MPR News Soomaali (MPR News Somali) | Minnesota Public Radio News

From

MPR News Soomaali (MPR News Somali)

  • St. Louis Park ayaa si wadajir ah u ansixiyay ilaalinta kiraystayaasha oo ah kii ugu horeeyay oo noocan


    Ijaarka oo kordha iyo guryo la'aantu maaha oo kaliya dhibaatooyin ka taagan magaalooyinka waaweyn. Waa dhibaatooyin sidoo kale ku soo badanaya kireystayaasha deggan magaalooyinka hareerahooda.
     
    Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park ayaa habeenkii Isniinta si wadajir ah u ansixiyay sharcigii ugu horreeyay ee kiraystaha. Xeerka, oo la aaminsan yahay inuu yahay kii ugu horreeyay Minnesota ee noociisa ah, ayaa wuxuu ku amrayaa mulkiilayaasha inay bixiyaan kharashaadka guuritaanka ee kiraystayaasha dakhligoodu hooseeyo haddii ay go'aansadaan inay kordhiyaan ijaarka, dib ayan u cusboonaysiin muddada kirada, ama ay dib u baadhaan kireeystayaasha saddexda bilood ee hore oo ay la wareegaan lahaanshaha dhismaha.

    "Waxa aan isku deyeynay in aan ka hortagno waa xaaladaha uu mulkiile cusub intuu yimaado kordhiyo qiimaha kirada ama uu soo saaro shuruudo baadhitaan oo cusub ee kireystayaasha, ka dibna si toos ah ugu yidhaahdo,"ka baxa,’" Duqa magaalada St. Louis Park Jake Spano ayaa yidhi.

    Xeerku wuxuu khuseeyaa keliya dhismayaasha guryaha ay ugu yaraan boqolkiiba 18 ay yihiin kuwo ay awoodi karaan inay kiro ka bixiyaan kireystayaasha lacagta soo gasha ay tahay boqolkiiba 60 dakhliga dhexaadka ah ee deegaanka. Guryaha labada qol oo jiifka leh ayaa loo tixgeliyaa inay yihiin kuwo la awoodi karo haddii ay kiradu tahay $1,221 bishiiba (oo ay ku jiraan khidmooyinka) ama ka yar. Guri hal qol oo jiif ah ayaa la awoodi karaa haddii ay kiradiisu tahay $1,017 bishii ama ka yar.

    Siyaasadani waxay ka soo baxday koox-shaqo oo ka kooban mulkiilayaasha, wakiillada shirkadaha guryaha, iyo u doodayaasha kireystayaasha, oo magaaladu isku keentay ka dib markii boqolaal kireystayaal ah la barakiciyay markii dhismayaashii ay degganaayeen la iibiyay, oo markaas milkiilayaasha cusub ay kordhiyeen qiimaha kirada.

    Dhismayaasha la yidhaahdo, Meadowbrook Manor, wuxuu ka kooban yahay 551 guri, kuwaas oo ay awoodi kareen kireystayaasha garabraratada ah iyo dadka dakhliga go'an uu soo galo. Markii milkiilihii ay ka iibisay dhismayaasha wiilkeeda sannadkii 2016, wiilka shirkadiisii ayaa ku kordhisay qiimihii ijaarka ilaa in gaaraysa $125 bishii, waxay ku soo rogeen in dib loo eego taariikh nololeedka kireystayaasha, waxayna soo saareen shuruudo dakhli oo ah in ugu yaraan kireystaha ay soo gasho in u dhiganta 2 jeer kirada bisha ah.

    Sharcigani waxaa uu ku qasbayaa milkiilayaasha inay ka bixiyaan ilaa $2,600 oo ah kharashka ku baxa guurista kiraystayaasha halka qol ee isku furan illaa $4,100 kuwa guryaha saddexda qol leh ama ka weyn. Mar labaad, xeerku wuxuu khuseeyaa oo keliya kiraystayaasha guryaha  la awoodi karo mana khuseyso milkiilayaasha hantidooda leh muddo ka badan saddex bilood.
     
    Tani waa sharcigii labaad ee magaalada St. Louis Park ay ansixiso si wax looga qabto guryaha kirada jaban. 2015-kii, waxay ansixiyeen xeerka iskudaridda aagagga oo ku qasbaya dhismayaasha cusub ee la kireysto inay qaar ka mid ah noqdaan kuwo kiro jaban haddii ay maalgelin ka helaan magaalada. Michele Schitker, kormeeraha guryaha ee magaalada St. Louis Park, ayaa sheegtay in 54 guri oo kiradooda la awoodi karo ay ku abuurmeen sharcigaas dartii.
View the full stream
Powered by ScribbleLive Content Marketing Software Platform