ay kala saxiixdeen hey'addo qaar laga leeyahay dalka Qatar.

    Sahan cusub: Walz oo tartanka guddoomiyaha gobolka ku horreeya 9, laakiin waxaa badan inta aan weli go’aan qaadan

    By Briana Bierschbach and Brian Bakst | MPR News [Read in English here]  
     
    Musharraxa Dimuqraadiga Tim Walz wuxu si cad u hoggaaminayaa tartanka guddoomiyaha gobolka Minnesota ee uu kula jiro musharraxa Jamhuuriga Jeff Johnson.
    Laakiin wax ka yar laba bilood iyadoo ay ka hadhay doorashada, boqolkiiba qaddar badan ayaa weli aan go'aan qaadan sidoo kalena aan aqoon badan u lahayn labada musharrax, sida laga soo xigtay sahanka cusub ee MPR News/Star Tribune Minnesota Poll.
    800 oo ka mid ah codbixiyeyaasha diiwaangashan ee gobolka oo dhan oo ka qaybgalay ra'yi ururinta Mason-Dixon Polling and Strategy, boqolkiiba 45 ayaa sheegay in ay taageeraan Walz, oo ah xildhibaan lix goor laga soo doortay koonfurta Minnesota, halka boqolkiiba 36 ay sheegeen inay jecel yihiin in ay arkaan Johnson, guddoomiyaha Degmo-weynta Hennepin, oo noqda guddoomiyaha xiga.
    Walz 9-ka buundo ee uu ku horreeyo waa wax ku ool, inkastoo boqolkiiba 16 codbixiyeyaashu ay sheegeen in aysan go'aan ka qaadan cidda ay u codeeynayaan dayrtan, halka ay 3 boqolkiiba sheegeen in ay musharrax kale oo ka duwan ku taageerayaan doorashada Nov. 6.
     
    Lambarrada Walz-Johnson waa wax la yaab leh marka la eego taageerada haweenka Minnesota. Inkasta oo raggu si siman u kala qaybsan yihiin boqolkiiba 40, Walz wuxuu dumarka dhexdooda ka haystaa faa'iido badan marka loo eego Johnson - 50 boqolkiiba illaa 32 boqolkiiba.
     
    Taageerayaasha Walz ayaa sidoo kale sheegay in daryeelka caafimaad iyo waxbarashada guud ay yihiin arrimaha xaggoroda ugu muhiimsan tartanka.
     
    Socdaalku wuxuu ahaa arinka ugu sarreeya tartanka in kabadan 25 boqolkiiba kuwa ra'yi bixinta ka qeyb galay ee taageeray Johnson. Dhaqaalaha, shaqooyinka iyo canshuuruhu kama fogayn in badan.
     
    Guddoomiyaha gobolka ee xiga wuxuu saameeyn ballaaran ku yeelan doonaa mustaqbalka gobolka, laga bilaabo qaabeeynta miisaaniyad dhan $46 bilyan illaa nidaamka loo marayo dib-u-habeynta degmooyinka oo saameeyn doona doorashooyinka Minnesota ugu yaraan tobanka sano ee soo socota.

    Farriin qoraallada iyo email-ada? Kama socdaan saaxiibbadaa

    Dadka qaar ka mid ah, helitaanka wax shakhsi u gooni ah sida farriin qoraal ah oo ka socota olole ayay u dareemi karaan xad-gudub khaas ah. Laakiin waa mid sharci ah oo ka sahlan dadka intiisa badani sida ay moodaan in musharraxiinta ay soo ogaadaan lambarkaaga taleefanka, meesha aad ku nooshahay, iyo haddii ay u badan tahay in aad codayso dayrtan.
     
    Waxaa dhici karta in adigoon ogeyn aad macluumaadkaaga la wadaagtid ololayaasha.
    Gobollo badan ayaa xogta ugu muhiimsan ee codbixiyayaasha ka dhiga mid la heli karo – haddii lacag laga bixiyo.
     
