MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live
BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)






-
-
Dagaalka Ilhaan Cumar iyo Donald Trump oo markale dib u qarxay
Madaxweyne Trump ayaa xalay saqdii dhexe boggiisa Tweetarka ku qoray 'hadal jeejees ah' oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.
-
Cunto xumada oo la ogaaday in ay tahay dillaaga ugu weyn
TSannad kasta cuntada aan cunno ee aan dheelitirnayn ayaa la sheegay in u dhintaan 11 milyan ka hor sida lagu sheegay daraasad cusub oo soo baxday. -
Nin 'xanaaq awgiis xaaskiisa timaha uga xiiray'
Haweenay u dhalatay dalka Pakistan ayaa ninkeeda ku eedaysay inuu timaha ka xiiray ka dib markii ay diidday inay samayso ciyaarta qoob ka ciyaarka ah, arrintan ayaana hadda abuurtay walaac hor leh oo ku saabsan amaanka dumarka ku nool gudaha dalkaas.
-
Nin Soomaali ah oo noqday guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya
Golaha Wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Ansixiyay xulashada Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.
-
Xisbiga Erdogan oo muran galiyay guusha mucaaradka
Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose ee Turkiga ayaa sheegaya in xisbiga talada haya ee AKP ee Madaxweyne Rajab Erdogan uu dood ka keenay natiijada doorashooyinka ee magaalada Ankara, halkaas oo lagu dhawaaqay in ay mucaaradka guusha ku raacday.
-
Xatooyo casri ah lagu xaalufiyay Shiinaha iyo Mareykanka
Ma jirin albaab la jabiyay, ma jirin muraayad la burburiyay, balse warshadda ku taalla duleedka magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha waxay ahayd meel lagu soo xoomay oo uu ka dhacay faldambiyeed aad casri u ah. Qof ayaa xaday hantidii guud ee aasaaska u ahayd warshadda.
-
Facebook oo kashifeysa sirteeda
Shirkadda Facebook ayaa dhawaan daahfureysa barnaamij cusub oo sharraxaya sida ay u go'aansato waxyaabaha kasoo muuqda bogagga hore ee dadka isticmaala adeeggooda.
-
Dhibaatooyinka ay Shaqo la’aantu ku heyso dhalinyarada Soomaaliyeed
Waxaa heerkii ugu sarreeyay maraya dhibaatooyinka ka dhasha shaqo la'aanta ee heysta dhalinyarada Soomaaliyeed, sida lagu soo bandhigay daraasad cusub oo ay sameysay hay'adda Somali Public Agenda (SPA), oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
-
Toogashadii New Zealand: Hoggaamiyaha Austria oo arrin cusub shaaciyay
Hoggaamiyaha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay inuu jiro xiriir dhaqaale oo ka dhaxeeya ninka loo heysto weerarkii masaajidyada dalka New Zealand Brenton Tarrant iyo dhaqdhaqaaqa midigta-fog ee Austria.
-
Qiso xanuun badan: Laba arrimood filo hadii aad guursato qof ajanabi ah
Soomaalidu waxay ka mid tahay bulshooyinka aduunka sida wayn u ilaaliya hanaanka guurka iyo isdhexgalka,waxaa jirta sheekooyin badan oo la xidhiidha Guurka.
-
Diyaarad rakaab ah oo ku dagtay magaalo aan ahayn tii ay u socotay
Diyaaradda British Airways oo ku wajahneyd magaalada Dusseldorf ee dalka Jarmalka ayaa si khaldan ugu dagtay magaalada Edinburgh ee caasimadda u ah Scotland. -
Stephen Hawking ‘indheer-garadkii’ la dayacay
Stephen ayaa u dhintay xanuun ku dhaca neerfaha maskaxda iyo xangulaha oo loo yaqaano (Danab maskaxeed) -
Shiinaha oo diiday inuu isticmaalo erayga 'Argagixiso'
Ma aha markii ugu horreysay ee Shiinuhu uu hor istaago isku dayga dowladda Hindiya -
Kenya oo dhistay 10km oo ah gidaarka xadka Soomaaliya, balse fadeexad ayaa ka taagan
Baarlamaanka Kenya ayaa hadda xukuumadda ka sugaya sharraxaad -
Digaag isugu tagay dawaco ka dibna dilay
Tabintan tooska ah kaga bogo wararka Soomaalida iyo kuwa caalamka. -
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Email diray
30 sano ayaa kasoo wareegtay markii ugu horreysay ee Dunida loo soo hindisay adeegga internetka ee loo yaqaanno (world wide web). -
Muxuu Dr Abi Axmed ka yiri kullankii Farmaajo iyo Uhuru?
