MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live
BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)






-
Madxafka Soomaalida ayaa qabanaaya bandhig safar lagu tagaayo bartamaha Minnesota
By Kirsti Marohn | MPR News [Read in English here]Dadka dagan Bartamaha Minnesota waxay fursad uhelayaan inay arkaan farshaxanka Soomaalida, taariikhdooda iyo dhaqankooda kuwaasoo lagusoo bandhigi doono bandhigyo isdaba joog ah laga bilaabo asbuucaan.Madxafka Soomaalida ee kuyaala magaalada Minneapolis-ee gobalka Minnesota wuxuu iskaashi lasamaynayaa bulshooyinka taariikhda ee afar degmo si lookeeno barnaamijka “Barashada Taariikhda iyo Dhaqamada Bartamaha Minnesota” looguna qabto wadada. Hadafka madxafku waa inuu lawadaago hido dhaqameedka qirada wayn ee jaaliyada Soomaalida ah dadka kunool bartamaha Minnesota, oo hooy u ah bulshada sii badaneysa ee Soomaali Ameerikaanka ah.Munaasabadaha waxaa laqorsheeyay in maalmaha Sabtida laqabto bisha Feebaraayo waxaana lagu qaban doonaa degmooyinka Morrison, Benton, Stearns iyo Sherburne.Bandhiga koowaad wuxuu bilaabanayaa 2 p.m. ilaa laga gaaro 4 p.m. maalinta Sabtida, Feebaraayo. 2 waxaana lagu qabanayaa Morrison County Historical Society (Ururka Taariikhda ee Degmada Morrison) Charles A. Weyerhaeuser Memorial Museum oo kuyaala Little Falls.Barnaamijka ayaa soo bandhigi doona tolniinka kabdadaha, oo ah farshaxan ay dadka reer baadiyaha ah ee Soomaaliya kunool ay adeegsadaan ayagoon saysan harqaan ama naqshado si ay sameeyaan kabdadaha ay kugogladaan guryahooda. Kasoo qaybgalayaasha ayaa baran doona qaababka toliinka oo ay sitoosa ubarayaan tolayaal Soomaali ah.Markaan maaha markii koowaad ee Morrison County Historical Society (Ururka Taariikhda ee Degmada Morrison) oo ay diirada saaraan farshaxanka iyo dhaqanka qaybo gaar ah oo kamid ah bulshada, ayay tiri Mary Warner, oo ah agaasimaha fulinta.“Waagii hore, waxaan soo bandhignay kooxda dheesha Iswiidhiska, ama waxaan soo bandhignay noocyo kaladuwan oo dhaqan ah,” ayay tiri Warner. “Bartamaha Minnesota waxay leedahay mujtamac aad ukaladuwan, kuwaasoo kakooban dadka soogalootiga ah iyo bulshada Native American-ka ah.”Warner waxay sheegtay inay rajaynayso in bandhigyadu ay gacan kagaysan doonaan abuurista fahan wayn iyo isku riyaaqid kadhex dhalata kooxaha kaladuwan.“Dadka aad bay usoo baranayaan bulshada Soomaalida ee kudhaqan Bartamaha Minnesota,” ayay tiri. “Maxaa kafiican in dadka loosoo bandhigo dhaqamada kaladuwan in bulshada Soomaalida lasiiyo fursad ay kusoo bandhigaan dhaqanka meeshay kayimaadeen?”Bandhiga guurguuraaya wuxuu soobandhi doonaa barnaamijyo kaladuwan bisha Feebaraayo oo dhan. -
Yuu ahaa Paul Farmosa, ninkii Al Shabaab ay ku dishay magaalada Bosaaso?