    Minnesota gudaheeda, xafiiska xoghayaha gobolka wuxuu bixiyaa warbixin ku saabsan codbixiyayaasha diiwaangashan ee gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin cinwaankooda, sannadka dhalashada iyo taariikhda codbixinta, oo ay ku jiraan sanadaha uu qofku codeeyay iyo haddii ay ka codeeyeen doorashadii hore, doorashada guud ama labadaba. Lambarrada telefoonnada ma aha macluumaadka loo baahan yahay marka la is diiwaangelinayo, laakiin haddii codbixiyuhu uu ku daro, isagoon ogayn ayuu macluumaadkaas helitaankiisa u fududeeyay ololayaasha.
     
    Macluumaadkan gobolka oo idil waxay dadka deggan ku heli karaan kaliya $46, ama $30 deegaan yar oo beegsan. Xeerka Minnesota wuxuu ku xaddidaa isticmaalka xogta keliya ujeeddooyinka la xiriira doorashooyinka, hawlaha siyaasadeed, ama fulinta sharciga.
     
    Kala saarka xogtaas waxay u baahan tahay heer xirfadeed oo gaar ah, taas oo ah sababta ay ugu badantahay oo kaliya inay codsadaan xisbiyada siyaasadeed oo waaweeyn, ololayaasha ama shirkadaha macluumaadka baarta. Waxay qabtaan shaqada adag ee falanqaynta macluumaadka iyo abuurista liisas ay ku qoran yihiin codbixiyeyaasha diiwaangashan iyo kuwa laga yaabo inay codeeyaan.
     
    Waxaa jira kooxo qaran oo ka iibiya macluumaadkaas ololayaasha, laakiin xisbiyada siyaasadeed ee maxalliga ah iyo murashaxiinta ayaa sidoo kale baarta si ay u dhistaan liisaskooda codbixiyeyaasha ee ay isticmaali karaan shaqaalaha, mutadawiciinta iyo musharaxyada ay taageerayaan xisbiyadu.
     
    Xisbiyadu waxay u isticmaalaan xogtan inay noqoto meesha bilawga ah. Marka ay dhaqdhaqaaqayaashu ku garaacayaan albaabada isla markaana xiriir toos ah la yeeshaan codbixiyayaasha, waxay ku darsadaan xogtooda, oo ay ku jiraan waxyaabo ay ka mid yihiin cinwaannada emailka iyo in qofku yahay mid loo xaqiijiyay cod bixiyeyaasha Dimoqraadiga ama Jamhuuriga.
     
    Waxaa jira dhowr siyaabood oo lagu xaddidayo xiriirka ololayaasha, oo ay ka mid yihiin inaad ka taxaddarto xogtaada shakhsi ahaaneed. Minnesota gudaheeda, sidoo kale waad ka reebi kartaa lambarradaada telefoonka foomka diiwaangelinta codbixiyaha, sidoo kalena haddii aad hesho mid ka mid ah farriimaha qoraalka ah ee musharrax, si fudud u waydiiso in aad joojiso xiriir sii socda.
     
    Laakiin xog tiro badan, oo ay ku jiraan cinwaanada, ayaa inta badan ku jirta rikoorka dadweynaha u furan mana jirto si looga baxo. Waxa sidoo kale jira qiimo dimuqraadiyadeed oo ku aaddan suuragalinta in musharraxiintu ay la xiriiraan kuwa u noqon kara xulafada, xitaa haddii ay dhalineeyso dareen xad-gudub. 

    Mac-hadka Heritage oo daraasad ka qorey ‘gefafka’ dublamaasiyadda ee Soomaaliya

    Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii.

    Itoobiya: Calanka waa la beddeli karaa haddii raalli laga wada yahay

    Ra'isal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inaan loo baahneen iney muwaaddiniinta isaga horyimaaddaan adeegsada calamada kala duwan.

    Bangiga Adduunka: Dhaqaalaha Soomaaliya kor ayuu u kacay

    Bangiga Adduunka oo sheegay Kobaca dhaqaalaha dalka soomaaliya oo la sheegay inuu gaaray 2.5% sanadkiba

    Cali Gacal Casir oo diiday in "xilka laga qaaday"

    Guddoomiyaha "xilka laga qaaday" ee baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa gaashaanka ku dhuftay in ay xildhibaanno ka qaadeen xilkiisa. Codayntii ka dhacday Dhuusamareeb ayuu ku tilmaamay "fowdo iyo shacab meesha lagu soo uruuriyey".

