MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live
BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)
3rd & 7 37yd
3rd & 7 37yd
B
S
O
close
close

-





-
Maraykanka oo Bariga Dhexe u diraya Habka difaaca gantaalaha ee Patriot
Maraykanka ayaa Bariga Dhexe u diraya gantaalaha difaaca ee Patriot loo yaqaan ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran. -
Xusuustii Xaaji Cabdi-Waraabe ee caleemasaarka boqoradda Ingiriiska
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa "Cabdi-Waraabe" oo ugu da' waynaa golaha guurtida Somaaliland, da'diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta maanta lagu aasay magaalada Hargeysa. -
Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso
Al-Shabaab iyo kooxda la baxday dawladda Islaamiga oo iyaga qudhooda ay xurguf ka dhaxayso ayaa labaduba dilal ka fuliya gudaha magaalada Boosaaso. -
Shirkii Garoowe oo fashil qarka u saaran
Madaxda maamul goboleedyada qaar ayaa ka dhoofaya Garoowe iyada oo uusan jirin heshiis u dahxeeya madaxdii halkaasi ku shiraya muddada ku dhow toddobada beri. -
Diyaarado dadka suxuurta u kiciya
Ciddamadda cirka ee Indoneesiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qayb qaadan doonaan dhaqanka soo jireenka ahaa ee dalkaasi ee dadka suxuurta loo kicinayao bisha barakeysan ee Ramadan. -
Macalimiin yaraan ka jirta Minnesota
Gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka ee ay deggan yihiin inta badan Soomaalida dalkaasi u haajirtay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto baahi baahsan oo dhanka macallimiinta ah. -
Damalkii Nabadda: mid ka mid ah ficillada dhifta ah ee Cabdi Waraabe falay.
"Iyadoo saddex habeen, afartan bixii iiga hadhsan yahay, ayaa hooyaday igu tidhi aabbahaa ayaa la diley" ayuu yidhi Cabdi Waraabe -
Barayaasha Jaamacaddaha Sudan oo dalbaday dibadbaxyo dheeraad ah oo ka dhan ah dowladda
Barayaasha Jaamacadaha dalka Sudan ayaa ku baaqay in la qabto dibadbaxyo dheeraad ah oo looga soo horjeedo xukuumadda. -
Soomaalida bisha Ramadaan ma waxay u baddelaan bil dharag?
Dad badan ayaa caafimaad ahaan uga faa'iideysta bisha Ramadaan iyagoo iska yareeya raashinka isla markaana sameeya cibaado iyo jimicsi faro badan. -
Dhallinta hanaqaaday oo "hammadooda ay hoos u dhacday"
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhalinyarada aysan daneynin xiriirka gogosha -
Dowladda oo la daalaa dhaceysa ammaanka Muqdisho haddana amniga uu weli fari ka qodneen
Dowladda Soomaaliya oo la daalaa dhaceysa ammaanka magaalada Muqdisho iyada oo qaraxyaduna ay tira lahayn. -
Waalidiin war khaldan loo sheegay oo si arxan darro ah u dilay labo nin
War been abuur ah ayaa horseeday in waalidiinta oo careysan ay dugsiga weeraraan -
Qabow aad u darran oo saameeyay nolosha Soomaalida ku nool Mareykanka
Maraykanka gobolladda qaar waxaa ka dhacaya qaboow aad u darran iyo dabaylo dufaano baraf ah wata. -
Haweenay markii ugu horreysay la kulantay hooyadeed oo 103 sano jira ah
Eileen Macken ayaa hooyadeed raadinaysay muddo 60 sano ah. -
Doorashada Jubbaland 2019 : Isfaham waaga oo sii xoogaysanaya
Soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland waxa ay ahayd in ay qabsoonto bishii lasoo dhaafay ee April, illaa haddana ma cadda xilliga kama dambeysta ah ee xulista lasoo afjarayo. -
Siyaasi reer Kenya ah oo Facebook soo fariistay isagoo qayilaya
Horay waxa uu siyaasigan marar badan usoo jiitay indhaha warbaahinta -
Taariikh nololeedka Xaaji Cabdi-Waraabe
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ku magac dheeraa "Cabdi-Waraabe" oo ugu da'waynaa golaha guurtida Somaaliland, da'diisana lagu sheegay in ay ahayd 121 sano ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa. -
Kenya miyay ka baxday heshiisyadii uu Farmaajo ku faanay?