Wuxuu kasoo shaqeeyay dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Sudan iyo Imaraadka -
Gob Maxbuus ah: Abwaan la kulmay xayawaan ay Soomaalida caan ku tahay oo sii dabar go’aya
Xayawaanka Gumburigu wuxuu dabeecad ahaan la mid yahay dameer farowga, oo isagana ka mid ah duur joogta -
Dareen ka dhashay labo nin oo u eg labo madaxweyne oo caan ah
Waxaa si weyn loo hadal hayaa labada nin ee iska dhigayay labada madaxweyne, waxaana la arkay iyagoo wada fadhiya maqaaxi oo cunaya hilib digaag. -
Dumar badan oo la guursado ma barwaaqo ayaa ku jirto?
Daraasadan ayaa laga yabaa in ayan jecleysan dumar badan oo Soomaaliyeed -
Caro ka dhalatay Kufsigii gabadh 14 jir ah loog u geystay Guriceel, muuqaalkana laga duubay
Xubnaha qoyska ay gabdha dhibanaha ah ka soo jeeddo oo ay BBC-da la xiriirtay ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaas -
Ganacsatada caanaha oo ka cabanaya xatooyo cajiib ah oo caanihii looga xaalufiyay
Ganacsatada Caanaha ayaa dhankooda sheegaya iney arrintan la yaabka leh u horseedday khasaare baaxad leh -
Wuxuu noqonayaa sannad siyaasadeed oo xasuus ku leh Minnesota.Jaheyntaada ee raacitaanka kulanka sharciga 2019
-
Dulmi-diid muxuu kusoo kordhin karaa siyaasadda deegaanka Soomaalida?
Waxaa gobolka Soomaalida dib ugu laabtay ururo qaarkood ay hubaysnaayeen, muddo dheerna dagaal kula jireen maamulka Itoobiya -
Umulisada buuraleyda ee loo riyaaqay
Tiro kala bar ka sii yar oo ka mid ah haweenka dalka Baakistaan umuliso ma helaan xilliga ay dhalayaan -
Kaniisaddii ugu waynayd bariga dhexe oo laga furay mid ka mid ah dalalka Islamka
Waxaa la adkeeyay ammaanka xafladda lagu furiyay Kaniisadan cusub -
Askari Mobile ka daawanayay xaaskiisa oo foolanaysa
Xilliga uu qofka canug u dhalanayo waa mid ka mid ah waqtiyada ugu qiimaha badan noloshiisa, hasayeeshee aabayaasha oo dhan uma ay suuragasho inay indha saaraan marka ilmihiisu uu dunida usoo baxayo. -
Rag lacag badan ka sameeya qashinka aad tuurto
"Maalmaha nasashada waa maalmaha ugu mashquul badan," ayuu Govind, oo dhex taagan goob uu ku soo uruuriyan qashin badan. -
Waayihii ay soo mareen wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay waxaa Soomaaliya si gaar ah ugu matalayay ergay khaas u ah xoghayaha guud ee mar walba xilka haya. -
Maxay tahay sababta Itoobiya oo xeeb la’aan ah u sameysanayso ciidamo badeed?
Markii ay Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxa ay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday talaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda. -
Shakhsiga sannadka 2018 oo lagu dhawaaqay
Wariyeyaal qaarkood la dilay, qaarkoodna la xiray - ayaa magacyadooda lagu soo bandhigay xulashada "shaksiga sannadka" ee ay sameysay majalladda Time. -
Muxuu yahay 'muuqaalka lamaanaha qaawan ee dusha ka saaran Ahraamta mucjisada ah ee Masar?'
Mas'uuliyiinta dalka Masar ayaa baaraya saxnimada muuqaal laga soo duubay lamaane u dhashay waddanka Denmark oo iyagoo qaawan dusha sare ka saarnaa ahraamta la qaddariyo ee ku yaalla Giiza-ha. -
Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Farmaajo oo ''buray''
Kulanti wacan oo wanaagsan akhyaarta halkan nagala socotaay, kusoo dhawaada tebinta tooska ah. -
Ku dhawaad 60% korontada Liberia waa la xadaa
BBC News Somali: Dadka ayaa xada ku dhawaad 60% korontada dalka Liberia sannad kaste, iyaga oo si sharci darro ah korontada ugu jiita guryahooda iyo ganacsiyadooda, sida ay ku warran tay shirkadda korontada ee dawladdu leedahay. -
Dawlada Maraykaku waxay 'joogitaan dibloomaasiyadeed oo joogta ah' kuyeelanaysaa Soomaaliya
Associated Press [read in English]
Dawlada Maraykanku waxay dib usoo celinaysaa "joogitaankeeda dimlomaasiyadeed ee rasmiga ah" oo ay kulahayd wadanka Soomaaliya markii ugu horaysay muddo 27 sano ah.