    Xiddigta Serena Williams oo lagu ganaaxay af-lagaaddo ay geysatay

    Sheegashada Serena Williams ee ku saabsan in dumarnimo lagu cunsuriyeeyay ciyaartii kama dambeysta ee US Open ayaa waxaa taageeray ururka dumarka ee ciyaartoyda Tennis-ka ee Mareykanka.

    Dayaarad Makhaayad laga dhigay

    Weligaa ma ku fekertay in dayaarad weyn oo nooca rakaabka ah, laakinse dhaqan-ka-bax ah laga dhigi karo makhaayad cunto wanaagsan leh? Fikradaas waxaa magaalada Hargaysa la yimid Khadar Xasan Daa'uud oo ka mid ah dadka qurbaha ka soo laabtay.

    Iska hor imaad dhex maray Shabaab iyo ciidan si gaar ah u tababaran

    Wararka ka imaanaya tuulada Mubaarak ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah oo ay la socdaan ciidamo shisheeye ay hawlgallo halkaa ka fuliyeen, ayadoo iska hor imaad uu dhex maray ayaga iyo dagaallamayaal ka tirsan Al Shabaab.

    Eritrea oo ku soo noqonaysa IGAD

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad, oo waraysi gaar ah siinayey laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in arrinta Eritrea looga hadlayo shirka madaxda IGAD ee galinka dambe. Wuxuu sheegay in laga gudbay "arrintii keentay in markii horeba laga saaro ururka.

    Dawladda oo maamul goboleedyada xisaab-celin ka dalbatay

    Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ka codsatay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan "isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada". Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray 2017.

    Tartanka isku-dhiibka ee fardaha Hindida oo muuqaal 'xiiso' ah u leh kuwa tartamaya, taageerayaasha

    By Nina Moini | MPR News [Read the story in English]
    Sida ay dad badan sheegaan, ciyaaraha isku-dhiibka ee fardaha Hindiya ayaa taariikh dhan 500-sano ku leh Deegaanka Great Plains.
    Sidoo kale, lixdii sano ee la soo dhaafay, tartanka fardaha ee xawaaraha sareeya ee ka dhaca fagaaraha Canterbury ee magaalada Shakopee ayaa ahaa mid soo jiita dad badan.
    In kabadan darsin kooxaha ugu sareeya ciyaaraha tartanka isku-dhiibka ee fardaha Hindida oo ka yimid qabiillooyin ka kala socda dalka oo dhan ayaa ku tartamayay Canterbury dhammaadkii asbuuca. Kaliya hal koox oo ka socota Minnesota ayaa ka qeyb qaadatay - Brown Bois, oo uu hoggaaminayay ninka 54-sano jirka ah, Tim Brown, oo ka tirsan Beesha Bois Forte ee Chippewa.