Duullimaadyada tooska ah ayaa bilawday kadib heshiis dhex maray labada dal -
Ra'iisal Wasaare maalmo dalka maamula marna dadka daaweeya
Ra'iisal wasaareyaasha caalamku intoo badan kama badiyaan xilka ay hayaan shaqooyin kalena kuma daraan. -
Nayjeeriya: xirfado aad kaga baadbaadi karto booliiska dalkaasi
'Qosol, oo edaab muuji iskana ilaali inaad la dagaallanto askarina'. Kuwani waa qaar ka mid xirfadaha horumarinaya darawalnimadaada inta aad ku guda jirto waddooyinka Nayjeeriya, sida laga soo xigtay farriin ay ciidamadu tweeter-ka soo dhigeen. -
Maraykanka oo qabtay Markab ay leedahay Kuuriyada Waqooyi
Maraykanka ayaa sheegay in uu qabtay markab xamuul ah oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi, iyada oo ku eedaysay in uu meel uga dhacay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaraan. -
Sidee Sonkortu u saameysaa doorashada ugu weyn dunida?
Ra'isal wasaaraha hindiiya ayaa mar dhaw waxaa uu kulan olole doorasho ah ku qabtay qobolka waqooyiga dalkaasi ku yaala ee Uttar Pradesh, hase ahaate waxaa lagu qasabay in uu galo balan ku saabsan sonkorta taas oo ah kamid wax soo saarka ugu muhiimsan dalkaasi. -
Malaga yaabaa inuu caalamka ugu qanisanaado waddankan horay uga mid ahaa dalalka ugu saboolsan?
Hdda waxaa waddankan ka jira faqri saameeyay qeybaha kala duwan ee bulshada -
Abwaan da'yar oo gabayadiisa diirrada ku saara dhaqanka bulshada Soomaalida
Abwaan Cabdlaahi Xasan Ganey waa gabyaa xaga suugaanta ah oo kaalin firfircoon uga jiray waxuuna dhawaantan tiriyey gabay uu ugu magac daray digniin -
Trump: Mareykanka soo galootiga wuu ka buuxsamay, balse ma run baa?
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu buuxsamay, sidaa darteedna uusan qaadi karin soo galooti cusub -
Duqeyn lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Daacish oo maanta ka dhacday Puntland
Duqeyn lagu beegsaday saraaakiil sare oo ka tirsan ururka Daacish oo maanta ka dhacay Puntland ayaa la sheegay in laba xubnood lagu dilay. -
Maxaad ka taqaan 'halyeyga sida Mucjisada ah' Tottenham ugu gudbiyay Fiinaalka Champions League-ga?
Tottenham ayaa ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka la dheeli doonta kooxda ay isku waddanka yihiin ee Liverpool -
Kuuriyada Woqooyi oo tijaabisay hub cusub oo "aan la aqoon"
Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabisay laba gantaal oo ah kuwa riddada gaaban, sida uu sheegay milatariga dalka Kuuriyada Koonfureed. -
Siyaasiyiinta saluugsan siyaasadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo dalbaday inuu Madaxweyne Mustafe iscasilo
Siyaasiyiinta saluugsan siyaasadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya oo dalbaday inuu Madaxweyne Mustafe iscasilo -
Wariye BBC-da ka tirsan oo shaqada looga eryay hadal uu ka qoray wiilka cusub ee reer boqor
Suxufigan ayaa ka mid ahaa kuwa ugu caansan BBC-da -
''Aabahay wuxuu moodi jiray in ragga oo kaliya aan ka qososhiiyo, balse sidaasi ma ahayn''
Nasro Yussuf Axmed oo ah gabar majaajileyste ah oo ku dhalatay dalka Kenya ayaa BBC-da u sheegtay in howlaha majaajilada ay ku biirtay sannadkii 2018-kii. -
Cabsi ka dhalatay nin cunsuri caddaan ah oo u sahan tagay masaajid Soomaali leedahay
Ninkan intii uu ku jiray sahanka gudaha masaajidka wuxuu ku dhaliyay dadkii ku jiray Masaajidka dareen xooggan oo cabsi ah. -
Messi ma gaari doonaa heerka uu gaaray Ronaldo?