Waaxda Dawlada ayaa Talaadadii sheegtay "talaabadaan taariikhiga ah waxay cadayn utahay hormarka Soomaaliya samaysay sanadihii dhawaa waana talaabo kale oo looqaaday dhanka hagaajinta dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ee Maraykanku kuleeyahay Mogadishu."
Dawlada Maraykanku waxay albaabada ulaabtay safaaradii ay kulahayd Soomaaliya bishii Janaayo 1991 kadib markii dalku galay dagaal sokeeye, ayadoo safiirkeena iyo shaqaalaha kalaba lagusoo qaaday dayuurad milatari.
Dawlada Maraykanku waxay si rasmi ah u aqoonsatay dawlada federaalka cusub ee Soomaaliya sanadkii 2013 laakiin waxay hawlaheeda diblomaasiyadeed kamaamulaysay caasimada wadanka Sooaaliya dariska la ah ee Kenya.
Xoghayihii Hore ee Arimaha Dibada Maraykanka John Kerry markuu uu booqasho lama filaan ah kutagay sanadkii 2015 wadanka Soomaaliya ayaa sheegay in Maraykanku bilaabi doono shaqada dib usoo celinta joogitaankiisa diblomaasiyadeed ee dalka Soomaaliya.
Safiirka cusub Donald Yamamoto ayaa bilaabay shaqada safaarada Maraykanka bishii lasoo dhaafay.
-
Maxay tahay kaalinta dumarka soomaalidda ee siyaasadda Maraykanka ?
BBC News Somali: Guushii siyaased ee ay dhawaan gaadheen qaar ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa soo jiidatay indha qaar ka mid ah shakhsiyaadka iyo ururrada u ololeeya xaquuqda dumarka. -
Sida looga falceliyey dilkii Muqdisho loogu gaystay Axmed Dowlo
BBC News Somali: Baraha bulshada waxaa ka billawday olole wacyigelin ah oo lagu dhiirigalinayo guurka dadka la takooro. Arrintan ayaa dhalisay in aad loo falaqeeyo dilka quursiga ku salaysan ee marxuum Axmed Dowlo. -
Maraykanka oo dacwad kusoo oogaya aas aasaha WikiLeaks
Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya in Waaxda Cadaaladda ee dalkaas ay diyaarinayso dacwado kadhan ah aas aasaha barta interner-ka WikiLeaks, Julian Assange. -
Ra'isal Wasaaraha Ingiriiska oo xisbigeedu doonayo in codka kalsoonida loo qaado
Xubnaha hormuudka u ah in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub ee ku jira golaha wasiirada ayaa taageero la garab joogsaday Theresa May, iyada oo ay socdaan isku dayo lagu doonayo in xilka lagaga qaado. -
Khaahsuqji oo Salaadda Janaasada looga dukaday labada Xaram
Masaajidda ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Turkiga ayaa salaadda janaasada looga tukaday wariyihii la dilay ee Jamaal Khaashuqji. -
Soomaaliya oo mar kale ka mid noqotay dalalka ugu khatarta badan ee loo safro
Dalalka ku yaalla qaaradda Yurub ee kala ah Finland, Norway iyo Iceland ayaa loo aqoonsaday iney yihiin meelaha ugu nabdoon ee loo safri karo. -
GoFundMe ayaa si ku meel gaar ah u joojisay dadaal lagu caawinayo haweenay joogta Soomaaliya
By Riham Feshir | MPR News [Read the story in English here]Suud Olat wuxuu isku dayay inuu sameeyo fal wanaagsan markii uu bilaabay lacag ururinta GoFundMe ee haweeney Soomaaliyeed oo la il daran buro nadir ah. Ardayga Jaamacadda St. Cloud State ee 27 jirka ah wuxuu xiriiro ku leeyahay bulshada dhexdeeda wuxuuna ku fekeray in isagoo kaashanaya warbaahinta bulshada ee goobta halka ay gaari karto uu ka caawin karo haweeneyda in ay hesho lacag ay u isticmaasho daryeel caafimaad.
