MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live
BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)
3rd & 7 37yd
3rd & 7 37yd
B
S
O
close
close

-





-
Amiir William-ka Britain oo la kulmaya dadkii 2 masaajid lagu weeraray
Amiirka labaad ee leh dhaxalka boqortooyada Britain William Arthur Philip oo lagu naanayso Duke of Cambridge ayaa ka dagay dalka New Zealand, halkaas oo uu kula kulmi doono dadkii ka badbaaday weerarradii argagixisada ee lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla Christchurch iyo qoysaska dadkaas. -
Gabadh walaalkeed dartiis loo iibiyey
Nazanin waxaa lasoo doonay markii ay shan jirka ahayd, markii ay toban sano gaartayna waxayba ahayd marwo reer leh. Qoyskeeda ayaa ninkeeda oo 12 jir ah ka siistay lacag gaaraysa $3,500 lix sano kahor. -
Sri Lanka: Nin naftiisa u biimeeyey badbaadinta dadka
Qoyska mid ka mid ah dadkii ku dhintay qaraxyadii Axaddii ka dhacay Sri Lanka ayaa sheegay in tallaabadii uu qaaday ay badbaadisay dad badan. Ramish Raju ayaa nin boorso dhabarka ku sitay ka horjoogsaday inuu galo kaniisadda Zion oo dad cibaadaysanayey ka buuxeen. Hadii ay u suurto geli lahayd in ninkii weerarka ahaa galo, khasaaruhu wuu ka badan lahaa inta uu haatan yahay. -
Muxuu yahay khilaafka hortaagan doorashada Somaliland?
Xisbiyada siyaasadda iyo beelaha ayaa ku kala aragti duwan arrintan, walina xal lama helin -
Maxaa kala heysta Labada kooxood ee Manchester oo ciyaartooda la sugi la’yahay?
Labadan kooxood ayaa caawa isaga hor imaanaya kulankoodii 160-aad -
Wareysigii dhex-maray jilaaga caanka ah ee Akshay Kumar iyo Ra'iisul wasaaraha Hindiya
Akshay Kumar ayaa ka mid ah jileyaasha ugu caansan dalka Hindiya -
Maxay tahay sababta jilaaga caanka ah ee Sunny Deol uu ugu biiray siyaasadda?
Sunny Doel ayaa jilay filimo xasuus ku yeeshay dad ay ka mid yihiin Soomaalida -
Ma khilaaf aya ka dhex aloosan xisbiga talada haya ee Kenya?
Madaxweyne Kenyatta iyo William Ruto ayaa u muuqda kuwa uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeyn marka loo eego waagi hore. -
Suldaan ku tallaabsaday arrin aan looga baranin hoggaamiye dhaqameedyada
Xulashada salaadiinta Soomaalida ayaa lagu saleeyaa arrimo kala duwan -
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo lacag badan ka sameeyay qorshe aadan filayn
Dhallinyaro Soomaali ah oo maskaxda tuujisay ayaa ku dhaqaaqay talaabo ay dhaqaale ku helaan, dad kale shaqo ugu abuureen, isla markaasna ay wax uga badalayaan nolosha dad badan oo dan yar ah. -
Madaxweyne Trump oo la kulmay maareeyaha guud ee Twitter
Madaxaweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad kula kulmay Jack Dorsey oo wax ka aasaasay barta ay bulshadu ku xiriirto ee Twitter, si ay uga wada hadlaan baraha bulshada. -
Boqortooyada Sacuudiga oo silac dishay maxbuus
Maxbuus Sacuudiga ku xirnaaa ayaa la silac dilay, sida ay ku warrantay warbaahinta qaranka ee Sacuudiga. -
Maleeshiyo Maraykanka gudihiisa ugu “tababaranaya khaarajinta Obama”
Nin la tuhunsan yahy inuu hogaamiyo koox maleeshiyo ah oo saldhigeedu yahay gobolka Nex Mexico ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inuu ku faanay qorshe lagu khaarajinayo madaxweynihii hore, Barack Obama, sida ay shaacisay FBI-da. -
Google 'oo ka aargoosanaya shaqaale ka cabanayay takoor loo geysto haweenka'