Kooxda Juventus aad ugama aysan dhex muuqan tartanka naadiyada Yurub ee Champions League-gga, hase ahaatee waxay ku badbaadday Cristiano Ronaldo. -
Wax ka ogow sida loo sameynayo isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 2019
Isku aadka Koobka Qaramada Afrika waxa la sameynayaa habeenka Jimcaha. -
Messi diyaar ma u yahay inuu qaato taajkii Cristiano Ronaldo ee Champions League-ga?
Dadka falanqeeya arrimaha ciyaaraha kubadda cagta ayaa la kala safan Ronaldo iyo Messi -
Culimada Kenya oo ka hadashay weerarkii Nairobi
Dadka Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerrarkii dhawaan ay ururka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka DusitD2. -
Cudurka Autisim-ka oo dhibaato ku haya soomaalida ku nool Minnesota
Xanuunka Autisim-ka ayaa ah mid waxyeello u geysta koritaanka Maskaxda Carruurta. -
Wadada isku xirta deegaanada Soomaalida iyo Adisababa ayaa xiran maalintii saddexaad
Wadada isku xidha Adisababa iyo Jigjiga ayaa Sadex maalmod ka xiran magaalada Baabili oo 70 kiilo mitir u jirta Jigjiga. -
Abwaan ammaanta gabdhaha u adeegsada waxyaabo ay ka mid yihiin magacyada gawaarida
Ashyaadaasi ayaana badankoodu waxay qiimo wayn u lahaayeen sidoo kalena laf-dhabar ay u ahaayeen nolosha dadkeena gaar ahaan xiliyadii hore. -
Colaadda u dhaxeysay Soomaalida iyo Oromada oo Diridhaba markale ka soo cusboonaatay
Colaadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada ayaa xalay markale ka soo cusboonaatay magaalada Diridhaba. -
Hay'adda ICG oo sheegtay in dhaqdhaqaaqa Al Shabaab ee Kenya iyo Uganda uu soo yaraaday
Shan sano ka hor, Siteembar 2013, afar ka mid ah mintidiinta Al Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta Westgate ee magaalada Nairobi, ayagoo halkaa ku dilay 67 qof, waxayna xarunta haysteen muddo afar maalmood ah, ayagoo muujinayey in xarakadu ay gaari karto meel ka baxsan Soomaaliya. -
Ma waxqabadka Faysal baa Dhagax Buur ka saaray xayndaabkii qabyaalad xil ku qaybsiga?
Waxaa aad loo hadal hayaa magalada Dhagax Buur oo shaqo siisay wiil aan magaalada u dhalan, iyadoo magaalooyinkii kale ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ay ka cabanayaan kuwo ku dhashay oo aysan isku jilib ahayn. -
Maxaa hor taagan dhismaha ciidan Soomaaliyeed?
Baraha bulshada iyo doodaha ugu weyn ee hadal haynta dadku u badnayd ayaa ah hadal uu kornayl ka tirsan askarta Uganda ee qaybta ka ah AMISOM u sheegay wargayska Foreign Policy, isagoo yiri "Soomaaliya waa sidii doofaar la dhaqayo oo kale, waad dhaqaysaa misna wuu wasakhoobayaa". -
ONLF iyo Liyu Boolis: Shalay cadaw ayey isu ahaayeen. Sidee maanta u wada joogaan ayagoo hub haysta?
Gobollada iyo tuulooyinka Dawlad Deegaanka Soomaalida waxaa ku wada sugan ciidammada Liyuu booliiska iyo askar ka tirsan Jabhadda ONLF oo xabbad joojin iskeed ah ku dhawaaqday. -
Gabar iyo hooyadeed 16 sano kala maqnaa oo dib isu helay markii BBC ay baafisay
Labo qoys oo kala maqnaa 16 sano iyo 11 sano ayaa is helay ka dib markii ay iska dhageysteen barnaamijka Baafinta ee raadiyaha BBC Somali, balse waxaa cajiib ah dareenka ay muujiyeen iyo sida ay isku garteen.