    Brown waxaa tartanka ku wheliyay labo wiilashiisa ka mid ah, Derek, 31 jir, iyo Chandler, oo 25 jir ah. Saaxiib cusub ayaa ku soo biiray kooxda daqiiqadii ugu dambeysay sababta oo ah wiilkii saddexaad ee Brown uu dhalay ayaa imaan kari waayay. Dan Jones, oo ka tirsan Beesha Shakopee Mdewakanton Sioux, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu caawiyo.
    "Waxaan u maleynayaa inay aad u fiican tahay in arrintaan oo kale lagu soo bandhigo  goobaha dadweynaha si loo muujiyo in aan weli halkaan joogno, haddana weli aan jirno, dhaqankeenuna runtii hodan iyo qurux badan yahay," Jones ayaa sidaas yidhi.
    Koox kasta oo ka mid ah kooxa ku tartanka isku-dhiibka ee fardaha Hindida ayaa ka kooban saddex faras iyo afar dagaalyahan ah, oo mid ka mid ah uu faraska wado. Kuwa fardaha saaran ayaa xidhan labbis buuxa, iyagoo fardaha dhabar bannaani ku wada, iskuna bedbeddala fardaha oo aan istaagin.
    Tim Brown ayaa tartamayay isaga oo ku labisan dhar dhaqameedka, oo feera qaawan inta hoosan ka qaba harag jilicsan oo aan dhaafsanayn jilbaha, kabo harag jilicsan ah iyo koofi madaxa ugu xiran oo la yidhaahdo roach, taas oo ka samaysan timo dabacadeeye iyo timo deero, oo leh laba baal gorgor ah oo dahabi ah.
    Brown ayaa doorka ugu khatarta badan ku lahaa kooxda. Inta saddexda nin oo kale ay fardaha xakameynayeen, Brown ayaa tartanka ku galayay fardaha, isagoo isticmaalaya hal faras mile-kiiba, ka dibna mid kale uga boodayay faraska oo aan wali ordaya. Kadibna, sidii oo kale ayuu jiiro kale iyo faras kale ku sii wadayay tartanka, si uu u dhammaystiro tartanka 3-da mile ah ee isbartiibada Canterbury.
    Kooxuhu waxay soo xidheen midabyo iyo naqshado kala duwan si ay u matalaan qabiilladooda kala duwan. Brown Bois waqti ayay ku qaataan ka hor tartan kasta si ay naqshado huruud ah ugu sawiraan fardahooda saddexda ah.
    Brown Brown ayaa ku dhameysatay booskii ugu danbeeyay tartankan, laakiin xiisaha tartanka ayaa uga tagay Tim Brown wasakh madaxa iyo lugaha iyo qosol farxad leh.
    "Aad ayay u fiicneyd," ayuu yidhi tartanka ka dib. "Fardaheygu waxay sameeyeen sida ugu wanaagsan ee ay karayeen, qofna ma dhaawacmin."
    Brown ayaa ku dhaartay isaga iyo kooxdiisa inay garoonka dib ugu soo laaban doonaan sanadka soo socda.

    Muxuu guriga Aadan Cadde u noqday lama taabtaan?

    Dhowrkii beri ee u dambeeyey waxay dadku is weydiinayeen su'aasha aan hordhaca uga dhignay mowduuceenna, waxaana keenay in la is weydiiyo weerarkii dhawaan ay ku qaadeen ciidan si gaar ah u tababaran oo Soomaali ah guriga madaxweynihii ugu horreeyey Soomaaliya.

    Baarlamaanka Jigjiga oo beddelay calanka dawlad deegaanka

    Baarlamaanka Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta ansixiyey go'aanno masiiri ah oo la hadal hayey tan iyo markii la magacaabay madaxweynaha cusub, Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar). Calankan waxaa 8 sano ka hor beddelay Cabdi Maxamuud Cumar.

    Al Shabaab iyo tuutaha Milateriga

    Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyay sawirro la sheegay in laga soo qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ciiddii shalay ku soo bandhigay magaalooyinka Jilib iyo Saakoow askartooda oo ku labisan tuutaha milateriga Soomaaliya iyo gawaari dagaal oo leh astaanta ciidanka milateriga dowladda federaalka.

    Falanqayn: Daacish oo caqabad ku ah canshuurta Al Shabaab

    Kooxda dawladda islaamiga ayaa "canshuur xad-dhaaf ah" ku soo rogtay ganacsatada iyo shirkadaha waqooyiga bari ee Soomaaliya, wax u muuqda isku day ay kula xafiiltamayaan farsamooyinka canshuur uruurinta ee Al Shabaab.