Ka dib markii uu ururiyay abbaaro $1,400 bishii Oktoobar, GoFundMe waxay joojisay koontadiisa sababta oo ah "cunaqabatayn la xidhiidha waddan aan la taageerin," sida laga soo xigtay emailka GoFundMe ee uu la wadaagay MPR News.
Baaris degdeg ah ee bogga ayaa muujinaya ololayaal dhowr ah ee lacag ururin ah oo loogu talagalay dadka Soomaalida ah ee la il-daran abaarta iyo macluusha. Xitaa waxaa jira olole lagu diro buugaag loogu talagalay carruurta iyo dhallinyarada.
Sidaa darteed Olat wuu ka naxay markii uu ogaaday in ololihiisa lacag-ururinta caafimaad la joojiyay.
Waxa uu ka maqlay haweenayda, Dahabo Salah, ruux deriskeeda ku ah Soomaaliya oo isaga ula soo xidhiidhay caawimaad. Waxay buro naadir ah uga taal wajiga iyadoo aysan fudududeyn inay hesho daryeel caafimaad.
Cunaqabateynta Mareykanka ee GoFundMe ay tilmaantay kama mamnuucin in dadku lacag u ururiyaan deeqaha samafalka. Waxa loola jeedaa in lagu aqoonsado shakhsiyaadka, kooxaha iyo hay'adaha ku lug leh ururada argagixisada iyo tahriibiyeyaasha mukhadaraadka. Hantida kuwa ku qoran "Liiska Muwaadiniinta Goonida u Tilmaaman iyo Dadka la Xakameynayo" ayaa la xayiray, dadka Maraykanka ahna waxaa si guud looga mamnuucay in ay la macaamilaan, sida laga soo xigtay Waaxda Hantidhowrka Mareykanka.
Olat kuma jiro liiskaas.
Wuxuu la xiriiray saraakiisha dawladda iyo qareenno si ay u caawiyaan. Sheekadiisa waxaa loo gudbiyay Matthew Callahan, oo ah qareen u shaqeeya hay’adda aan faaíido doonka ahayn ee Qareennada Muslimiinta.
"Cunaqabateynta ugama baahna iyaga inay sidan u xaddidaan sadaqada khaaska ah," ayuu yiri Callahan.
Hal maalin kadib markii Callahan uu warqad u diray GoFundMe isagoo u sheegay in xakameeynta aysan ka horjoogsanayn Olat in uu lacag u ururiyo Salah, waxay shirkaddu bixisay raali galin oo dib u soo celisay ololahii lacag ururinta.
Wakiil ayaa u sheegay Olat in lacagtii la soo ururiyay ilaa hadda loo celiyay deeq-bixiyeyaashii. Arbacadii, hase yeeshee, ku dhowaad laba toddobaad kadib markii shirkaddu ay joojisay koontada, waxay shirkaddu dib u soo celisay $1,435 - qaddar laga yaabo in Maraykanku aysan ka ahayn wax badan, laakiin noqon karta mid qiimo badan ka joogta Soomaaliya.
"Waxa ay sameynayaan waa takoorid," ayuu yiri Olat. "Waxa ay sameynayaan waa xad-gudub, waxayna ku beegsanayaan dadka qaarkood diintooda. Waxaan nahay bulsho, waxaan rabnaa in aan website-ka u adeegsano bulsho ahaan. Nalama beegsan karo.”
Farriimaha loo dhaafay GoFundMe lagama soo jawaabin.
