BBC News, Somali - War
BBC News Somali Top Stories
Maxaa dhex maray saaxiibadan siyaasaddu kala gaysay
Labada nin ee saaxiibada ku ahaa siyaasadda ayey hadda u muuqataa inay ku kala boodeen qaddiiyad caam ah oo mid kasta uu u arko inuu isagu ku saxsan yahay, Laakinse ismaandhaafkaas ma noqon doonaa mid xaaladda taagan ku ekaada?
Beeraleyda qaadka Kenya oo shirka maalgashiga Soomaaliya ka sheegay inay rabaan kalluunka dalka
Kimathi Munchuri Guddoomiyaha daladda Qaadka ee Nyamita ee Kenya oo ka qayb galay toddobaadkan Shirka Maalgashiga Soomaaliya ee sanadkaan ayaa sheegay in ay yihiin dunta isku xidha ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya.
Maxkamad go’aamisay in aan la is qabi karin jacayl la’aan, lamaanena kala furtay
Maxkamad ku taalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya ayaa sheegtay in jacaylka iyo rabitaanka niyadeed ee ku xiriira marka laga hadlayo dhanka guurka ay noqonayso sabab ku filnaan karta in uu furriin dhaco.
Xog dheeraad ah oo ku saabsan raashinka la musuq maasuqay ee Ciidanka Danab iyo sida uu u saameyn karo dagaalka al-Shabaab
Sarkaal Maraykan ah oo ay soo xigatay wakaaladda warrarka ee Reuters ayaa sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaadanayo dhammaan eedeymaha musuqmaasuq ee la sheegay.
TOOS, Dawladda Soomaaliya oo ka doonaysa Tansaaniya in ay soo soo wareejiso maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran dalkeeda
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah
Maxay muhiim u yihiin murqahan loo yaqaanno 'wadnaha labaad'?
Ragga taga goobaha jirdhiska ayaa iyana waxaa lagu dhaliilaa in aysan diiradda saarin dhismaha murqahan sida ay u dhisaan kuwa xabadka ama gacmaha.
Xuutiyiinta Yemen oo markab kale ku weeraray xeebaha u dhow Soomaaliya iyo falcelin adag oo ay la kulmeen
Xuutiyiinta oo gacanta ku haya dhul badan oo Yemen ah, oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa bartilmaameedsanaya maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa'iil iyo Reer-galbeedka si ay uga jawaabaan dagaalka Israa'iil ee ka socda Qasa.
Sharciga uu Ingiriisku qaxootiga ugu dirayo Rwanda oo la ansixiyey, maxaadan ogayn, maxaadse ka ogtahay
Xeerkan oo la ansixiyay Talaadadii, ayaa qeexaya in waddanka Rwanda nabad yahay, taas oo adkeynaysa muhaajiriinta inay ka hortagaan masaafurinta waxayna u ogolaanaysaa dawladda Ingiriiska inay iska dhega tirto amarada ka soo baxaya Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ee hor istaagaya in muhaajiriinta loo qaado Rwanda.
Shiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah
Tani waxay fursad weyn u tahay xoolo dhaqatada Waqooyi bari ee Kenya, waxayna sanadkiiba ka faa'iidi karaan lacag u dhiganta 5.2 Bilyan oo shilinka Kenya ah una dhiganta lacag ku dhow 40 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah
Faahfaahinta baaritaanka dilka wiil Soomaaliyeed oo ku dhintay Cardiff ka dib markii ay boolisku sii daayeen
Baaritaanka ayaa sheegaya in Maxamuud "la jirdilay intii uu ku jiray gacanta booliska" saraakiisha qaarkoodna waxay sheegeen in ficilladooda ay ahaayeen "kuwo isku dheelli tiran oo sababaysan".
Maalinta Duumada Adduunka: Maxaa ka dhaxeeya isbeddelka cimilada iyo koror ku yimaada cudurka duumada ee Soomaaliya?
Khubarrada ayaa sidoo kale ka digay in isbeddelka cimilada uu kordhin doono cudurka duumada ee waddamada aanu horey u soo marin.