    Duqa magaalada Mpls. oo doonaya in uu aad u badiyo lacagta ku baxda guryeynta

    By Brandt Williams | MPR News [Read the story in English here]
    Duqa Magaalada Minneapolis Jacob Frey qorshihiisa miisaaniyadeed ee ugu horeeyay ee uu soo jeediyay waxa ku jira wax uu ku magacaabay maalgashiga taariikhiga ah ee guryaha qiimaha jaban. Frey qorshihiisa dhan $1.55 bilyan ee 2019-ka ayaa u qoondeeyay $40 milyan dadaallo kala duwan oo loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa meel dhexaadka ah inay ku kireeystaan ama ku iibsadaan meel ay ku noolaadaan.
    "Taasi waxay ka badan tahay saddex jibbaar maalgashiyadii hore ee magaalada ee guryaha qiimaha jaban," ayuu yiri Frey, isaga oo intaas ku daray in tani ay tahay kaalinta magaalada oo kali ah oo ayan ku jirin maalgelin federaali ah. Marar badan, siduu sheegay Frey, dadku waxay doortaan inay ka tagaan magaalada halkii ay bixin lahaayeen kirada sii kordhaysa.
    "Inkastoo xukuumaddu ayan keligeed beddeli karin jihadan, haddana dhab ahaan waannu samayn karnaa qaybteena si aan u sii hayno guryaha la awoodi karo oo dabiiciga ah," ayuu yiri Frey. "Si loo gaadho, waxaan u qoondeynayaa $3.4 milyan santuukheena dhowrista guryaha qiimaha jaban ee dabiiciga ah."
    Miisaaniyadda uu soo jeediyey duqa magaalada waxaa ku jirta koror ah 5.6 boqolkiiba ee canshuurta dhulka. Si kastaba ha noqotee, Frey ayaa sheegay in aysan macnaheedu ahayn in cid walba biilashoodaa canshuurta ay kor u kacayaan.
    "Haddii qiimaha gurigaagu uusan kordhin 2018, miisaaniyadani waxay keeni doontaa $55 ama boqolkiiba afar hoos u dhac ah dhanka biilka canshuurta magaalada," ayuu yiri Frey. "Haddii qiimaha gurigaagu uu kordhay 10 boqolkiiba, kororka sannadlaha ah wuxuu noqon doonaa $85 ama 6.5 boqolkiiba."
    Hindisaha Frey ayaa sidoo kale diiradda saaraya kaabayaasha, horumarinta shaqaalaha iyo horumarinta xiriirka booliiska iyo bulshada. Dhankaas, Frey wuxuu doonayaa inuu ku bixiyo $25,000 si loogu bixiyo foojarrada dayactirka baabuurta oo ay saraakiisha booliisku siin karaan darawalkii wata gaadhi laydh ka xun yahay halkii ay siin lahaayeen tikidho.
    Xubnaha Golaha Magaalada Minneapolis ayaa dhowaan bilaabi doona nidaamka dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka qorshaha miisaaniyadda duqa magaalada ka hor inta aan la qaadin codeyn kama dambeys ah sanadkan daba yaaqadiisa.

    Hoobiyeyaal lala beegsaday Madaxtooyda Afqaanistaan

    Weerarka hoobiyeyaasha ayaa wuxuu dhacay xilli uu madaxweynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani uu farriin Iidda ku saabsan uu si toos uga tabinayey Telefishiinka.

    Taariikh nololeedkii Bui Tin, wariyihii loo diiday in lagu qoro buugaagta taariikhda

    Markii ay dhacday xukuumaddii koonfurta Vietnam ee Mareykanka taageerada ka heystay sannadkii 1975-kii, Bui Tin halkaas ayuu joogay isagoo matalayay garabkii ay guusha raacday ee Vietnam-ta Waqooyi. Balse markii uu dagaalka dhammaaday waxa uu noqday qof la iska nacay, magaciisa waxaa laga tiray taariikhda dalka Vietnam.

    'Saaxiibkeygii doobiilaha ahaa ee Muqdisho lagu diley'

    In aan soo leexdo si aan u arko Maxamed waxay mar walba ahayd mid ka mid ah waxyaabaha aan jeclahay marki aan booqdo Muqdisho.

    Maxay dadka u dareemaan gaboowga iyaga oo da’yar?

    Hadda waxaa la isku wada raacsanyahay in dadku ay jeclaan lahaayeen muuqaal dhallinyaro-nimo ah inta ay sii weynaanayaanba.

    Gabadh uu si qarsoodi ah ku dhalay Steve Jobs oo buug qortay

    Gabadh uu dhalay Steve Jobs oo lagu magacaabo Lisa Brennan-Jobs ayaa buug ay qortay kaga hadashay xiriirkii adkaa ee ay la lahayd aabaheed oo ahaa ninkii aasaasay shirkada Apple.

    Shacabka Bangladesh oo qabanaya shaqadii booliiska taraafikada!

    Muddo ka badan hal isbuuc, waddanka Bangladesh waxaa ruxaya dibad baxyo waaweyn oo ka dhashay dhimashada labo carruur ah oo ku geeriyooday shil gaari.