-
Calanka Soomaaliya oo Jigjiga laga calmaday
Tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaa magaalada jidjiga ku soo badanayay waxyaabo badan oo dowladdii hore ay dadka deegaanka ka mamnuucday. -
Falanqayn: Iskaashigii maamul goboleedyada weli ma nool yahay?
Golaha iskaashiga maamul goboleedyada ayaa u muuqda inuu wajahayo caqabaddii ugu weyneyd ee la xiriirta awooddiisa, xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe, iyo is casilaaddii Shariif Xasan Sheekh Aadan. -
Cabdi Maxamuud Cumar oo Berri maxkamad mar kale la hor geynayo
Wararkan ku saabsan in berri oo Jimce ah maxkamad la geyn doono Cabdi Maxamuud waxaa BBC u xaqiijiyey ilo madax banaan iyo kuwo ku dhowdhow kooxda difaacaysa. -
Masjid lagu xadgudbay dalka Malaysia
Maamulka masaajid ku yaalla waddanka Malaysia ayaa mamnuucay in dadka dalxiiseyaasha ah ay soo booqdaan, ka dib markii internet-ka lagu shaaciyay muuqaalka labo gabdhood oo qoob ka ciyaar ku sameynaya Masjidka hortiisa. -
Doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka
6da bishan Nofeembar waxaa la filayaa iney dhacdo doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka, waxaana murashaxiinta ka mid ah siyaasiyiin ka soo jeeda Soomaaliya. BBC-da ayaa wareysatay Hodan Xasan oo u tartamaysa mid ka mid ah kuraasta aqalka wakiillada ee gobolka Minnesota. -
Dadka reer Minnesota ayaa ucodaynaaya mid kamid ah doorashooyinka ugu muhiimsanaa ee gobalka lagu qabto muddo sanado badan ah kadib. Halkaan ayay musharaxiintu kakala joogaan arimaha muhiimka ah ee aan bulsho ahaan waajahayno.Waa maxay mowqifka ay musharaxiinta Minnesota kaqabaan arimaha
-
Baritaanka wiilasha inay noqdaan 'rag masuul ah' dunidaan raganimada xadkeedii la dhaafiyay
By Catharine Richert | MPR News [Read the story in English here]Habeen dhowayd oo Oktoobar ah, wiilal dhalinyaro ah ayaa waxay dabaqyo ka dhisayeen baasto aan karsaneeyn iyo marshmallows iyagoo jooga qolka caamka ah ee kaniisadda Assisi Heights.Waa wax markii dibedda laga eego aan caadi ahayn.Hase yeeshee, munaasabadda dhisidda dabaqyada ayaa ah furitaanka dood culus oo ku saabsan naxariis, roonaan iyo sida loo noqon karo "nin masuul ah" dunidan ay jahwareerisay fikradaha gurracan ee ku saabsan ragga oo khabiirrada caafimaadka ku doodaan inay la xidhiidhaan rabshadaha, niyad-jabka iyo is-dilka ragga markii ay da’doodu weynaato.Fiidkan waxaa fududeeyey koox ka kooban ragga Rochester. Hase-yeeshe, Walaalaha Saint Francis ayaa la yimid fikradda fasalka.Walaasha Marlys Jax ayaa gacan ka gaysatay abaabulka dhacdadan muddo dhawr sano ah. Waxay sheegtay in fikraddii hore ay ahayd in la baro wiilasha iyo gabdhaha habdhaqan wanaagsan iyo aadaab wanaagsan.Hase yeeshee, iyadoo ay jiraan wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqa #MeToo iyo eedeeymaha isku daygii kufsi ee lagu eedeeyay Xaakin Brett Kavanaugh intii lagu jiray dhegeysigiisii ansixinta, Jax ayaa sheegtay inay baddaleen manhajka si ay diiradda u saaraan sida raga dhallinyarada ah ula dagaallami karaan fikradaha gurracan