Qabanqaabiyeyaashii shaqo-joojinno taxane ahaa oo looga cabanayay sida ay shirkadda Google ula dhaqanto haweenka ayaa sheegay inay shirkaddu siyaabo kala duwan uga aargoosanayso. -
Haweeney 27 sano koomo ku jirtay oo si mucjiso ah u soo kacday
Muniira waxay Koomo gashay sannadkii 1991-kii -
Madaxweyne Maduro oo qoranaya 1 malyan oo ciidamo waayeel ah
Dadka la ciidameynayo intooda badan waxay da'dooda ka sarreysaa 50 sano -
Ilhaan Cumar oo loo heysto hadal ay Soomaalida ku taageertay
Gabadhan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka -
Macallinka aragga la' ee Soomaalida Maraykanka mucjisada la noqday
Magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka waxaa xisaab ka dhiga macallin Soomaaliyeed oo dhaayihiisu aysan waxba arkin. -
"Soomaalinimo ayaan shaqo ku waayay, haddana 120 qof ayaa ii shaqeyso"
Zakaria Hirsi, oo muddo shaqooyin ka raadinayay Sweden, ayaa fursado waaweyn ka helay Afrika -
"Agoomaha siyaasadda" Soomaaliya ma saldhig ayay Kenya ka sameysteen?
Shirweyne qaran ayay siyaasiyiintu shegeen inay qabanayaan bisha Juun, haddii dowladda ay maqli weydo baaqyada ay soo jeediyeen -
Kim-Jong-un iyo Putin oo markii u horraysay kulmaya
Warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay in Kim-Jong-un uu mar dhaw u socdaalayo dalka Ruushka si uu kulankiisii ugu horreeyay ula yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. -
Wiil iyo aabihii oo dhintay iyaga oo samato bixin ku jira
Wiil iyo aabihii oo si mutadawacnimo ah dadka u badbaadiya ayaa badda ku qarqamay iyaga oo isku dayaya in ay caawiyaan qof dalxiise ah oo ku dhacay badda gobolka Victoria ee dalka Australia. -
Siyaasiyiinta Soomaalida ee Nairobi ku shiray ma xil doon baa mise waa xal raadis?
Waxaa maanta magaalada Nairobi shir ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda axsaabta siyaasadeed, xildhibaanno mucaarad ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, kaas oo ay ku dalbanayeen in xukuumadda haatan la kala diro. -
Bilyaneer saddex canug ku waayay weerarradii Sri Lanka
Saddex kamid ah afarta canug ee uu dhalay maalqabeenka u dhashay Denmark ee Anders Holch Povlsen ayaa ku dhintay qaraxyadii Axadii lala beegsaday dalka Sri Lanka, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay bilyaneerkaasi. -
Muxuu noqon karaa dagaalka xiga ee Mareykanka iyo Shiinaha?
Hardanka u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa soo socday muddo dheer -
Gabadh maqalka naafo ka ahayd oo codkeeda heshay, maqalkana rajeyneysa
Dad badan oo Soomaali ah oo maqalka naafo ka ah ayaan wax xiriir ah la sameeynin dhakhaatiirta, iyadoo maqal la'aanta baryahan dambe xal loo helay -
Siddee ayuu ninkan 24 jeer doorasho ugu guul daraystay?
Musharraxiinta madaxa bannaan ayaa inta badan caqabado la kulma -
Daraasad lagu muujiyey dadka xogtooda la xadi karo iyo lambarrada ay adeegsadaan
Daraasad ay sameysay xarruunta badbaadada caalamiga ah ee UK ayaa sheegtay malaayiin qof oo dunida ku nool ayaa furaha u gaarka (paasword) u istcicmaala 123456. -
Soomaaliya: In Maamul goboleedyada ay la macaamilaan beesha caalamka ma dan baa mise dib u noqosho?
Waxaa maalmahan ba magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sugan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo kulammo la yeeshay Beesha Caalamka. -
Maxay tahay sababta uu u guursan la'yahay jilaaga caanka ah ee Salman Khan?