    Mareykanka: Rakaabka diyaaradaha oo si qarsoodi ah loo dabagalo

    Maamulka Amaanka Gaadiidka ee Mareykanka (TSA) ayaa waxa ay wajahayaan dhaleeceyn ku aaddan sida qarsoodiga ah ay ula socdaan rakaabka shacbka Maraykanka ee ku safraya diyaaradaha, warbaahinta Mareykanka ayaa sidaasi sheegtay.

    Trump oo doonaya in uu kulan la yeesho Xassan Rouhani

    Donald Trump ayaa ogolaaday in uu la kulmo hogaamiyeyaasha Iran, xillikasta oo ay doonayaan iyadon lagu xirayn wax sharuuda ah.

    Israa'iil oo xukun ku ridday gabadh Falastiiniyiinta gabay ku guubaabisa

    Dareen Tatour oo ah gabadh gabayda oo Carab ah ayaa sheegtay in gabay geeda si xun loo tarjumay.

    Minnesota oo ka gaabisay wax ka qabashada kororka cudurka unugyada dhiigga ee sickle cell

     
    By Emma Sapong | MPR News [Read this story in English]
     
    Rae Blaylark ma aysan haysan meel ay cuskato 22 sano ka hor markii wiilkeeda uu ku dhashay cudurka sickle cell iyadana loo sheegay inay tahay sidaha cudurka.
     
    Sickle cell, oo ah cudur dhiigga oo dilaa ah oo inta badan ku dhaca dadka asal ahaan Afrika ka soo jeeda oo ku nool Mareykanka, ayaa weli naadir ka ahaa Minnesota 1990-maadkii. In su'aalaha asaasiga ah loo helo jawaabo waxay ahayd mid aan inta badan macquul ahayn. Waxay xilligaas ku dhaaratay in qofkii halkan looga sheego cudurka uusan waligiis "dareemi doonin inaysan jirin wax taageero ah oo ay dareemaan in ay ku sugan yihiin jasiirad iyaga u gaar ah."
     
    Labaatan sano ka dib, waxaa jira isbitaal dhammeystiran ee cudurka sickle cell oo loogu talagalay caruurta Minnesota. Blaylark iyo qaar kale, si kastaba ha ahaatee, waxay ka digayaan in kiisaska dadka waaweeyn ay kor u kaceen oo gaadheen heer halis ah maadaama ay dadka Galbeedka Afrika iyo Afrikaanka Ameerika oo badan ay soo dageen halkan sidoo kalena Minnesota ay ku yar yihiin fursadaha daryeel ee iyaga anfacaya.
     
    Goballada kale ee Badhtamaha-galbeedka waxay leeyihiin isbitaallo dadka waaweeyn ee cudurka sickle cell iyo dhakhaatiirta cudurrada dhiigga oo ku takhasusay daryeelka dadka waaweyn. Minnesota midna ma laha. Dhakhaatiirta yar ee cudurrada dhiigga ee halkan jooga ee daaweeya dadka waaweeyn ee qaba sickle cell ma aha kuwo takhasus u leh. Bukaanka da'doodu tahay 21 jir ee ka kora dhakhaatiirta carruurta ma laha meel ay u tagaan daryeel isku xidhan.
     
    Taasi waxay keentay in dhimashadu ku kororto Minnesota, laakiin ololeeyayaasha ayaa sheegaya in qofna uusan garanayn tirada ay gaadheeyso sababta oo ah Minnesota ma diiwaan geliso kiisaska dadka waaweyn. Sidoo kale maadaama cudurku uu waxyeello u geysto xubnaha kale ee jidhka, dhimashada waxaa loo tiriyaa sababo la xidhiidha xubinta oo laguma tiriyo cudurka sickle cell.
     
    "Waxaan dareensanahay in aan gaarnay xaalad deg-deg ah," ayuu yiri Dr. Stephen Nelson, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada dhiigga ee carruurta oo maamula barnaamijka sickle cell ee Isbitaalka Carruurta ee Minneapolis. "Hadda waxaan aragnaa in waqtiga ugu sarreeya ee bukaanku ay dhimanayaan ay tahay inta u dhaxeysa 18 iyo 25 sano jir."