ee xoojinaya dabeecadaha ragga ee xun ama xad-dhaafka ah.Goor dambe ee fiidkaas ah, ayay dooddu u jeesatay fikradaha khaldan ee ragga. Hoggaamiyaha ciidanka ilaalada Jim Fitzsimmons ayaa ka codsaday kooxda tusaalooyin, gacmahii dadka qolka ku jiray ayaa kor loo wada qaaday."Ragga dhabta ah marnaba cid ma waydiistaan jihooyinka," ayaa ku taliyay 12-sano jirka Truman Stolz."Ragga dhabta ah marnaba raali gelin ma bixiyaan," ayuu raaciyay Fitzsimmons. "Ragga dhabta ah marnaba ma qiraan in ay qaldan yihiin, kuwani maahan fikrado caafimaad ku jiro."Dhab ahaantii, Fitzsimmons wuxuu u sheegay kooxda, in ragga dhabta ah ay sheegaan dareenkooda halkii ay iska buuxin lahaayeen cadho iyo murugo.Fitzsimmons ayaa sheegay in uu rajeynayo in wiilasha oo la baro inay ka hadlaan dareenkooda ay ku caawinayso inay ula dhaqmaan dadka kale, oo ay ku jiraan lamaanayaashooda mustaqbalka, si ixtiraam leh."Waxaan u maleynayaa in fikradaha kala duwan ee jira, ay noqon karaan kuwo sun ah," ayuu yiri.Dr. Robert Blum, oo borofisoor ka ah Iskuulka Caafimaadka Guud ee Johns Hopkins, ayaa bartay caadooyinka jinsiga iyo habdhaqanka ee qaan-gaarka dunida oo dhan.Blum waxa uu sheegay in baadhitaankiisa uu muujinayo in fikradahani ay ka qayb qaataan wiilasha sii badanaya oo ku dhimanaya rabshadaha, inta badan iyaga oo u maraya inay dilaan naftooda, iyo sigaar cabista iyo cabbitaanka khamriga oo ka badan gabdhaha."Inta badan tani maaha wax ku saleeysan bayoolaji ama Y kromosome," ayuu yiri. "Waa wax ku saleeysan ka barashada bulshada." -
Jamal Khaashoqji oo maydkiisa laga raadinayo kaymaha
Sida ay wararku sheegayaan booliiska Turkiga ayaa ballaariyey baadhitaanka ay ku hayaan kiiska Saxafigii Sucuudiga u dhashay ee la sheegay in la dilay Jamal Khashoggi. -
Trump oo boggaadiyay siyaasi feeray saxafi
Trump ayaa meedaar iyo metalaad ku muujiyay qof si xoog ah dhulka loogu dhufanayo. -
Lammaane jacayl ay isu qabaan awgeed badda gunteeda isku guursaday
Faraantiyaasha ayaa waxa u soo iibiyey gabadha walalkeed. Gabadha hooyadeed ayaa markii hore diiday arrinkan balse gadaal ayey ka ogolaatay -
Xeerka Qoyska cusub ee Soomaaliya oo muran weyn dhaliyay
Da'da qaan gaarka ee shareecada islaamka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano. -
Tartanka Guddoomiyaha Gobolka: Halka ay musharraxiinta guddoomiyaha gobolku ka taaganyihiin daryeelka caafimaadka iyo socdaalka
By Cody Nelson | MPR News [Read the story in English]Afar nin ayaa isku dayaya inay buuxiyaan aqalka guddoomiyaha gobolka iyadoo uu DFLer Mark Dayton oo labo goor doorashada helay isu diyaarinayo inuu ka tago xafiiska.Hoggaamiyeyaasha tartanka waa Jeff Johnson, Guddoomiyaha Degmo-weynta Hennepin ee Jamhuuriga ah, iyo Xildhibaanka Dimoqraadiga ah Tim Walz, oo aqalka Maraykanka ku matala koonfurta Minnesota badankeed.Laba musharrax oo ka mid ah xisbiyada yaryar ayaa iyaguna sidoo kale tartamaya: Libertarian Josh Welter iyo Chris Wright oo ka tirsan kooxda Dhaqdhaqaaqa Asaasiga ah ee Sharciyeynta Xashiihska.MPR News waxay baadhis ku samaysay