MPR News Soomaali (MPR News Somali) Live
BBC Ogaal iyo MPR News ayaa dadka reer Minnesota wararka caalamiga ah iyo kuwa gobolada ku siiya Soomaali. (BBC’s Ogaal and MPR News provide global and regional news for Minnesotans in Somali.)
3rd & 7 37yd
3rd & 7 37yd
B
S
O
close
close

-





-
Maxay tahay sababta loo dilo darawalada Bajaajka ee Muqdisho?
Labo askari oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo joogay bar-koontarool oo ku taalla isgoyska degamada Howl-Wadag ayaa dil u geystay labo wiil oo ahaa darwalada bajaajleyda ee ka xoogsatada magaalada Muqdisho. -
Muhaajiriinta ku xiran gudaha Mareynkanka oo loo wareejinayo magaalooyinka mucaaradka
Madaxweyne Donald Trump ayaa qiray inuu qorsheynayo in muhaajiriinta xiran uu ku fasaxayo magaalooyinka ay Dimuqraadiyiintu ku badan yihiin, arrintaas oo ah siyaasad uu xisbigaasi uga aargoosanayo. -
Askar ka tirsan booliiska Sweden oo maxkamad loo soo taagay dilka wiil xanuunsan
Saddex askari oo ka tirsan booliska dalka Sweden ayaa maxkamad loo soo taagay dilka wiil qaba xanuun la xiriira hiddesidaha oo afka qalaad lagu yirahdo Down syndrome iyo sidoo kale cudurka autism-ka. -
Ninkii hogaaminayay afgambigii Suudaan oo iscasilay
Madaxa golaha milateriga ee Suudan ayaa xilka banneeyay maalin un kaddib markii afgambi xilka loogaga tuuray madaxweynihii mudada dheer dalkaas maamuli jiray ee Cumar Xasan al-Bashiir. -
Isbaddalka la saluugsanyahay ee Suudaan
Mudaharaadyada dalka Suudaan ayaa wali sii socda, iyadoo xitaa xilka laga tuuray Al-Bashiir -
Dowladda Islaamiga: Dumar iyo carruur ay cidna rabin
Al-howl waa xero qoxooti oo ku taallo dalka Suuriya, wuxuuna hoy u yahay 70,000 oo xaasaska iyo caruurta dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga (IS). -
Shan ka mid ah 'Kali-taliyeyaashii' Afrika ee xilka laga tuuray
Waxaan halkaan ku eegaynaa shan madaxweyne oo 'keliyetaliyaal' ahaa -
Maxaa Al-Bashir ku sugaya bannaanka madaxtooyada?
Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ugu dambeyn Khamiistii laga tuuray xilka, wuxuuna wajahayaa culesyo badan -
Wiil naafoobay oo noolasha horumar cajiib ah ka sameeyey
Cabdulaahi Maxamed Amiin waa wiil soomaaliyeed ku nafoobay qarax ka soo gaaray Miino ay ku cayaarayeen isaga iyo saaxiibadii Soomaaliya, waxaana la jaray labada gacmood. -
Soomaalida saameynta leh ee wax kusoo bartay dalka Suudaan
Dad badan oo soomaaliyeed ayaa deeqo waxbarasho ka helay dalka Sudan oo uu jahwaree siyaasadeed ka taagan yahay -
Lixdi daqiiqo ee ugu dambeysay diyaaraddi Itoobiya ee Burburtay
Diyaarad rakaab ah oo ay lahayd Itoobiya ayaa bil ka hor burburtay diyaaraddaasi oo ka soo kicitintay Addis Ababa kuna socotay magaalada Nairobi. -
Maxaad ka taqaannaa dadka ka dambeeya isbadalka ka dhacay Suudaan?