    Nelson iyo kuwa kale ee ku sugan Minnesota waxay aaminsanyihiin in sababta ugu muhiimsan ee cudurka sickle cell aan loo daneeyn  ay tahay jinsiyad iyo sidoo kale awood caafimaad. Waa cudurka keliya ee saadaasha nolosha ay hoos u dhacday dalka Maraykanka.
    Cudurka sickle cell waxaa lagu gartaa unugyada dhiiga gaduudan oo si xun u sameeysan kuwaas oo xannibi kara xididdada dhiigga, waxayna keenaan xanuun iyo xaaladaha nafta halis galiya.
     
    Waqtiyo leh xanuun ba’an oo aan la saadaalin Karin, oo la yiraahdo crises, ayaa ah calaamadda jirradan dhaxalka ah. Booqashada qolka xaaladaha degdegga ah oo badan, ku jiritaanka isbitaalka iyo dhiig lagu shubo ayaa caado u ah bukaan badan.
     
    Ololeeyayaasha ayaa sheegaya in cilmi-baarista iyo daaweynta loogu talagalay cudurka aan maal gelin lagu sameeyn marka la barbar dhigo xaalado la mid ah oo inta badan saameeya caddaanka. Cudurka sickle cell  waxaa la helay in ka badan 100 sano ka hor illaa sannadkii la soo dhaafayna kaliya hal daawo ayuu ansixiyay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka si loogu daaweeyo.

    Toddobaatan iyo afar ruux oo ku dhex gubtay guryahahooda iyo gawaaridooda

    Dab ka kacay kaymo ku yaalla Giriigga ayaa dilay ugu yaraan 74 ruux, sida ay dawladdu sheegtay, masuuliyiinta dalkaasina waxay raadinayaan caawimaad caalami ah.

    Haweeneey dhinaceeda dhulka la dhigi waayey

    Soddon sano ka hor ayay ahayd markii ugu horraysay ee haweenayda lagu magacaabo Yuko Fuji, ay dalka Japan kaga qayb gashay ciyaarteedii ugu horraysay ee lagdinta ragga ee Judo, waxaana markaas afka ciidda u daray wiil yar, wixii intaas ka dambeeyey waxay go'aansatay in aysan mar dambe ka qayb galin lagdinta.

    Ma hanaqaadi doonaa iskaashiga ganacsi ee Israa'iil iyo Shiinaha?

    Shiinuhu, waa dalka labaad ee ugu weyn dunida, waana dalka ugu badan xagga wax dhoofinta caalamka oo idil.

    Maxaa ugu wacan in malaayiin qof ay sidan ugu arkaan Koobka Adduunka?

    Illaa 320 milyan oo uu ka maqanyahay midabka aragga ayaa adduunka ku nool, mana kala saari karaan midabada dharka ay xiranyihiin kooxaha.

    'Xaaskeygu kuma dhacdo in dadka dhexdiisa ay iigu yeerto magaceyga saxda ah'

    Bal sawiro adigoo ka degay madaar dadku ku badan yihiin oo ku yaal Yurub ama Maraykanka, oo ay kugu sugayso xaaskaagu, oo intay shaqadii ka soo rawaxday daqiiqado soo yara daahday. Haddaba dhibku muxuu yahay? Xaaskaaga ayaa ah qof Muslim ah, magacaaguna waa Jihaad.

    Warbaahinta bulshada ayaa keenaya in meelaha muuqaalka qurxoon 'loo jeclaado illaa heer dhimasho

     
    By Cody Nelson | MPR News [Read the story in English here]
    Ka raadi #beanandbear ama #beanandbearlake Instagram waxaadna heli doontaa in ka badan 1,100 sawir oo isticmaalaya mid ka mid ah tilmaamahaas.

    Qaar badan oo ka mid ah sawiradaas waa ay isku egyihiin​

    Meesha sawir qaadayaasha ay wax ka sawirayaan waa jabal ka sarreeya harooyinka Bean iyo Bear ilaa 300 oo fiit. Waxaa hareeraha goobta ku wareegsan buur yar oo geedo leh. Waxa ugu weyn ee kala saaraya waa midabka ay caleemuhu yihiin, ama haddii uu baraf yaalo dhulka.​

    Silver Bay, Minn. marka wax yar laga baxo, wareegga Harooyinka Bean iyo Bear ayaa ah mid ka mid ah qeybaha ugu caansan ee Tubta Korista ee Superior.

