Koox bilayska Soomaalida-Mareykanka ah ayaa sheegaya in Noor loola dhaqmay si gooni ah
Dhowr cisho ka dib markii sarkaal ka tirsanaa bilayska Minneapolis Mohamed Noor
uu toogasho ku dilay Justine Ruszczyk July-dii hore, ayay Taliyahii Bilayska Minneapolis ee xilligaas Janee Harteau ku tilmaantay go'aanka Noor uu wax ku toogtay inuu yahay "fal uu hal shaqsi geystay", iyadoo falka sarkaalka ka fogeynaysay waaxda bilayska.
Waxay ahayd talaabo aan caadi ahayn in madaxa bilayska ay dhaleeceeyso mid ka mid ah askarteeda. Saraakiisha Soomaalida Maraykanka ayaa hoosta ka xariiqday jawaabta waaxda — iyo, ka dib, jawaabaha ka yimid ururka bilayska iyo xafiiska xeer ilaaliyaha.
"Ma dareemeyno in sarkaal Noor loola dhaqmey si la mid ah sidii loola dhaqmay saraakiishii kale ee ku jiray xaalad la mid ah tiisa," Waxiid Siraaj, oo ah afhayeenka Ururka Bilayska Soomaalida-Maraykanka, ayaa sheegay Jimcihii, maalmo yar kadib markii Noor, oo xubin ka ahaa ururka, dacwad lagu soo oogay.
Maalmo ka dib markii toogashadu dhacday, Lt. Bob Kroll, madaxa Isutagga Saraakiisha Bilayska ee Minneapolis, ururka matala in ka badan 800 askari oo saraakiisha hoose ah, wuu ka aamusnaa.
Waxay ahayd arrin aan caadi u aheyn madaxa ururka bilayska oo aan inta badan ka gabban in uu difaaco askarta lagu soo eedeeyay anshax xumada.
"Ii aamina,"
ayuu ku yidhi koox ka mid ah xubnaha ururka intii lagu guda jiray xaflad ciid oo ay isugu yimaadeen Isutagga Shaqaalaha Gobolka ee Minneapolis, "cidna sidayda oo kale uma doonayso inay u sameyso Kirismaska. Taasina … taasi waa hadiyadda ugu weyn ee aan jecelahay inaan ku hoos arko geedka Kirismaska."
Hadalka Freeman uu ku yidhi fiidiyowga ayaa yimid ka dib markii mid ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha joogay fagaaraha xafladda uu waydiiyay sababta uusan weli u soo oogin dacwad ka dhan ah Noor.
"Waa in aan hayo caddaynta, mana hayo weli, aan dhahana, ma ahan khalad aan anigu leeyahay" ayuu Freeman ku sheegay fiidiyaha. "Marka haddii aysan ahayn khaladkeyga, yaan shaqadooda qabsanin? ... Baadhayaasha, mana ii shaqeeyaan aniga. Shaqadoodana ma aysan qabsan."
Waxay ahayd arrin aan caadi ahayn in xeer-ilaaliye sare uu si fagaare ah uga hadlo baaritaan socda.
Bilayska Soomaalida-Maraykanka ah ee la shaqeeya Noor ayaa mar kale meel ku qortay taas.
"Waxaan aaminsannahay sida kiiskan loo wajahay iyo sida wali ay ay u wajahayaan hoggaanka sare ee Minneapolis iyo xafiiska Freeman inay xaqiiqdii dhalinayso su'aalo ku saabsan in jinsiyad ay kaalin ka qaadatay kiiskan," ayuu yidhi Siraaj. "Waxay bilaabeen inay faallo ka bixiyaan kiiskan muddo dheer ka hor inta aan la bilaabin baadhitaanka, intii lagu jiray baadhitaanka, iyo xitaa baadhitaankii ka dib."
"Sida uu qareenkan degmo-weynta u wajahay kiiskan waa mid gebi ahaanba cusub sababtoo ah colaadda iyo naxariis la'aanta uu ku raad-raacey oo uu u dabagalay askari Noor," ayuu yidhi Siraaj. "Freeman, ka dib markii baadhitaanadii BCA la dhammeeyey oo uusan jeclaysan shaqada ay baadhayaashu qabteen, wuxuu go'aansaday inuu isku keeno xeer-beeg garsoor."
Ururka Bilayska Soomaalida-Maraykanka ayaa sheegay in askarta bilayska ee Soomaalida ah “ay aaminsan yihiin in ugu yaraan ay jirto in si dadka kale ka duwan in loola dhaqmay.” Waxa uu barbar dhigay Kiiska Noor toogashooyin kale oo bilaysku gaystay oo dhawaan ka dhacay Magaalooyinka Mataanaha ah.
Jamar Clark, oo ahaa 24 jir nin madow ah, ayaa waxaa 2015-kii toogasho ku dilay askari caddaan ah oo ka tirsanaa bilayska Minneapolis. Sidoo kale 2016-kii,
Philando Castile, oo ahaa nin madow ah oo jiray 32, ayaa waxaa toogasho ku dilay askari ka tirsan bilayska St. Anthony oo asal ahaan ka soo jeeda Mexico.
"Farqiga kaliya ee u dhexeeya toogashooyinkaas iyo toogashadan ayaa ah in qofka geeriyooday ee kiiskan ay tahay haweenay caddaan ah oo sarkaalka ku lug lahaa kiiskana uu yahay askari madow," ayuu yidhi. "Taa kaliya maahee, sidoo kale waa Muslim, waana Soomaali. Waxaan dareensannahay inay jiraan ujeedooyin kale oo ay lahaan karaan Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Hennepin County."
Afhayeen u hadlay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Hennepin County ayaa sheegay Jimcihii inaysan faallo ka bixinayn maadaama uu kiisku socdo.
Afhayeenka Bilayska Minneapolis John Elder ayaa sheegay in uu ka xun yahay in [ururka] ay rumaysan yihiin in tani ay tahay mid cunsuriyad ku lug leh."
Kroll, oo ah madaxa ururka bilayska, ma uusan ka soo war celin codsi ah in uu faallo ka bixiyo.
Ururka Bilayska Soomaalida-Maraykanka, oo ay aasaaseen 2012-kii shan askari oo reer Minnesota ah, ayaa hadda leh 36 xubnood oo waddanka oo dhan ah. Kuwaas toddoba ka mid ah ayaa hadda ah askar ka tirsan Waaxda Bilayska ee Minneapolis.
Siraaj wuxuu sheegay in uu ka baqayo in sida kiiska uu u socdo ay saameyn ku yeelan karto shaqaaleynta askarta mustaqbalka ee Soomalida ah ee waaxaha bilayska.
"Waxaa durbadiiba isoo waca rag iyo haween dhallinyaro ah ee aan ogahay in ay ku jiraan jaamacad, oo barta sharci ilaalinta oo aad uga walaacsan waxa ku dhacaya Sarkaal Noor," ayuu yidhi. "Qaar ka mid ah xitaa waxay sheegeen in aanay hubin inay doonayaan inay sii wadaan inay waddadan ku socdaa iyo in kale."