Dalka Suudaan waxaa ka dhacay isbadal wayn oo ka dhashay mudaaharaadyo waawayn oo dalkaas gilgilay. -
Sawirkii abid laga qaado god madow oo la baahiyey
Khubarada cilmi falagga ayaa markii ugu horraysay sawiray god madow oo ku yaal bah-meereyaal oo aad u fog. -
Cumar al-Bashir: Sida ragga awoodda badan ee Sudan awoodda u haysteen
Alex de Waal oo khabiir ku ah arimaha Sudan ayaa qoraalkiisan ku yidhi inkasta oo af-gembigii Khamiistii riday madaxweyne aan dadku ogolayn, in ay hadana kuwii ku dhawaa Cumar al-Bashiir ay weli ka go'antahay in ay awoodda sii haystaan. -
Soomaali Sannad kahor qaatay dhalashada Canada oo heer gaaray
Wuxuu qaxooti ku ahaa dalka kenya kahor Canada -
15sano jir u soontay si uu dalkeeda nabad u noqdo
Gabar da'yar oo u dhalatay dalka Liibiya ayaa waxa ay bilowday olole ay ku rajo weyn tahay in nabad lagu gaarsiiyo guud ahaan dalka. -
Wiil uu dhalay askari Maraykan ah oo "goob cibaado" weeraray
Wiil uu dhalay sarkaal ka tirsan booliiska Maraykanka ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu rasaas ku riday kiniisad ay leeyihiin dad madaw oo ku taalla Koonfurta gobolka Louisiana ee dalka Maraykanka, sida ay masuuliyiintu sheegeen. -
Shacabka Suudaan oo wali diidan xukunka milatariga
Kumannaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa wacad ku maray in ay sii joogi doonaan waddooyinka caasimadda dalka Suudan ee Khartoum, waxa ayna ku gacan seyreen bandow uu soo rogay golaha cusub ee milatariga ee shalay xukunka dalkaasi la wareegay. -
'Kali-taliyeyaashii Afrika' imisaa kasoo hartay?
6 madaxweyne ayaa wali ka hartay 'kali-taliyeyaashii Afrika' -
Dagaalka Trump iyo Trump :Ilhaan Cumar oo ka shaqeyneysa hindise sharciyeed u daneynaya Soomaaliya
Ilhan Cumar ayaa ku dhawaaqday inay waji cusub u yeeleyso dagaalka ay kula jirto madaxweyne Trump -
Waa kuma ninka Cumar Al Bashiir xilka ka tuuray?
Cawad Inbu Cawf ayaa maanta ku dhawaaqay xil ka qaadista Al-Bashiir -
Sudan: Al-Bashiir ka dib maxaa xigi kara?
Maanta ayey taliska milatariga Suudaan ku dhawaaqeen in ay la wareegeen maamulka dalka -
Saamaynta isbaddelka Sudan uu ku yeelan karo Soomaaliya
Bilihii lasoo dhaafay waxaa dalka Sudan ka taagnaa dibadbaxyo ka dhashay sicir barar iyo dhaqaalaha dalka oo hoos u dhacay, kuwaas oo dhaliyay qalalaaso siyaasadeed iyo in ay hakad galaan adeegyadii dadweynaha sida waxbarashada, waxaana wali caddayn waxa ay ku dambayn doonto siyaasadda Sudan. -
Tirakoobka ciidamada Soomaaliya muxuu u noqday dhaan dabangaalle?
Maanta ayaa Soomaaliya looga dabaal degayaa 59 guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. -
Waa kuma madaxweynaha Sudan ee aan la ogeyn halka uu ku dambeeyay?
Waxa uu ku biiray ciidankii Carbeed ee ka barbar dagaalamayay Masar oo dagaalka la gashay sannadkii 1973dii. -
Trump oo amray in la baaro "afgambi lala damcay oo dhicisoobay"
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu la hadlay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka si uu dabogal ugu sameeyo meesha uu ka soo ulkamay baaritaanka lagu sameeyay ee caddeeyay in isaga iyo Ruushka aysan wada shaqayn dhexmarin. -
Haweeney uur ku jirteeda laga helay meel bani'aadamka kale uusan ku lahayn
Haweenay 99 sano jir ahayd oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa markii ay geeriyootay kaddib waxaa la ogaaday in xubnaha jirkeeda ee muhiimka ahi ay ku yaaleen meel caadiyan aadanaha kale aysan uga oolin. -
Toogashadii New Zealand: RW Jacinda oo la ilmeysay arrin ay ku aragtay dadkii isbitaallada la dhigay
Baarlamaanka New Zealand ayaa maanta go'aan ka qaatay xeerka hubka darandooriga u dhaca -
Nin abaalmarin ahaan u helay $1 bilyan oo doolar
Ganacsadahan ayaa abaalmarinta ku helay dadaal uu ku jiray muddo 8 sano ah -
Muxuu sawirka gabadhan astaan ugu noqday kacdoonka Suudaan?