musharrixiintu halkay ka taagan yihiin dhowr arrimood oo muhiim ah oo ku salaysan fikradaha ay ku tartamayaan iyo hadallada kale ee ay dadweynaha ka dhex sheegeen.CaafimaadkaJohnson: Waxa uu ka soo horjeedaa Affordable Care Act wuxuuna MNsure ku tilmaamay "masiibo dhameystiran." Johnson wuxuu doonayaa Minnesota inay laasho qaybo ka mid ah ACA oo hoos yimaada shuruudaha federaalka waxaana uu doonayaa inuu abuuro nidaam iibsashada caymiska guud ee dowlad-goboleedyada u dhexeeya taasoo ah hab lagu xoojiyo tartanka suuqa caymiska.Walz: Walz wuxuu rumeysan yahay "nidaamka lacag-bixinta mideysan inay u soo dhowdahay Minnesota." Wuxuu taageeraa daryeelka caafimaadka dadweynaha ee loogu talagalay dadka dakhligoodu hooseeyo, MinnesotaCare, in loo fidiyo dhammaan dadka reer Minnesota, haddii ay doortaan inay iibsadaan.Welter: Welter ma taageerayo wax khidmo cusub ama canshuur ah oo lagu bixinayo arrimaha caafimaadka la xiriira.Wright: Wuxuu jecel yahay nidaam daryeel caafimaad oo hal-lacag-bixiye ah wuxuuna doonayaa Minnesota in ay ka baxdo MNsure iyo Affordable Care Act oo sameeysato nidaamka hal-bixiye. Wright ayaa sidoo kale dhaleeceeya "khasaarinta, khayaanada iyo xadgudubka" daryeelka caafimaadka.SocdaalkaJohnson: Johnson wuxuu doonayaa in sharci-fuliyaasha maxalliga ah awood u yeeshaan inay kala shaqeeyaan masuuliyiinta federaalka ah hirgelinta xakameeynta haajirka wuxuuna ka soo horjeeda siyaasadaha "magan-gelinta". Wuxuu sidoo kale sheegay in barnaamijka dib-u-dejinta qaxootiga ee federaalku uu "noqday mid ku kodhiyay kala qaybsanaanta iyo dhibaatada" Minnesota waxana uu raadin doonaa in si degdeg ah loo hakiyo barnaamijka.Walz: Walz wuxuu aaminsanyahay in sharci-fuliyayaasha maxalliga ah aan loo xilsaarin fulinta sharciyada federaalka ee socdaalka, taas oo ay ku dhaqmaan goobaha maamul ee lagu magaacabo megen-gelinta. Waxa kale oo uu taageersan yahay ilaalinta dadka carruur ahaan lagu keenay Mareykanka iyagoo aan lahayn dukumiinti.Welter: Welter wuxuu sheegay inay taay in Maraykanku furo xudduudihiisa oo uu u oggolaado in dad badan ay soo galaan dalka.Wright: Wright ayaan u muuqan in uu leeyahay fikrad shaacsan oo ku aaddan socdaalka. MPR News ayaa codasaday faallo wuxuuna beddelayaa qoraalkan haddii uu ololuhu ka soo jawaabo. -
Mareykanka oo danjire cusub u magacaabay Soomaaliya
Mareykanka oo Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u fadhin doono u magacaabay Donald Yamamato oo waaya aragnima badan u leh arrimaha dibloomaasiyadda. -
Ramla Cali: Feedhyahan qarsoodi libin ku gaadhay
Ramla Cali markay ku guulaysatay tartanka feedhka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii, qoyskeedu ma daawanayn. Sababtuna ma aha in ay diidanaayeen ee warba waanay ka hayn. -
Iiraan oo lagu tilmaamay halka la mariyo dhuxusha Soomaaliya
Warbixin aan wali la shaacinin oo ay diyaarisay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Iiraan ay noqotay meel ay kooxda Alshabab u adeegsato iney ka samayso ganacsi malaayiin doolar ah oo ay ku xoogeysato. -