Siyaabo kala duwan ayaa loo fasirtay war kasoo baxay xafiiska Ra'isulwasaaraha Itoobiya -
↵
Xildhibaan sheegtay in uu kufsaday sarkaal ka tirsan ciidammada Maraykanka
Xildhibaan ka tirsan aqalka Senat-ka ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay "in uu kufsaday sarkaal ka sarreeyay" markii ay ka tirsanayd ciidammada cirka. -
Ra'iisul wasaaraha Hindiya oo lagu heysto kaftan siyaasadeed
Mr Modi ayaa hadalkaas jeediyay isagoo meel fagaare ah ka hadlayay -
Siday Kylie Jenner ku noqotay bilyaneerka ugu da'da yar adduunka?
Qoyska lagu magacaabo Kardashian ayaysan mar walba fadeexad ka dhammaanin. -
Maxay Soomaalida Norway uga walaacsantahay baasaboorka Soomaaliga ee la aqoonsaday?
Waqtiyadii ugu danbeeyey dalalka waqooyiga Yurub waxaa ku soo badanaya sharciyada lagu adkeynayo dadka magan-galyo doonka ah sidii loo dhimilahaa. -
"Shan jeer ayaa weerar is qarxin ah lagu qaaday ganacsigeyga, mana quusanin"
Milkiilaha Hoteel lala beegsaday weerarro soo noqnoqday ayaa BBC-da u sheegay sababta uu u maleynayo in lagu heysto -
Itoobiya oo dhexdhexaadineysa Kenya iyo Soomaaliya
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa tagaya magaalada Nairobi -
Libaax dilay ninkii rabbaysanayey
Michal Prasek ayaa carbinayay libaaxaan oo 9 sano jir ah iyo libaax kale oo dhidig ah, ayaa wax aa maalmhii dambe soo badanayay walaac ay dadka deegaanka ka muujinayeen libaaxyada. -
Nin Muslim ah oo afgembi ka sameeyay dal reer Galbeed ah
Waligaa ma maqashay nin Muslim ah oo afgembi ka sameeyay dal reer Galbeed ah?, hagaag, waa dhacdo taariikhda gashay. -
Arrimo kusoo kordhay Cadaado, walaacna ku abuuray Galmudug
Illo lagu kalsoonyahay oo isugu jira siyaasiyiin iyo warfidiyeeno ayaa BBC-da u xaqiijiyay in la qorsheynayo in magaalada Cadaado lagu qabto doorashada madaxweyne cusub oo Galmudug yeelato. -
Dowladda Soomaaliya: Arrimaha badda wada hadal kama furna
Mas'uuliyiinta labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowr jeer ka hadlay arrimaha uu salka ku hayo khilaafkooda -
Gudoomiyaha Minnesota. Qorshaha Miisaaniyada ee Walz: Kordhinta Canshuurta wayn ee gaaska; u qoondaynta lacag badan oo loogu tala galay dugsiyada, caafimaadka, wadooyinka
By Briana Bierschbach and Brian Bakst | MPR News [Read in English]Duqa magaalada Tim Walz ayaa soo bandhigay kudhawaad $50 bilyan, oo ah qorshaha miisaaniyada oo ah labo sano looguna tala galay canshuurta gobalka ee gaaska si kor loogu qaado 20 senti oo gallon ah — qiiyaastii waxay boqolkiiba 70 kor ukacaysaa qiimaha canshuurta hada — iyo kharaska badan ee kubaxaya waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.Walz, qorshihiisa koowaad ee miisaaniyada ka gudoomiye ahaan, wuxuu sidoo kale soojeediyay in canshuur dhaaf loosameeyo dadka dakhliga yar hela ee reer Minnesota, beeralayda iyo ganacsatada yaryar ee qaybta ka ah canshuur dhimista gobalka oo ah isbadelada ay samaysay dawlada federaalka.Si uu liiska u jeedooyinkiisa u noqdaan kuwo hirgala, Walz wuxuu u baahan doona inuu ansixin ka helo Minnesota Legislature (sharci dajiyaasha reer Minnesota).Miisaaniyada Walz waxay abuuraysaa barnaamij kabid ah si loo yareeyo lacagta caymiska ee labixiyo bilkasta laguna bixiyo barnaamijka MNsure, iyo kan qorshaha caafimaadka ee gobalka ee la badelay.Qorshuhu wuxuu kor u qaadayaa nidaamka maaliyadeed ee waxbarashada boqolkiiba 3 sanada koowaad iyo boqolkiiba 2 sanada labaad, oo ah $523 milyan oo kor u kac marka loo eego miisaaniyada hadda.Walz wuxuu soo jeedinayaa in la kordhiyo kharash kubaxaya wadooyinka gaadiidka iyo buundooyinka dalka iyo kan magaalooyinka oo ah boqolkiiba 35 ayadoo inta badan laga bixinayo canshuurtiisa gaas.Qaar kale oo kamid ah soojeedintiisa, Qorshaha Walz wuxuu:• Kuqarash