Haweenka reer Suudaan ayaa kamid ah dadka horkacaya dibadbaxyada loogu baaqaya madaxweyne Cumar Al Bashiir inuu xilka ka dego kaddib markii 30 sanno uu xilka hayay. -
Haweeney indhaheeda laga soo saaray cayayaan nool
Haweeney u dhalatay dalka Taiwan ayaa dhakhaatiirt dalkaas waxay ka heleen afar xabbo oo shinni ah oo ku dhex nool indhaheeda, waa dhacdadii ugu horraysay ee nooceeda ah oo ka dhacday Jasiiraddaas. -
Muxuu Facebook ka yeelayaa cinwaanada dadka dhintay?
Facebook-ga oo ka shaqeynaya sidii uu u joojin lahaa akoonada dadkii dhintay -
'Horumarka aan dunida ka gaadhay waxaa sabab u ah xayawaan'
Marar badan ayey isku dayday inay isdisho, laakiin hadda waa halyeey qaran waxaana horumarkeeda cajiibka ah sabab u ah xayawaan. -
Doorashada Israel: Shan arimood oo mudan in la ogaado
Iyada oo la tiriyey badi codadkii laga dhiibtay doorashada, ayaa ra'isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ay u badantahay inuu dhigo rikoodh oo uu mar shanaad xilka ku guulaysto. -
Ethiopian Airlines: Qaabkay diyaaraduhu u bixiyaan magta?
Bil ayaa laga joogaa markii ay burburtay diyaaraddii Itoobiya, taas oo galaafatay dhammaan 157 ruux ee saarnaa. -
Bangi malaayiin lacag ah looga dhacay Cagafcagaf
Booliska ayaa wada baaritaan ku saabsan dhacdadan oo ay dad badan la fajaceen -
Mareykanku ma dagaal qarsoodi ah ayuu ka wadaa Soomaaliya?
sannadkii 2019-ka wuxu Mareykanka Soomaaliya ka fuliyay 28 duqeyn -
Dumar Jacaylkoodu u horseeday in la dilo
Ragga dumarka ay saaxiibka yihiin qudha ka jara ee ka hinaasa in ay rag kale la hayaan ama sheega in ay si kale u khiyaameen aayaan warkoodu koobnayn dalalka Galbeedka oo kaleiya ee xataa Afrika ayey ka dhacaan dilalka noocaas ahi oo warbaahintu tabisaa. -
Dumar Jacaylkoodu u horseeday in la dilo
Marka la soo hadal qaado jacayl, waxa maankaaga ku soo dhacayaa waa laba qof oo in badan is doonay, duruufo badan oo xayiray wada jirkoodana ka gudbay oo kama dambaystii is helay. -
Dhoollo tuska habka dimuquraadiyadeed ee ugu wayn caalamka oo Hindiya ka dhacaya
Dhoollo tuska hanaanka dimuquraadiyadeed ee ugu wayn dunida ayaa toddobaadkan soconayey ayadoo doorashooyinka dalka Hndiya ay bilaabanayaan, doorashadan ayaa bilaaban doonta maalinta khamiista ah ee 11-ka April. -
Dhallinyarada Netherlands oo dalbanaya in dambi laga dhigo jirka laga ganacsado
Baarlamaanka Netherlands ayaa loo gudbinayaa codsi looga dalbanayo in dambi laga dhigo in loo tago dumarka jirkooda ka ganacsada. -
Maxaa sababay nidaam-darrada ka jirta dalka Liibiya?
Dalka Liibiya ayay xasarad ka aloosnayd tan iyo markii ciidamada ay taageerto gaashaanbuurta Nato ay xukunka ka tureen madaxweynaha muddada dheer dalkaasi ka talinayay ee Mucammar Al-Qadaafi, Oktoobar sanadkii 2011. -
Maxay ka dhigantahay in baasaboorka Soomaaliga laga aqoonsado xarunta Midoowga Yurub?
Waddamada ugu danbeeyey aqoonsaday baasaboor Soomaaliga waxaa ka mid ahaa wadanka Luxemburg. -
Saddex arrimood oo ku saabsan ganacsade Geelle iyo Jabuuti
Dabayaqadi bishi hore bankiga BCIMR ayaa dacwad ka gudbiyay shirkadda GSK iyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ah milkiilaha shirkadda dacwadda laga gudbiyay.