Jilaagan ayaa kasoo muuqday inkabadan boqol Filim oo uu dhaqaale badan ka sameeyay -
Dad loo xirxiray Faras awgii
Faraska oo la ildarnaa tabardarro iyo kuleyl saa'id ah waxaa lagu daryeelayaa xaruun lagu xannaaneeyo xayawaanaadka. -
Ciyaartoy Soomaaliyeed oo caan ah oo cunta kariye isu beddelay
Ciyaartooy horay uga tirsanaa xulka qaranka Soomaaliya ayaa iisu beddelay cuntakariye looga yeerto xafladaha iyo aroosyada. -
Xaggay ka shidaal qaadanaysaa kooxda Liverpool?
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in shidaalka ay kooxdiisu ku shaqayso aysan ahayn hiigsashada koob la qaado balse taas baddalkeeda ay tahay dhiirigalinta ay ka helaan taageerayaasha. -
Colombia: Dhul go'ay oo galaaftay nolosha dad badan
Ugu ayaraan 17 ruux ayaa ku dhimatay dhul ku go'ay koonfurta-galbeed ee Colombia Axaddii, sida ay masuuliyiintu sheegeen. -
Hogaamiyaha mucaaradka Turkiga oo la weeraray
Hogaamiyaha xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee CHP, Kemal Kılıçdaroğlu, ayaa waxaa weeraray dad caraysan xilli uu ku sugnaa aas caasimada Ankara loogu sameynayay askari laga dilay milateriga dalkaasi. -
Dibadbaxayaasha Suudaan oo xiriirka u jaray guddiga milatariga
Hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada Suudaan ayaa sheegay inay xiriirka u jareen guddiga milatariga ee beddelay hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee Cumar al-Bashir. -
Majaajileyste ku guuleystay xil madaxweynanimo
Natiijada kama dambeysta ee ka soo baxday doorashada dalka Ukraine ayaa sheegeysa inuu doorashada madaxweynanimada dalkaasi uu ku guuleystay Majaajileyste Volodymyr Zelensky. -
Farmaajo: Soomaaliya waxay ka dagi la'dahay mucaarad wax dumiya iyo faragelin shisheeye
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa sheegay inuu dalka Soomaaliya ka dagi la'yahay faragelin shisheeye. -
Itoobiya: Ciidamada badda aan sameeysanayo waxay ka howl galayan badda Hindiya iyo badda cas
Itoobiya ayaa sheegtay iney ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay dib u soo celineyso dhawaanna ay shaqadooda billaabayaan. -
Bangiga dhexe ee Somaliland oo sheegay inuu sare u qaaday sarrifka shilinka Somaliland
Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo sheegtay inuu sarrifka doolarka 25% hoos u dhac uu ku yimid kaddib marki uu bangiga dhexe uu tallaabbooyin qaaday. -
Haweeney: Dawadii waxtarkeeda la igu tijaabiyay ayaa "la ii diiday" markaan u baahday
Sababo la xiriira xanuun dhif ka ah caalamka ayaa Louise Moorhouse oo ah haweeney 35 jir ah waxa ay cunno ahaan u qaadataa kaniinno ama waxyaabo cabitaan ah oo la isku qasay. -
Milatariga iyo kooxaha rayidka ee dalka Suudaan oo "heshiiyay"
Hoggaamiyeyaasha kooxaha u ololaynaya dimuqraadiyadda dalka Suudaan ayaa waxa ay wahadallo fool ka fool ah la yeesheen maamulka milateriga ee ay doonayaan in ay xilka kala wareegaan. -
Qaraxyo lagu weeraray kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka
Ilaa lix qarax ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee Easter. -
Dagaallo xooggan oo wali ka socda koonfurta magaalada Tripoli ee dalka Liibiya
Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli. -
Xaakimka ugu sarreeya Hindiya oo lagu eedeeyay faro-xumeyn
Xaakimka ugu sarreeya Hindiya, Ranjan Gogoi, ayaa lagu eedeeyay inuu faro-xumeyn kula kacay haweeney ka shaqeyn jirtay maxkamada gudoomiyaha ka yahay.