gareen lahaa $70 milyan border-to-border broadband program (Barnaamijka adeegyada interneetka oo ay helaan dhamaan reer Minnesota)• Qarash gareen lahaaa $15.4 milyan sanadka soosocda oo ay la socdaan $8.7 milyan looguna tala galay xakameynta amaanka interneetka• Kordhinta canshuurta celinta qoyska shaqeeya, hoos u dhigida canshuurta qoysaska reer Minnesota celcelis ahaan $227 qoyskiiba oo tiradoodu gaarayso 46,000 qoys• Qarash gareen lahaa $550,000 oo ah maaliyada ay maamusho Department of Public Safety (Waaxda Amniga Dadwaynaha) si uu wax oga qabto barnaamijka “xakameynta Tacadiyada hubka” si wax looga “badelo ama loo hormariyo” nidaaamka ogolaanshaha sharciga hubka• Kuqarash gareen lahaa $700,000 si uu ugu furo Office of Public Engagement (Xaafiiska Isku duwaha Dadwaynaha) oo qaabilsan xakameynta iyo kajawaabida xariirada sharciga ah. -
Aabbe ilma uu dhalay xaday oo maxkamad lasoo taagay
Aabbe loo xiray iskuday uu ku doonayey inuu xado ilma uu isagu dhalay ayaa ugu dambeyn ka badbaaday xabsi. -
Soomaalida Kenya siday uga falceliyeen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya?
Tan iyo galinkii dambe ee Sabtida, markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday iney danjiraheeda Soomaaliya u yeertay, kii Soomaaliyana ka direyso Kenya, waxaa baraha xiriirka bulshada si weyn loogu hadal hayay xiriirka xumaaday ee labada waddan. -
Sidee luuqad ugu baran kartaa maalin walba hal saac?
Barashada luuqad cusub ayaa sideedaba ah fikrad laga cabsado. -
Maamul goboleedyada Soomaaliya miyay ka hareen siyaasadda arrimaha dibadda?
Khilaafka diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo shaac baxay sabtidii aynu soo dhaafnay -
Maxay dad badan u aaminsanyihiin jirintaanka aragtiyada marin haboowsan?
Dad aad u badan ay aaminsanyihiin in madaxweynihii hore ee Maraykanka Gearge W Bush uu isaga maleegay qaraxyadii loo geystay daarihii dhaadheeraa ee New York, 2001-dii. -
Sida ay ku timid maalinta Jacaylka adduunka ee "Valentine's day"
14-ka bisha Febraayo ee sannad kasta waxaa dunida laga xusaa "Valentine Day", oo ah maalinta la xusho jacaylka. -
Ilhaan Cumar oo Trump kusoo rogaal celisay
Ilhaan ayaa su'aal gelisay nin Trump uu u magacaabay dalka Venazuela -
Maxaa hor taagan in Soomaaliya laga cafiyo Deymaha?
Midowga Afrika ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymaha looga leeyahay caalamka -
Warbahinta Israa'iil oo weerar ku qaadday Ilhaan Cumar
Ilhaan Cumar ayaa weerar kala kulantay warbaahinta laga leeyahay dalka Israa'iil -
Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?
Tan iyo markii la soo doortay, Ilhaan Cumar waxay si weyn u dhaleeceyneysay siyaasadda Donald Trump -
Ilhaan Cumar oo raali galin ka bixisay Yuhuud nacaybka
Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa'iil u taageeraan ururrada u ol'oleeya awgeed.
[Local coverage in English] -
Somaliland: Ma tiirkii asaasiga u ahaa dimuqraaddiyadda ayaa halis ku jira?
Ururka suxufiyiinta ee Soomaaliland iyo hay'adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan sida ay dowladdu u maamusho xorriyadda hadalka -
Shacabka Marsabit oo arrin la yaab leh ku sameeyay shir ay ugu yeereen madaxdooda
Dadka ayaa madaxda ku eedeeyay iney juhdi ku bixinayaan waxyaabo aan muhiim ahayn, halka aysan isku howleynin arrimaha ku saabsan danaha dadweynaha. -
Nin muslim ah oo la daldalay, imaamkiisana loo diiday
Dominique Ray oo lagu helay dambi dil ah ayaa Khamiistii lagu dilay cirbad, isagoo dilkiisana la waafajiyay wakhtigii loogu tala galay. -
Ballamihii uu qaaday madaxweyne Farmaajo ee aan qabsoomin
4 sano waa xilliga guud ee ay heysato dowladda, ka hor inta aan doorasho kale la qabanin, haddana waxaa gudubtay 2 sano oo wakhtigaas kalabarkiis ah.