    Sidoo kale waa mid ka mid ah meelaha ay gadheen khasaraaha ugu badan ee la xidhiidha isticmaalka culus, oo ka dhex muuqda liiska Shanta Waaweeyn ee Xun ee meelaha tubta ugu xun oo ay diyaariyeen Isutagga Tubta Korista ee Superior.

    "Waxay ila tahay mar walba oo tubtu sii noqoto mid caan ah, iyo fursaddan sawir ee dadku raadinayaan, waxaa halis ah in jaceeylka loo qabo gaadhsiiso heer dhimasho," ayuu yidhi Jaron Cramer, oo ah agaasimaha horumarinta iyo isgaarsiinta ee ururka.
    Ololeeyayaasha dibedda ayaa sheegaya in habka ay dadka isticmaala warbaahinta bulshada ugu wadaagaan internetka tacaburkooda ay dardar gelinayso burburka meelaha quruxda badan ee dunida.

    Si kastaba ha noqotee, dadka u doodaya waxay u arkaan tilmaamaha cusub ee warbaahinta bulshada ee bishii hore ay soo saartay Xarunta Leave No Trace Center For Outdoor Ethics inay tahay tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.
     
    Leave No Trace, oo ah hayád aan faíido doon ahayn oo xarunteedu tahay Colorado, waxay waydiisanaysaa dadka dibedda ku raaxeeysanaya inay “si fikir ku saleeysan wax u calaameeyaan" oo ay iska ilaaliyaan bixinta isku-duwaha GPS-ka ama macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan halka ay ku yaalaan meelaha muuqaalka qurxoon.

    Fikradda ayaa ah in qof walba oo u ambabaxa si uu u sawiro meel muuqaal qurxoon leh uu dhalinayo mid kale oo la mid ah, isla markaana wareeggu uu sii socdo ilaa meeshu ay faafto sida fayraska.

    Tilmaamaha cusub ee Leave No Trace ee ku aaddan warbaahinta bulshada ayaa diiradda saaraya afarta qodob ee kala ah:

    • "Si maskaxaysan u calaamee": Tani macnaheedu waa ka fogow inaad sawirka ka bixiso macluumaad gaar ah ee ku saabsan halka uu ku yaal.

    • "Ka digtoonow waxa ay sawirradaadu muujinayaan": Tusaale ahaan, ha muujin wax kasta oo dhiirrigelinaya akhlaaq xumo in dibadda lagula kaco.

    • "Dib wax ugu celi meelaha aad jeceshahay": Tabarrucaad shaqo u samee ilaalinta, siday sheegayso Leave No Trace.

    • "Ku dhiirigeli oo ku guubaabi Leave No Trace warbaahinta bulshada": Ka feker sida qoraalka loogu isticmaali karo si dadka wax looga bari karo ilaalinta.

    Qoyskii ugu horeeyay oo loo dhisay guri loo naqshaddeeyay farsamada 3D

    Qoyskan oo ku nool dalka Faransiiska ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo loo dhisay guri gabi ahaantiisa la daabacay

    Kumuu ahaa madaxweynihii la midka ahaa Trump ee soo maray Maraykanka?

    Millard Fillmore waa mid kamid ah madaxweyneyaasha Mareykanka ee loogu aqoonta yaryahay waxbana aan laga xasuusanin, laakiin waxaa jirta saameyn aad u balaaran oo uu lahaa taasoo qof walba aan hadda ku cusbeyn.

    Qalbi Dhagax iyo Qiraalkii uu bixiyay

    Qalbi Dhagax waxa uu sheegay in uu tagi doono magaalooyin Soomaaliya ku yaala sida Muqdisho, Kismaayo, Baladweyne iyo kuwa kale.
    0

    Dayaarad Ra'iisul wasaare qaadi lahayd oo shidaal loo waayey

    Guddiga maamulka dayaaradda LAM Airlines ee Mozambiik ayaa shaqadii laga eryey, ka dib markii ra'iisul wasaaraha dalka iyo rakaab kale ay xayirmeen, ayadoo dayaaraddii qaadi lahayd loo waayey shidaal lagu shubo.
Powered by ScribbleLive Content Marketing Software Platform