Dumarka Muslimiinta ah ee xafiisyada u sharraxan oo rajeynaya inay codbixiyeyaashu arkaan wax ka badan diintooda iyo jinsigooda
Riham Feshir, MPR News [view in English]Fardowsa Jaamac waa muhaajirad, dhallinyaro, qof dumar ah, iyo qof aan caddaan ahayn. Waxay sheegtay in aysan daneeynayn oo kaliya arrimaha ku saabsan dadka laga tirada badan yahay, balse arrimaha kale sida guryaha qiimaha jaban iyo waxbarashada.Hadda waxay u ordeysaa kursi ka tirsan Golaha Magaalada Mankato. Marka la eego dadka Muslimiinta ah ee kuraasta u tartamaya sanadkan Minnesota, haweenku badankood waxay ka soo gudbeen guulaha doorashooyinka koowaad iyagoo u gudbay doorashooyinka guud.Jagooyinka waxaa ku jira guddiyada iskuulada ilaa Congress-ka – iyadoo Xildhibaannada Gobolka Ilhan Omar u sharraxan tahay inay beddesho Keith Ellison oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Maraykanka, isagoo hadda u tartamaya qareenka guud.Omar waxay guubaabo u ahayd qaar badan oo ka mid ah haweenka sharraxan sannadkan. Waxay ka muuqatay galalka majalladaha iyo barnaamijka Daily Show. Waxay calaamadeysaa dhowr qodob oo ay "ugu horreysay" - oo ah qofkii ugu horreeyey ee noqda sharci-dajiye Soomaali-Maraykan ah, haweeneydii ugu horeysay ee xirata masar oo ka shaqeeysa Golaha. Waxaana laga yaabaa in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee aan caddaan ahayn oo Minnesota ka matasha Congress-ka.Inkasta oo degmadeedu ay tahay mid diimuqraadiyad u badan, qaar badan oo ka mid ah shacabka ay mataleeysana yihiin muhaajiriin Soomaali ah, haweenka u sharraxan xafiisyada waxay ka helayaan guubaabo, iyagoo ku fekereya haddii ay iyadu sameeyn karto, iyaguna inay awoodaan.Qaar ka mid ah doorashooyinka maxalliga ah, musharraxiinta cidina lama tartameeyso. Tartannada Golaha Dugsiyada Degmada Minneapolis ayaa tusaale u ah taas.Sharon El-Amin ayaa sheegtay in ay dhibayso in 36,000 oo arday aan si fiican loo mataleyn, aysanna wax war ah ka maqlin musharraxiinta aan cidina la tartameeyn. El-Amin, ayaa dhinaca kale, saddex qof kula tartameeysa mid ka mid ah laba boos oo furan.Inkasta oo dumarka aan caddaanka ahayn qaar ka mid ah ay sheegeen in lala beegsaday hadallo cunsuri ah oo ku saabsan tartannadooda doorashada, El-Amin ayaa sheegtay in ay muhiim u tahay musharaxiintaas inay muujiyaan waxyaabaha ay hodanka ka yihiin."Waxaan u maleynayaa mararka qaar in aan ilowno awoodda aan haysano iyo waxyaabaha aynu isku keeni karno marka ay timaaddo dhismaha, dadka oo la isku keeno, iyo u istaagidda waxa saxda ah," ayay tiri. "Kuwan oo dhan waa waxyaabaha aynnu dumar ahaan u leenahay hab dabiici ah oo aan u qabanno."Dumarkani maaha oo kaliya kuwo matalaya jiho maxalli ah, waxay qayb ka yihiin isbeddel heer qaran ah ee haweenka u tartamaya xafiisyada sannadkan. Waxay uun yihiin Muslim. -
Hablaha kubbadda cagta ciyaara ee Hargeysa
BBC News Somali: Haddii wiilasha oo keli ahi ciyaari jireen kubadda cagta magaalada Hargeysa, haatan waxaa soo baxay kooxo hablo ah oo ciyaara kubadda cagta oo weliba xariifiin ku ah.