Waddooyinka Nairobi oo webiyo isku beddelay iyo dhimasho ka dhalatay
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 qof ay naftooda ku waayeen in ka badan 40,000 oo qofna lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan roobabka iyo daadadka.
Maqal iyo Muuqaal
Xul
Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baladweyne, maxayse yihiin ragga ku dagaalamaya?
Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan koox la magac baxday Hiiraan State oo ku sugan gudaha Baladweyne.
Dal ay Soomaali badan iska dhiibto oo qaadashada baasaboorkisa ku xiray aqoonsiga Israa'iil
Waayadan dambe, dagaalka Qasa waxa uu caqabado aan hore loo arag ku noqday qaar ka mid ah Muslimiinta kunool dalalka Yurub
Muuqaal, Sida wiilkan Soomaaliyeed u hirgeliyay adeeg mobile oo Af Soomaali iyo afaf kale lagu barto
Cabdinur Cali Mahdi, oo bartay cilmiga tiknolojiyadda ayaa hindisay application, barnaamij ku shaqeeya mobileka oo ardayda ka caawinaya inay afkooda hooyo ku bartaan manhajyada iskuulada lagu barto.
Xanuunnada halista ah ee laga yaabo inuu wax ka taro subagga ay Soomaalidu isticmaasho
Subagga loogu isticmaalka badan yahay dhulka Soomaalida waxaa laga soo saaraa caanaha ariga iyo lo’da inkastoo abaaraha saameeyey deegaannada uu yaraaday helitaankiisa.
Waa qoloma Naadiya, Su’aasha ugu badan ee ay Soomaalida maanta isweydinayaan?
Kadib guushii shalay ee Naadiya Maxamed, oo loo doortay duqa magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa arrintaasi mar kale soo shaac baxday.
Ayaan Kaaba iyo jaceylkii ay u tahriibtay: ‘Sababta aan ninkeyga ugu tilmaamay Walaal, Soomaaliduna waa wada sirdoon’
Markii uu soo baxay warka la xidhiidha xaflada arooska Ayaan Kaaba iyo seygeeda Cabdi Daysane toddobaadkii hore ayay dadka internetku adeegsida bilaabeen inay dib u baadhaan xidhiidhka horey uga dhexeeyay lamaanahan cusub.
‘Sida aan kusoo noolaaday ayay i weydiiyaan’: Fanaanadii Waayaha Cusub ee geerideeda la faafiyay oo BBC la hadashay
Muddo ka badan shan iyo toban sano ayaa lagu tirinayay inay geeriyootay Mulki Buraale, oo ah gabadh heesaa ah, oo ka tirsanyd kooxdii Waayaha Cusub ee hormuudka mar u ahayd fanka casriga ah ee Soomaalida
"Faa'iidada" laga helo in lammaanaha ay kala seexdaan labo sariirood
Dhab ahaantii, hurdo la'aantu waxay kordhisaa khatarta ah inaad ku dhacdo xaalado caafimaad oo halis ah, oo ay ku jiraan cayilka, sonkorowga iyo cudurada wadnaha, sida uu qabo Harvard Medical School.
Sida ninkii kalaabyada ka niikin jiray u noqday Sheekh caan ka ah Soomaalida dhexdeeda
Waa mid ka mid ah Culimada Diinta Soomaalida ee doorka weyna ku leh dacwada diinta ee Bariga Afrika,wuxuu lahaa aasaaska mid ka mida Iskuulada Islaamiga ee ugu weyn Kenya gaar ahaan Nairobi.
Israa'iiliyiin ka sheekeeyay yaabkii ay la kulmeen markii ay falastiiniyiintu albaabada ku soo garaaceen
Qaar badan ayaa dhuumanaya, iyagoo sheegaya inay maqlayaan rasaas, halka qaar kalena aysan heli karin dadka maqan.
Fan iyo Dhaqan
Seynis iyo Caafimaad
Diin iyo Taariikh
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
Ciyaaraha
Ganacsiga iyo Tiknoolijiyadda
Sawirro
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 29 Abriil 2024, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 26 Abriil 2024, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 26 Abriil 2024, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 25 Abriil 2024, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.